Cirro iyo Doorashada Madaxtooyada

0
291

W/Q: Cabdifataax Xasan Maxamed (Barawaani)

Lammin – Oktoobar 25, 2021

Arar

13kii Noofenbar 2017, waxa ay ahayd maalin adag, taariikhi ah, oo qadhaadheyd. Dad badan oo Soomaalilaan u dhashayna ay dacar leefeen; halka kuwo kalena ay man carrabka ku tireen. Waxa ay u ahayd xisbiga Kulmiye doorashadii saddexaad ee madaxtooyo ee uu galo, halka xisbiga Waddani na ay ahayd tii koowaad ee uu galo. Meesha waxa ku loollamay tunka shaash ku leh; iyo togogo orgi. Xisbi ruugcaddaa ah, oo siyaasadda Soomaalilaan ku soo jabay, kuna guuleystay; iyo xisbi hadda bilow ah oo doorashadiisii koowaad ee madaxtooyada raba in uu guuleysto, isaga oo aan gole wakiillo ku guuleysan, gole deegaanna warkiis ba daa. Doorashada kolkii uu ku dhawaaqay natiijadeeda; xisbiga Waddani si bisil ugama warcelin. Waxa ay ahayd in uu laba jid mid qaado. Jid waa midka tilmaamaya in doorashado xaaraan ah ay dhacday; sidaas darteed uusan marnaba oggolaan doonin madaxtinimada Muuse Biixi iyo sii joogga xisbiga Kulmiye. Waa go’aan la fahmi karo. Jidka labaadi waa in uu yidhaa doorasho xalaal ah baa dhacday; xisbiga Waddani na waa laga guuleystay oo waannu oggolaanay natiijada.

Kani na waa go’aan la fahmi karo. Laakiin, dadka waa ay u cuntami wayday; lababogleyn iyo beerka jecli, xaydha jecli. Xisbigu waxa uu ka dhammaan waayay, ‘waa lagu shubtay, dulmi baa dhacay, dad dhintay baa codeeyay, komishanku dhex ma ahayn, awooddii dawladda ayaa na loo adeegsaday’ intaasi laga yaabaa in ay macquul tahay oo wax ka jiraan, laakiin siyaasadda kolka la joogo macne ma sameyso sheegidda falalka cidda aad is haysaan, sababta oo ah waa ba uu faley kal hore. Waxa macnaha yeesha waa tallaabada iyo habka aad uga warceliso falalkaas. Waa aan hubaa, haddii xisbiga Waddani sidii uu ku dooday, haddii uu uga warcelin lahaa in aan maanta halkaa la isla soo gaadheen. Qof kasta waa arkayay sidii xisbiga Kulmiye u adeegsaday awoodda dawladda, xilligii doorashada 2017, oo ay ahayd in ay dhex ka ahaato loollanka labada xisbi. Laakiin, nasiibdarro, ma ay noqonin sidii ay rejaynayeen dadka ehelka u ah bedqabka dawladnimada iyo qarannimadu. Mar kale, xisbiga Waddani waa kii kalsoonida kala noqday komishanka, deedna la kala direy. Komishankii cusbaana la isku khilaafay, deedna xisbiga Waddani oo indhihiisu arkayaan ay xukuumaddu komishan cusub dhistay oo aanay hadal ku lahayn, oo uu ka maqanyahay xubintii uu xisbiga Waddani ku lahaa guddida doorashada. Xisbiga Waddani, muddo ka dib, wax ay ku sheegeen isafgarad iyo heshiis hoose ayaa ay ku oggolaadeen guddidii cusbeyd ee ay diiddanaayeen calaamasaarkeeda, iyaga oo xubintoodiina gadaal kaga dhex darsaday.

Doorashooyinkii Isku Sidkanaa ee Meey 2021

Guddidii cusbayd ee lagu sandulleeyay xisbiga Waddani; kadibna laga heshiiyay ayaa uu ku qancay xisbiga Waddani in ay u qabato doorasho golayaal wakiillo iyo deegaan. Waa markii koowaad ee Soomaalilaan ay ka dhacday doorashooyin isku sidkan; oo gole wakiillo iyo golayaal deegaan ah. Xukuumaddu, sumcad badan iyo soojiidasho ayay ku heli lahayd, haddii ay fahansantahay ka faa’iideysiga fursadaha sida joogtada ah u soo maraya. Dhanka kale, in guddida doorashadu ay si xanaf la’aan ah u qabteen doorashada kama turjumayso heerka caddaaladeed iyo kalsoonida komishanka. Waxa se keenay in loo maleeyo in caddaaladi dhacday; waa in xisbiga xukuumaddu uu tahli kari waayay adeegsiga xisaabtii hore; oo ay khaldantay xisaabtii hagbadeed ee Gebiley iyo Gar’adag. Sababtoo ah xisaab-qabiileedka hagbadda ayaa sal u ahaa xisbiga Kulmiye, sidaa darteed haddii labada tiir mid baxo, midna keligii ma guuleysan karo ilaa uu tiir labaad helo. Waa sida hadda socota; in tiirkii Gar’adag uu xodxodanayo ku tiirsiga Oodweyne iyo Sallaxley, si aannu saaxadda siyaasadda iskaga waayin.

Doorashadii dhacday MEEY 2021, xisbiga Waddani si dhaanta doorashadii hore ayaa uu u galey. Waxa la dareemay midnimo iyo xoog hoose oo taageerayaashu muujiyeen doorashadii xildhibaannada iyo xubnihii golayaasha deegaanka. Xoogga ugu weyn ee xisbiga Waddani kaaliyay doorashadii MEEY 2021, sidoo kalena kaalmeyn doona doorashada madaxtooyada ee soo socota waa in uu yahay ‘MUCAARAD’. Dadku mar walba, xisbiga xukuumadda ee muddada jooga xukunka, haddii aan duruufo kale jirin, waxa ay si buuxda uga raacaan mucaaradka bannaanka ka jooga xukunka, sababta oo ah dhufsanayaraha mideeya waa ‘tabardarrada’. Laakiin, waa in aannu xisbiga Waddani niyadda ku dhisan in sidii ay u dhacday doorashadii MEEY 2021 aanay u dhicii doonin doorashada soo socota ee madaxtooyada ee la rejaynayo Noofenbar 2022. Mar walba xisaabtu waa ay ka duwanaanaysaa middii hore.

Doorashooyinka wakiillada iyo deegaanku waa wax ku xidhan shakhsi loo codeynayo, oo REER  u codeynayaan. Waa ay adagtahay in xukuumaddu ay awood u adeegsato; oo waa wax qofeed (Individual), halka doorashada guud ee madaxtooyadu ay tahay wax guud oo ummadda ka dhexeeya (Collective). Waa sababtaas midda ay uga maran yartahay doorashooyinka golayaashu midda madaxtooyada. Doorashadii dhacday bishii MEEY 2021, waxa ay tusaale iyo ifafaale hordhaca u ahayd sida uu xisbiga Waddani ugu dhowyahay guusha kursiga ugu sarreeya waddanka; oo maantaba baarlamaanka cidda koowaad ee aqlabiyadda haysata waa xisbiga Waddani oo kaalinta koowaad ah; iyo xisbiga UCID oo ay is garabsadeen oo ay midowgoodu u gooyay saddexda kursi ee hoggaamiya golaha wakiillada. Sidoo kalena ay ku heleen badi maayarrada iyo kuxigeennada degmooyinka waddanka, kolka laga reebo labada degmo ee Gebiley iyo Berbera.

Hagbad Siyaasadeed Miyaad u Baahantahay?

Horta in su’aashani maanta maankeenna ka dhex guuxdo ama ba ku soo dhacdo ayaa waxa ay muujinaysaa sida uu xisbiga Kulmiye u qaabeeyay hab-fekerka siyaasadeed ee Soomaalilaan, intii uu xukunka hayay. In uu shacabka ka dhaadhiciyay in aan kursiga madaxtooyada la helin, hagbad ama ‘jeegaan’ la’aanteed. Shacabka iska dhaaf e, xataa uu ka dhaadhiciyay xisbigii ay is hayeen ee Waddani. Xisbiga Waddani, hagbad iyo jeegaan la’aan buu doorashadii 2017 ku galey oo ku helay cod dhan 42% laakiin, maanta kaadir badan oo Waddani ahi waxa ka dhex guuxaya dhisidda iyo unkidda hagbad iyo jeegaan dhexmarta laba qabiil sidii uu sameeyay Kulmiye 2010 iyo 2017. Kulmiye wuxuu abuuray dood siyaasadeed ay adagtahay in ciriqeeda la saaro; oo ah in waddanku yahay saddex deegaan: Gebiley, Gar’adag iyo Oodweyne. Deedna labadii israaca ay kursiga madaxtooyada isu dhiidhiibayaan. Dhan kale haddaan u dhignana; waa in waddanku yahay laba jiho oo Bari iyo Galbeed ah. Bari oo (Gar’adag) ah iyo Galbeed oo (Gebiley) ah. Waa dood aan jirin Kulmiye hortii. Cabdiraxmaan-Tuur kuma dhaqmin, Cigaal warkiisba daa, Riyaale haba sheegin. Waa feker dhicis ah aan Axmed-Siilanayo ka horreyn. Haddaba, xisbiga Waddani waxaan wayddiin lahaa; saddexdaa madaxweyne ee Siilaanyo ka horreeyay halkee bay codadka ka helayeen?

Dhanka kale, sida uu komishankii hore ee doorashooyinka Soomaalilaan sheegay; xisbiga Kulmiye waxa uu kaga guuleystay Waddani cod tiradiisu dhantahay 80kun. Waa siddeetan kun oo keli ah. Haddaba waddanka intaas le’eg siddeetan kun immisa degmo ayaa laga heli karaa, oo la kasban karaa, iyada oo aan hagbad-qabiileed la aadin? Laasccaanood iyo Sool, Badhan, Ceerigaabo, Ceelafweyn, Balligubadle, afarta degmo ee gobolka Awdal, Sheekh, Berbera, iyo qaar kale oo badan oo maanta isbeddelka u diyaar ah. Codka Cabdikariin Axmed Mooge iyo codka Barkhad Jaamac Baatuun, haddii la isku daro ayaa kor u dhaafaya konton kun oo cod. Waa wax lala yaabo maanta in codka siyaasadeed lagu xidho hagbad. Waa ta kale e, Cabdiraxmaan Cirro ma ogyahay ma se ka fekeray cidhibxumada ay yeelan doonto hagbad siyaasadeed oo kursiga lagu fuulo? Waa laga yaabaa dad ‘waxgarad’ iyo ‘siyaasiyiin’ isu arka in ay dhahaan; waxan cod baa looga dan leeyahay, oo macne ma leh. Laakiin, codka heshaye, maxaa ka danbeeya? Waxa ka danbeeya waa waxa Muuse Biixi iyo deegaanka Gar’adag kala haysta.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani waxaan u soo jeedinayaa in aannu maankiisa ku lurin hagbad. Dabcan, hagbad la’aanteed baad kori karaa kursiga. Sideed u koraysaa? Waxa aad u kori kartaa; waa in aad AAMINTO in kursigu doorkan yahay ‘XAQ’ kaa maqan, oo ay tahay in aad hesho kolkan. Xaq kaaga maqan deegaan ahaan; oo kursiga waddanka ugu sarreeya aan weligood helin; iyo in aad 2017 waddanka badbaadisay oo ka badbaadisay kursi iyo doorasho dhiig leh. Labadan qodob, haddii Eebbaheen ku garansiiyo iyo siyaasaddaada guud, waxa macquul ah in aad guuleysatid.

Laakiin, haddii lagaa dhaadhiciyo aragtidii Kulmiye ee habraha iyo hagbadaha; waa kuu hal’abuur darro iyo fashil siyaasadeed oo xukunkaaga danbe soo foodsaara.


Hoggaanka, Golaha Dhexe iyo Shirweynaha Xisbig
a

Xisbiga Waddani intii la aasaasay tan iyo furistii ururrada ee 2011/12 waxa uu shirweyne guud qabsaday hal mar oo keli ah. Waxa aad mooddaa habacsanaan faro badan oo gudaha ahi in ay jirto. Waa sababtaas midda muranka u keentay saamiqeybsiga iyo hoggaanka xisbiga in uu shaki badan galo. Hadda waxa uu bishan Oktoobar 31 loo ballansanaa qabsoomidda shirweynaha xisbiga Waddani; laakiin dib ayaa loo dhigay oo bisha Noofenbar ayuu u dib ugu dhacay. Sida uu hoggaanku xisbigu tilmaamay; abaabul dheeraad ah iyo wadahadallo u socda siyaasiyiin dibadda ka joogta xisbiga darteed, ayaa dib loogu dhigay shirweynaha. Hoggaanka xisbiga marka aynnu ka hadlayno saddex kursi ayaa ugu muhiimsan; oo ay tahay in laga baaraandego oo aan si degdeg ah loogu boodin. Waa kursiga musharraxa xisbiga ee madaxweynaha oo guddoomiyaha xisbigana ah; waa ku-xigeenka koowaad oo badanaa musharraxu hadduu guuleysto oo uu wareejiyo guddoomiyanimada xisbiga, badanaa noqda gudoomiyaha xisbiga; iyo xoghaya guud oo berigii hore saamiqeybsi weyn iyo macno lahaa, hadda se qiimo beelay.

Cabdiraxmaan Cirro, waxa ay dan weyni ugu jirtaa in aannu jagada guddoomiyaha xisbiga si degdeg ah u wareejin; oo aan lagu beerlaxowsan ‘hagbaddii la eeday’ oo kale. Waa in aan la isku khaldin heshiiska siyaasadeed ee la wada galo iyo isku wareejinta bilaashka ah ee Kulmiye ku soo daray siyaasadda. Xirsi waxa uu la heshiin karaa Cirro; isaga oo deegaan ahaan ku dhisi kara, beddelkeedana markuu guuleysto laga kaalin karo furista xisbi siyaasadeed. Sidaas oo kalena Maxamuud Xaashi waa la mid. Kala basrinta labada oday; shaqo Cirro u taal ma aha. Waa shaqo iyaga u taal. Xirsi waa xubin ku jirta xisbiga tan iyo 2015. Jago la dhaho ‘hoggaamiyaha xisbiga’ ku fadhiya. Xaq buuna u leeyahay in guddoomiyanimada xisbiga. Laakiin, ma leh xaq uu kaga gaaryahay xubnaha kale ee xisbiga ku jira; gaar ahaan hoggaanka, golaha dhexe, iwm. Dad baa waxa ay abuurayaan dood qabiileysan oo Xirsi loogu janjeedhinayo lahaansha xuquuqeed ee dhaxlidda xisbiga. Laakiin, mid macquul ah ma aha. Maxamuud Xaashina waaba ka sii xagjiraa Xirsi; oo meel ba ma haysto hadda. Haddii isafgaradka aan hore u sheegay ee furista ururrada danbe uu Xaashi, naftiisu oggolaanayo, waxba kuma jabna. Laakiin, waxa qariib ah in Maxamuud Xaashi oo dibadmeer ah ‘Exile’ uu xisbiga Waddani ka dhaadhiciyo in lagu wareejiyo guddoomiyanimada. Sidoo kalena waxa muhiim in shirweynaha soo socda uu xisbigu aad uga fiirsado cidda hoggaanka noqonaysa; gaar ahaan saddexda boos ee aan soo sheegay oo ummaddu iska wada dhex aragto; iyo golaha dhexe oo isaguna muhiimad gaar ah sii leh.

Waa in sida hadda ee guddoomiyaha, xoghaya guud iyo golaha dhexe uu hal deegaan (Oodweyne-Sallaxley) u wada haysto laga beddelaa oo laga dhigaa wax qiimihiisii lagu soo celiyo oo sinnaanta iyo caddaaladda xisbiga ka sii turjumaysa.

 

Haddaad Dooorashada Guuldarreysato

Sida uu xisbiga Waddani iyo musharrax Cirro u guuleysan karo ayaa uu u guuldarreysan karaa. Sababta oo ah doorashada iyo loollanku waa saami ixtimaal ah; oo aan boqolkiiba boqol la hubin. Iyada oo aan la dafiri karin heerarka labada dhinac ee dedaal, abaabul iyo iskudubaridba leh. Innaga oo ka shacab ahaan mar walba doorbidayna isbeddelka iyo in xisbi cusub la tijaabiyo; oo ku rejaweyn in xisbiga Waddani maanta yahay midka guusha hanan doona doorashada innagu soo foodleh ee madaxtooyada Noofenbar, 2022. Haddana waa muhiim, oo waa laga ma maarmaan in jawaab loo hayo su’aasha ah; guuldarro hadday timaaddo, maxaa la fali ee la gudboon shacabka iyo xisbiga ba? Innaga si weyn uga dheregsan, xogogaalna u ahayd sidii ay xukuumaddu awoodda mutaxan ugu adeegsanaysay doorashada xisbiyada, ma in khaladkaasi haddii uu soo noqdo la aqbalaa oo la hogto? Ma in xukuumaddu sidii ay doonto ka yeesho xisbiyada mucaaradkaa? Ma in dhaqaalihii iyo hantidii qaranka loo adeegsado muquuninta codka shacabka iyo mucaaraadkaa? Ma in isla cashuurtii shacabka lagu dhiso hanka xukuumaddaa, sida uu afkiisaba ka caddeeyay Maxamuud Xaashi? Ma in muraaqibiinta xisbiyada mucaaradka, sidii ay doonto askarta qaranku ka yeeshaa, oo garaacdo, xidho, u hanjabto? Ma in shisheeye la isku adeegsadaa? Ma in ururrada iyo hay’adaha madaxabannaan loo adeegsado xisbiyada mucaaradkaa?

Haddii xisbiga Waddani uu oggolaado in waxaasi mar labaad dhacaan, waaba dhici karaan oo wax celin karaa ma jiraan e, xisbigu waa in uu go’aan iyo iyo qorshe ka leeyahay; oo aannu dadka codkooda iyo taageeradooda hodin. U maleyn maayo in uu waxaas oo kale inta dib loogu sameeyo uu iskaga raallinoqon doono xisbigu. Haddii ay sidaas noqotaba, waxa muuqan doonta in xisbigu aannu sinnaba ugu diyaar ahayn hoggaaminta waddanka iyo badbaadintiisaba. Waxaan u badinayaa in middani tahay kanshadii/fursaddii u dambeysay ee uu haysto xisbigu, gaar ahaan musharraxa Cabdiraxmaan Cirro. Talada ugu weyn ee soo jeedinayo ayaa waxa ay tahay in laba jid oo waaweyn oo mustaqbalka Soomaalilaan si toos u saameynaya uu xisbigu qaado, haddiiba guuldarro timaaddo. Midda koowaadi waxa ay tahay in dimuqraadiyadda waddanka la badbaadiyo; oo sidii loo badbaadin karaba laga badbaadiyo xisbiga Kulmiye oo hog ku sii wado waddanka. Wixii ay doontaba ha ku kacdo dimuqraadiyaddaasi, waa in laga badbaadiyo waddanka xisbiga Kulmiye. Midda labaadi waa in dhammaan shacbigu; madax iyo minjaba dib isugu laabto masiir ummadeed iyo aaya-ka-tashi danbe oo Soomaalilaan ku wajahan, oo arrintaasna ka shaqeeyo xisbiga Waddani iyo hoggaankiisuba.

W/Q: Cabdifafataax Xasan Maxamed “Barawaani”

Off Email: barawaani@indheergarad.com

Email: barawaani@yahoo.com