Badhasaabka Togdheer Oo Shalay Kormeer Ku Soo Maray Xafiisyada Dawladda

0
650

 

XamarjeBurco(Geeska)-Badhasaabka cusub ee gobolka Togdher Md. Axmed Cumar  Cabdillaahi  ayaa shalay kormeer aan la sii ogayn  ku kala bixiyay xarumaha  laamaha Dawladda ee gobolka Togdheer.

 Kormeerkan  badhasaabku  sameeyay oo uu ugu kuur galaayay hawlaha shaqo ee ay Wasaaradaha iyo xafiisyadda Dawladda ee gobolka Togdheer fuliyaan  oo uu bilaabay 7:30-subaxnimo  ayaa Gudoomiyuhu  ku soo maray xafiisyo tiradoodu kor u dhaafayso Labaataneeyo  ,kuwaasi oo ay intooda badan Al-baabadu u xidhnaayeen isla markaana ay ka muuqatay hawlgabisnimo.

Wasaaradihii uu saaka maray gudoomiyahan cusub ee gobolka Togdher ee iyagu gudanaayay shaqo maalmeedkooda waxaa kamid ahaa Wasaarada Waxbarashadda ,Wakaaladda Biyaha ,Macdanta Iyo Biyaha ,Caafimaadka ,Wasaaradda Maaliyada,Baanka Dhexe ,Dawladda Hoose ,Qorshaynta  iyo Cusbitaalka Weyn  kuwaas oo qaar kamid ah kala qayb galay shirar subaxeedyadoodii isla markaana uu soo dhaweeyay  .  “kormeerkani waxaa uu ahaa mid caadi ah oo aan ku marayo xaruumaha dawlada aad ayaad u mahadsantihiin waxaa kamdi tihiin wasaaradaha gudanaya waajibaadkooda shaqo waanan idin dhiiri galinayaa ,waxaanan idiin soo jeedinayaa hawlaha shaqo ee aad bulshada u haysaan in aad laban-laabtaan ,si hagar la'aana waxaanad ka mid-tihiin Xafiisyadda Dawladda kuwa ugu shaqada badan gobolka. ” Sidaasi ayuu Xamarji  yidhi ,maruu kormeerkiisaasi ka hadlaayay . 

Sidoo Kale Waxaa kamid ahaa wasaaradihii uu Badhasaabku kormeerkiisa ku la bixiyay ee Albaabadu u xidhnaayeen wakhtigaasi ,Wasaarada Dibu-dejinta ,Xanaanada Xoolaha,Wasaarada Qoyska,Shaqada Iyo Shaqaalaha,Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha  ,Duulista Hawadda ,Wasaarada Deegaanka iyo horumarinta reermiyiga kuwaas oo intooda badan ay xidhnaayeen Xaruumahoodu waxaanu Guddoomiyuhu yidhi isagoo ka hadlaaya ”kormeerkan waxbadan ayaan ku ogaanay xafiisyadda Dawladda qaar xidhan oo aan wali soo shaqo tagin iyo kuwo shaqaynaayaba  ,  waana hawl maamul oo kolay anagaa si hoose uga wada hadlayna arinkaasi " Sidaasi ayuu Badhasaabku hadalkiisa kaga baxay .

Waa markii u horeysay ee Badhasaabka cusub ee gobolka Togdheer Axmed Cumar X. Cabdilaahi  kormeer indho indhayna oo aan la shaacin  ku tago xarumaha Laamaha Dawladda ee gobolkaasi ,inkastoo oo ay badhasaabadii ka horeeyay maalmo ka hor  kormeerkooda ay sii shaacin jireen.