London (Geeska)- Marka la eego hab nololeedka, dhaqanka iyo fikirka dadka reer Yurub ee maanta ee la barbar dhigo kii awoowyadoodii hore waxaa muuqanaysa in aanay waxba dhexeyn Yurubta maanta iyo Yurubtii casriyadii dhexe iyo xitaa mararka qaarkood Yurubtii qarnigii 19naad. Qormadan oo uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay waxa aynu ku eegaynaa dhacdooyin iyo dhaqanno yaableh oo ay Yurubta maantu kaga duwantahay Yurubtii dhowr qarni ka hor.
Warbixin maqal iyo muuqaal ah oo arrintan laga sameeyey ayaa lagu yidhi, “Qofka reer Yurub ee maanta nool ee xarragada iyo nadaafadda lagu yaqaanna waxba kama dhexeeyaan ruuxii reer Yurub ee dhowr qarni ka hor noolaa, oo isagu aaminsanaa in maydhashadu ay keento dhibaatooyin jidheed iyo khataro caafimaad darro. Iyo in carruurta biyaha aadka u cabba uu jidhkoodu yeesho burbur iyo in uu mararka qaarkood iskii isaga dhac-dhaco. Waayadaas hore, dadka reer Yurub badankooda waxaa dhaqan u ahaa in ay maydhaan laba munaasabadood oo keliya, waa marka ay guur u diyaar garoobayaan iyo marka ay bukoodaan”
Warbixintu waxa ay si gaar ah isu dul taaaysaa dhowr qodob oo dadka reer Yurub ee maantu ay kaga fiican yihiin awoowyadii ay ka soo tafiirmeen ee qarniyo badan ka hor noolaa. Waxa aana ka mid ah dhaqankii Yurub ee xanuunka, doofaarka iyo roobka iyo maydhashada jidhka, waxa ay tilmaamaysaa sida ay dadkaasi u ahaan jireen dad cimri gaaban iyo sida uu ku yimid isbeddelka dadka reer Yurub ee maantu ay kaga baydheen gebi ahaanba hab-nololeedkaas foosha xun ee awoowyadood.
Warbixintan waxaa afeef looga dhigay, “Dhacdooyinka halkan ku xusani ma’aha maadays iyo sheeko-baralley la malo-awaalay, balse waa xaqiiqooyin uu xusuus qorkiisa ku soo ururiyey Sandor Marai oo ahaa hal-abuur gabayaa ah, qoraa, saxafi u dhashay dalka Hungary oo noolaa intii u dhexeysay 1900 illaa1989kii.
Sandor Marai oo ka dhashay qoys ka mid ah dadkii lagu tilmaami jiray Burjuwaasiyiinta oo ahaa dabaqad bulsho oo soo ifbaxday qarniyadii 15naad iyo 16naad, waxa ay ahaayeen dad hantay ilihii dhaqaalaha oo iyaga gacantooda ay ku urureen raasamaalkii iyo xirfadihii bulshadii xilligaas jirtay, sidaa awgeedna yeeshay awood iyo karti ay ku dhisaan ama ku qabsadaan bulshadii iyo haayadihii dawliga ahaa iyo maamulladii jiray, si ay uga dhigaan nidaam iyo awood ilaalisa mansabka ay bulshada kagajiraan iyo maalkooda.
Sandor Marai buuggiisan xusuus qorka ahaa oo uu u bixiyey, ‘Qiraallo Burjawaasi’ ku yidhi, “Suuliyada iyo xamaamyada maydhashada qasriyada waaweyn waxaa loogu samayn jiray keliya qurux ahaan. Inta badan ee dadkaas maalqabeenka ahaana waxa ay jidhkooda biyo la xasuusan jireen uun xilliga ciidaha, waxa aana marar dhici jirtayba in sannadkii kasta hal mar oo keliya jidhkooda maydhaan. Waa hubaal in urta (Qadhmuunka dhididka) reer Yurub uu ahaa mid aan loo adkaysan karin”
Sandor Marai oo qudhiisu sida aynu soo xusnay ahaa Burjuwaasi dhaqannada foosha xun ee uu ku arkay qoyskiisa maalqabeenka ah iyo qoysaskii la darajadad ahaa ee Burjuwaasiyiinta kale ahaa, intaas kuma ay koobnayn, balse waxa kale ee uu sheegay ayaa kaba sii fool xun. Waxaa ka mid ah in shaaracyada lagu saxaroodo iyada oo weliba aan loo arkayn in ay tahay ceeb mudan in lagala dhuunto dadka shaaraca maraya. Waxaa ka mid ahaa in maydka dadka guryaha lagu haysto inta ay qudhmayaan, kadibna daaqada fooqyada laga soo tuuro si shaaraca ay uga qaadaan gaadhi-dameerrada/faraska xashiishka ka gurayey magaalooyinka.
Xoolaha waxaa lagu qali jiray shaaracyada, markaasaa la arki jiray dhiiggii iyo uuskii oo ku darsamay saxaradii iyo qudhunkii kale ee dadka ama xoolaha bakhtiya.