Qorshe Dadka Ajaanibka Lagaga Saarayo Togdheer Oo Bilaabmay & Laanta Socdaalka Oo Faahfaahiyey Hawl-gallo Ay Sameeyeen

0
474

Burco (Geeska) – Ciidanka laanta Socdaalka ee gobolka Togdheer ee Somaliland, ayaa ku dhawaaqay in ay tarxiilayaan dadka ka soo jeeda maamulka Koonfur-galbeed iyo deegaanada Waajid iyo Xudur ee Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka laanta socdaalka ee gobolka Togdheer gashaanle dhexe Jaamac Maxamed oo muuqbaahiyaha Somaliland waraysi siiyay, ayaa xajiiqiyay in ay tirakoob ku sameeyeen dadka gobolka laga saarayo, isagoo si gaara u carabaabay dadka kasoo jeeda deegaano gaar ah oo Soomaaliya ka tirsan.

“Baryahanba howlbaanu wadnay sidii aanu u diwaangalin lahayn dadka ajaanib ka ah ee jooga gobolka Togdheer, dadkaasi oo ka kooban dhawr qaybood oo kala dagan meelo kala duwan oo magaalada ka mid ah, waana dadka la yidhaahdo RRA, reer Waajidka iyo dad dawarsadayaal ah oo reer Xudur ah, waana dad u dhashay Soomaaliya” ayuu yidhi Taliyuhu.

Waxa uu intaa ku daray in ay fuliyaan howlgal ballaadhan oo xukuumadda dhexe ee Somaliland soo amartay kaasi oo lagu tarxiilayo dadka aan Somaliland u dhalan, isagoo sheegay in ay amar ka sugayaan Taliyahooda si ay ugu dhaqaaqan tarxiilka bulshooyinkan.
“Anaga oo raacayna barnaamijkaa guud ee madaxda qaranku soo saartay, waxaanu tiro koobnay oo aanu isku daynay in aanu ogaano xogta gobolka, waxaanu samaynay dad liis garaysan, amar uun baanu ka sugaynaa taliyaha iyo madaxdii uu Madaxweynuhu u xilsaaray” ayuu yidhi Taliyuhu.

Gobolka Togdheer ayaa noqonaya gobolkii 3aad ee lagaga dhawaaqo tarxiilka bulshooyin kasoo jeeda gobolo Soomaaliya ka mid ah Somaliland lagaga saarayo, iyadoo markii ugu horaysay 2 October howlgalkii ugu horeeyay oo noociisa ah laga bilaabay gobolka Sool.

 

Geeska.net/Hargeisa Office