Washington (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in ninka quruxda badan ee xarrada jeceli uu shaqo helidda kaga nasiib yar yahay ka la midka ah ee aan qurux u dhalan ama aan xarragada aad ugu sii talax tegin, sababtuna waa masuuliyiinta shirkadaha ama goobaha kale ee shaqo ee raga ahi in aanay jeclayn in ay goobta isugu yimaaddaan nin ka xarrago badan ama aad uga qurux iyo muuq fiican iyaga oo ka cabsi qaba in indhaha dadka uu ka leexsado.
Daraasaddan oo tilmaamtay in habdhaqankani uu raga masuuliyiinta shirkadaha ah ku kooban yahay ayaa intaas ku dartay in dumarku ay ka duwan yihiin oo gabadha quruxda badan ama jalaqsanaanta iyo xarragada isku darsatay ay inta badan shaqo helidda uga nasiib badan tahay gabadha aan iyadu quruxda u dhalan aadna isugu mashquulin labbiska iyo is-dhiska.
Cilmibaadhistan uu Geeska Afrika turjumay oo lag baahiyey Majallad lagu magacaabo Organisational Behaviour and Human Decision Processes oo ka faallooda dabeecadaha shaqo iyo maamul ee ururrada iyo hannaanka go’aan qaadasho ayaa sheegaysa in tijaabo lagu sameeyey in ka badan 8 boqol oo xaaladood oo ah dad shaqo u sharraxnaa iyo tartanka garbinta adag ah ee ay kala kulmeen, ay natiijada ka soo baxday noqota in ninka quruxd u dhashay ee xarragada badani uu garbin iyo takoor badan kala kulmo masuuliyiinta shaqaalaysiinta uu ka filayo. Marco Bitisa oo ah bare-sare oo jaamacadda Maryland ee dalka Maraykanka ka dhiga cilmiga maamulka ayaa mar uu daraasaddan ka faallooday waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Xarragada badani mar kasta ma’aha wax wanaagsan oo uu qofku dheer yahay dadka kale” Isaga oo intaas ku sii daray, “Xarragada iyo jinniyaduhu mararka qaarkood waxa ay keenaan falcelin taban, gaar ahaan marka cidda wax laga doonayaa ay u aragto inay khatar ku tahay.
Xilligan la joogo dadka badankoodu ku falan yihiin in ay qoraallada taariikh nololeedkooda iyo xitaa bogaggooda ay ku leeyihiin barkulannada bulsho ee internet ka ay soo dhigtaan sawirro ay ku xusheen quruxda muuqa, labbiska iyo soo jiidasho ama jinniyado badan in ay leeyihiin, laakiin Bare-sare Bitisa iyo jaalkiisa cilmibaadhistan la sameeyey waxa ay qabaan in qofka shaqo doonka ah oo is-qurxin badani ka muuqataa ay marar badan caqabadba ku noqon karto in uu shaqada helo.
Daraasado tiro badan ayaa sheegaya in qofka oo ku guulaysta in uu qoro taariikhdiisa shaqo, waxbarasho iyo waayo-aragnimo (CV) oo qancisa qofka shaqaalaysiiyaha ahi ay kaalin muhiim ah ku leedahay shaqo helidda. Waxase talo muhiim ah oo khubaradu ku kala baydhi weyday in qofka laga rabo in marka uu qorayo CV giisa uu niyadda ku hayo in uu noqdo mid kooban oo muddo aan 30 ilbidhiqsi (Daqiiqad badhkeed) lagu akhriyi karo. Waana waqtiga la isku waafaqsan yahay in masuulka eegaya qoraalkaagani uu ku gaadhayo go’aan ah in aad shaqadan ku fiican tahay iyo in kale.