Masar Waxa Ka Dhacay Iyo Casharka Ku Jira

22
358

Rashiid Sheekh Cabdillaahi(Gadhweyne)

Waxaa kale oo Masriga lagu tilmaamay shakhsiyad wejiyo badan gashada oo nifaaq baddan oo marba wejiga uu isleeyahay way kuugu badinaysaa  isu  beddela; waa qof sidaa darteed isburin badan oo waxaa uu hadda ku yidhi berri wax ka duwan ku odhanaya. Waa waxa ay masaaridu yidhaahdaan  fahlawa.  Haddii uu irbad kaa iibinayo, waxa uu ku dedaalayaa in uu sicir aad u sarreeya iyo wax aan carrada ba oollin kaa siiyo, wuxuu na weliba ku odhanayaa oo ku dhaaranayaa in aanu qof kale ka siiyeen intaas ee  uu adiga jacayl uu kuu qabo iyo walaaltinimo uu hayyo kaaga siinayo. Bal wuxuu leeyahay waan iska kaa siinyaa oo waa iga hadiyad.  Marka ay u mari weydo ee aad isa soo taagto  ama aad sicir aad u hooseeya oo asaga khasaare ku ah qabsato( waana sida Masriga kale sameeyo ee aad ka baranayso), markan buu sicirkii dhabta ahaa imanayaa oo aad wax kala iibsanaysaan. Ha-yeeshee weli waxa uu ku leeyahay iska qaado xabiibkay baa tahayee! Markaas ayuun baad dukaankiisa soo gashay, waxaynu u badan tahay in aydaan dibna isu arag, haddana waa kan oo xabiibkiisa ayaad tahay! Waxaa in badan lagu tilmaamay Masriga qof munaafaqadiisu aad u badan tahay. Xidhiidhka uu suldadda dawladeed la leeyahay wuxuu ku dhisan yahay isla munaafaqadaas. Waxa uu badiyaa ammaanteed iyo mahadinteeda, waxa ay tartay, wax ka jira iyo wax kale ba, haddana marka aad hoos u xog-ogaasho, xidhiidhka labada dhinac waxaa buuxiyey shaki iyo shar-ka-filasho. Had iyo jeer waxa uu ka filanayaa dawladda dhibaato kaga timaadda; ka dib na waxa uu  kaga dhuuntaa ammaanteeda iyo u-munaafaqaynteeda.  Waxay ku maahmaaheen: ‘sharka ka fogow una hees’ iyo ‘gacanta aad goyn kari weydo waa la dhunkadaa’.  Waxaa kale  oo derseyaasha Masar qaarkood sheegeen in Masrigu, sida qaalibka ah, uu ku kalsooni roon yahay xidhiidhka shaqsiga ah ee uu la yeelan karo qofka uu tusaale ahaan,  qaraabada la  yahay ama saaxiibkiis ah ama  xidhiidh iskudanaysi ahi ka dhexeeyo ee jago ka hayya dawladda, halkii dawladda iyo hay’adeeda uu kaga kalsoonaan lahaa. Sidaas darteed xidhiidhka qoysnimo ayaa dareenka qofka kaga weyn dawladda. Waayo sida aynu sheegnay dawladda waxaa ka dhexeeya cadaawad, madax-jebin iyo munaafaqad. Masrigu sidaas darteed wuxuu dawladda kula nool yahay oo uu ku la dhaqmaa mowqif iyo si-arag laba weji oo isburinaya leh. Dawladdu noloshiisa, waa lagama-maarmaan oo wuu og yahay in aanumaalin ka noolaan Karin; geesta kale sida aynu sheegnay kalsooniyi kama dhexayso oo waa gacantii uu yidhi: dhunko mar haddii aanad goyn karaynin.

6Dhinacyada taban oo qudha lagama eegin  ee wax badan oo togan na waa laga sheegay dadka Masar. Waxaa la isku raacsan yahay in dadka Masar yahiin dad dhibaato kasta u dhabar adayga; in ay yihiin dad firfircoon oo saacado aad u badan shaqeeya, ayaga oo aan danqasho muujin; waxaa lagu tilmaamay in ay fahmo badan yihiin oo cilmiga iyo aqoonta kasban ogyihiin ayna heerar aad u sarreeya ka gaadhaan; in ay yihiin dad adduunka debedda u  furfuran oo aqoon, cilmi iyo xadaaro ba ka kasba; kuna deeqsi ah gudbinta aqoontooda  oo waa dad u jajaban in ay ciiddii u baahan gacan u fidiyaan. Waxaa kale oo lagu tilmaamay in qofka Masrigu yahay qof badiba bulshay ah oo maadeeye ah oo madal ka qoslliya.            

Tajrubo qofeed maxaa marag ah?

Adduunka aynu ku noolnahay iyo waayaha bulsheed iyo degaan ee aad la falgashaa si buu wax kuugu sheegaa, si buu isu kaa tusaa oo aad u qaadataa.  Ma run baa mise been?  Wax ka run ahi way ku jiraan, wax kale na way jiri karaan; ama dhab ahaan way jiraan. Is-ahaantaada ayaa wax wadata oo is-moodsiiskaaga iyo si-u-qaadashadaada ayaa iyana meeshu soo gelaysa. Masar sidee baan ku la kulmay iyo sidee bay wax ii geshatay?

Waxa aan  garasho ahaan, adduunka ballaadhan iyo waxa a socda, aan ku  indhodillaacasaday bilowgii lixdanaadkii qarnigii labaatanaad. Waxaa cirka ku shareerraa dhaqdhaqaaqii

xorriyada Afrika; waa sannadkii la magac-baxay sannakii Afrika, sababtoo ah waa sannadkii badanka

dalalka Afrika ay madaxbannaanidoodii siyaasadeed qaateen. Waxaan ahaa nin da’ yar oo dugsigiisu

maskaxdiia iyo qalbigiisa si fudud u qaabayn karo.  Macallimiintaydii Machadka Burco ee Diinigu waxay aad ii jeclaysiiyeen Masar iyo Jamaal Cabdinaasir. Dabayaaqadii sannadkii 1963kii, ayaan deeq waxbarsho ku tegay Masar. Marakab lo’ qaaday baan ka raacay magaalada Berbera oo dhawr maalmood noo la sii socday dekedda magaalada Suweys.  Waxaan markiiba la kulmay waxyaalo si uga duwan waxii macallimiintaydu ii sheegi jireen.  Nin sarkaal boolis ah ayaa noogu yimid markabka dushiisa.  Naakhuudihii markabka ayuu wada-hadal la galay waraaqo uu sitayna ka buux-buuxiyey; malaha waxa ka mid ahaa dadka aan markab ka shaqayn ee la socda. Anigu mar haddaan ahaa arday u socda Masar, baasboorakayga ayuu fiisadiisa eegay. Waxaa ila mid ahaa arday kale oo asagu masar u dhaafayey Moosko, Xarunta dalkii waagaa la odhan jiray Midowga Sofiyeti. Sarkaalkaasi wuxuu tilmaamo naga siiyey xafiisyada aannu la xidhiidhi doonno ee arrimahayaga fududayn doona. Intaas oo keli ah bay noo ahayd oo wax gaar ah kama baranin ninkaas. Masar oo qayaxan waxaan la kulmay oo ay dareenkayga dhufsatay isla galabtiiba, markii aannu nimi xafiiskii socdaalka(Imigration office).  Waxaannu meesha ugu tagnay nin aad u weyn ama runtii isu  weyneynaya oo dadka ka hoos shaqaynayaa, si aad ah kor ugu eegayaan; ayaguna, marka ay hor-jogaan, hoos isu dhigayaan.  Islamarkaa asaga iyo ayaga ba dadkayagan dantu meesha keenatay ayey dusha kaga imanayeen. Waxaa yaab leh magacyada ama laqabyada darajada ah ee tirada badan ee lagaa rabo inaad mid walba ugu yeedho, marka aad adeeg yar  uga baahato- Sacaadatal Mudiir.. Yaa beh … Yaa ustaad iyo weliba duco aad u raaciso, sida ugu yaraan Allaah yakhalliik. Waxay ahayd wax aan dhegtaydu u baran oo iga yaabinayey.  Ta ugu daran ee iga nixisay waxy ahayd markii hawlahayagii dhammaadeen oo aanu rabno inaanu magaalada galno, ayaa mudiirka ama ninkii xafiiska fadhiyey na yidhi  meedey xalaawaddii( feyn alxalaawa)?   Waar waa maxay xalaawadda na la ina weydiinayaa? baan idhi.

Nimanka xarraasiinta ka ahaa lo’da uu markabku siday oo marar hore meesha yimid, ayaan garo oo, su’aasha weydiinayaa.  Waxay yidhaahdeen waa dhaqan meesha yaalla; waana googo’ lacageed ama hadiyad wax noqon kara. Ma laaluush baa? Waxay yidhaadeen maya; waayo ma aha wax ku xidhan shaqadii la inoo qabtay(illayn waaba na loo qabtaye) ee waa dhaqan la isla oggol yahay; wax la la yaabo masaarida aktooda ka ma aha.

7 Intii ka dambaysay maalintaas, muddo  ku dhow toddobo sannadood, wax badan baan ka arkay ifafaalayaashaas.  Araday baan muddodaas oo dhan ka ahaa masar; aradayda aan wax la baranayey, heerkii dugsiga sare iyo heerkii jaamacaddaba waxaan la kumay oo aan ka bartay arday aad u fahmo badan iyo kuwa fahmo daran oo inta badan ka yimid qoysas aad u sabool ah oo aad arkayso in ay bah-dilan yihiin. Giddiba ama badi waxay uga sinnaayeen  qishka imtixaanka(khiyaamada). Waxay belo  ku qabeen qoraallo far yar-yar oo la soo qarsado iyo kala eegasho waxa uu midkoodba qorayo. Waxaan la yaabay ardaygan, maskax iyo hawlkarnimoba, aad u heerka sarreeya, ee is-huba in uu itixaanka si wacan uga baxayo, ee haddana si walba isugu deyaya in uu waddo qalloocan ku fowso. Haddii aad weydiiso waxa ku kellifaya khiyaamada intixaanka,  mar haddii uu is-hubo in uu ku guulaysanyo, jawaabtiisu waxa weeye: haddii ay ii maraayso waa iska ‘maa caleesh’! Naadirka( maamulaha) dugsiga iyo macallinku waa suldad ama waxa u dhigma awoodda dawldeed ee dugsiga ka jirta; marka uu ardayda horjoogo si xad-dhaaf ah, oo nifaaq badani ku jiro, baa loo ixtiraamayaa oo magacyo derejo weyneyn ah loo maqashiinayaa; marka uu sii jeesto ayaa isha, carrabka iyo gacmahaba, si farsamo ah xumo loogu sagootiyeyaa. Waxaanu si joogta ah u la macaamil-lahayn Hay’ad gaar u qaabbilsan maamulka arrimaha ardayda dalalka debedda ka timaadda. Waxay ahayd meesha laga bixiyo deeqda waxbarasho;joogitaanka ardayga ee dalka na laga agaasimo. Marka arrimaha ardaygu dhinac walba ka toosaan ee ay arrimihiisu caadi yahiin, ugu  yaraan sannadkii hal mar buu u baahan jiray in uu la xidhiidho hay’addaas. Waxaa mar walba khasab ahayd in uu ardaygu soo qorto warqad codsi ah oo ku saabsan waxa uu rabo in loo qabto; uuna ku soo dhejiyo tigidh qiimihiisu qurush yar ahaa. Marka uu xafiiska ay arrintiisu khusayso yimaado, waa in uu soo gala asaga oo hoganaya oo uu saacado sugaa in la qaabbilo. Marka uu la kulmo masuulkii wax u qaban lahaa,  waa in uu hoos isu dhigaa oo kor ninka ama haweeneyda u eegaa oo uu  magacyo ka horreeya magaciisa ama magaceeda dhabta ah ugu yeedhaa. Waxaas oo dhammi waa Dawladdii qalladda ahayd ee awoodda badnayd oo mar ba si isu muujinaysa. Waxay ugu daran tahay marka uu arrin culus wato ee go’aanka looga baahdo madax

sare, sida Agaasimaha sare ama Wakiilka Wasaaradda ama ilaa Wasiirka. Haddii ay dhacdo in uu ardaygu arko ninkaas sarreeyaha ah, waxay qaadanaysaa waqti aad u dheer; waxaanuu u imanayaa nin hortiisa labada suul lagu soconayo oo laga dhawrayo sanqadha cagta dhulka la dhigayo. WAxaa kale oo isku maraya oo ay adag tahay sida uu lugaha uga la baxaa, shabakad la yidhaahdo xeer-nidaamiyeyaal oo ay ka mid yihiin kuwo qarni ka hor la soo saaray; heyeeshee aan marna ba lagu fekerin in la beddelo, si kasta oo xaaladdii loogu talo galay ay  meesh uga baxday; uuna xeerkaasi u noqaday wax aan sinaba loogu baahanayn. Xeerarkaasi mararka qaar bay noqdaan wax Reeba sheeko  lagu maadsado oo dadka ka qoslisa. Waagaas aan Qaahira ku sugnaa, waxaan xusuustaa sheeko lagu qoray mid ka mid ah wargeysyada dalka.  Waxay ku saabsanayd gunnada baqasha Sheykhal-Azharaka.  Sheekadu waxaa weeye berigii aanay dunida buubuuri jirin, waqti malaha, ku siman qarnigii sagaal iyo tobnaad, ayaa sharci soo baxay siinaya Sheekhal-Azharka lacag gunno ah oo ku magacaaban calafka baqasha uu sheekhu  fuulo ku na shaqo tago.  Lixdannadii qarnigii labaatanaad ayaa nin dhallinyaro ah oo shaqada ku cusubi, markii la hor keenay musharka Sheekha, la yaabay gunnadan ku magaca leh baqasha Sheekhal Azharka, ka dibna wuu jaray. Sheekhii baa  Telefoon qaylo-dhaan  ah soo diray oo yidhi lacagtaydii ma dhamma ee maxaa jira?

La Soccoo……

Comments are closed.