Gudoomiyihii Hore Ee Baanka Somaliland Oo Ku Geeriyooday Hargeysa

0
589

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyihii hore ee Baanka dhexe ee Somaliland Marxuum Cabdiraxmaan Ducaale Maxamuud  ayaa shalay galab ku geeriyooday cisbitaal ku yaala magaalada Hargeysa, ka dib markii uu xanuun kedis ahi ku soo booday.

Marxuum- C/Raxmaan Ducaale waxa uu ahaa aqoon u lahaa xirfadda baananka. Waxaanu muddo toban sanadood ka badan ahaa Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland.

Marxuumka waxa maanta lagu aasi doonaa Magaaladda Hargeysa oo loogu samayn doono aas qaran. ALLE ha u naxariisto Marxuumku waxa uu hore xilal iyo masuuliyado kala duwan ka soo qabtay Baankii Muqdisho ee dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya.

Geesta kale, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xalay shacabka Somaliland ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Marxuum Cabdiraxmaan Maxamuud Ducaale.  Warsaxafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleban Dhuxul, ayaa lagu yidhi sidan: “Madaxweynaha JSL, Dr: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa, Ehelkii, Qaraabadii, Qoyskii, Asxaabtii, iyo dhamaan shacbiga reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida ku timid gudoomiyihii hore ee Baanka Somaliland, MARXUUM, CABDIRAXMAAN DUCAALE MAXAMUUD, oo galabta [shalay] ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

 Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.”