Qodobbo Khuraafaad Ah Oo Dad Badani Ka Aaminsan Yihiin Caafimaadka Iyo Cilmiga Oo Beeniyey

39
4306

Hargeysa (Geeska)- Wararka caafimaadka iyo sheekooyinka la xidhiidhaa waxa ay ka mid yihiin qodobbada ay aad ugu dhegraariciyaan guud ahaan dadka dunida ku dhaqani meel kasta oo ay joogaan. Haddaba waxaa inta badan dhacda in wararka iyo xogaha caafimaadka la xidhiidha ay dadku si sahal ah u rumaystaan lagana yaabo in ay ugu dhaqmaan, qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay talefishanka Aljazeera waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah xogaha caafimaad ee aan cilmi ahaan run ahayn, laakiin dadka dunidu sida aadka ah u aamineen.
1. Tufaaxa: Tufaaxu waxa uu ka mid yahay cuntooyinka la qirsan yahay in uu caafimaadka u fiican yahay. Laakiin in badan haddana waa la sii buunbuuniyaa faa’idooyinkiisa, tusaale ahaan waxaa jira halkudhegyo lagu celceliya oo sheegaya ‘Xabbad tufaax ah oo aad subax kasta cuntaa dhakhtarka ayaa ay kaa fogeysaa’ waxa ay keentay in dad badan oo tufaaxa aad u cunaa aanay dhakhaatiirta u tegin si ay caafimaadkooda u hubiyaan iyaga oo ku andacoonaya in ay tufaax cunaan. Khubarada caafimaadku waxa ay xaqiijiyeen in faa’idooyinka tufaaxa ku jira aanu macnaheedu ahayn in qofka cudurrada oo dhan uu ka ilaalinayo.
2. Xiiristu timaha waa ay bixisaa waana ay xoojisaa: Tijaabooyin badan oo caafimaad ayaa xaqiijiyey in bixista iyo quwadda timuhu aanay wax xidhiidh ah la lahayn xiirista badan ama yar ee lagu sameeyo. In timuhu ay bixi waayaan ama ay daciifaan waa xaalad kale oo caafimaad sababo kala duwan oo badan ayaana keena, sidaa awgeed haddii aad xaaladdaas isku aragto dhakhtar takhasus ah booqo.
3. Qallajisada timaha iyo kansarka: Waxaa jira dad badan oo ku andacooda in isticmaalka mishiinka timaha lagu qallajiyaa ay ka mid tahay sababaha keena kansarka noociisa maskaxda ku dhaca. Waxa se uu cilmigu xaqiijiyey in ay tahay andacood aanay waxba ka jirin, sababaha xanuunkan keenana aanu qallajiyaha timuhu sinnaba ugu jirin.
4. Biyaha: Cabbitaanka biyuhu waxa ay u fiican yihiin guud ahaan caafimaadka qofka, waxa aanay khubaradu aaminsan yihiin in maalin kasta uu qofku u baahan yahay in uu cabbo ugu yaraan 2 litir oo biyaha. Laakiin dad badan ayaa sheega dacaayado caafimaad oo sheegaya in biyuhu ay ka qayb qaataan caloosha oo weynaata, sidaa awgeedna ku taliya in aan biyo cabbista la badsan si aanay xaydhu ugu badan caloosha iyo sinaha.
Cilmibaadhisaha caafimaadku waxa ay caddaynayaan in ay maloawaal tahay sheegashada ah in biyuhu ay caloosha weyneeyaan.
5. Shaambooyada timaha lagu maydho: Kiriimada jidhka la marsado, saabuunaha iyo si gaar ah shaambooyada timaha lagu maydhaa waxa ay ka kooban yihiin maaddooyin kiimikaad oo loogu talagalay in ay xoojiyaan awooddooda nadiifineed. Waxa se’ jira dad aaminsan in aanay caafimaad ahaan sax ahayn in hal shaamboo lagu ekaado, haddii kale ay khatar ku yihiin caafimaadka timaha, sidaa awgeed ay fiican tahay in hadba shaamboo cusub la isticmaalo. Warbixintan Aljazeera waxa ay sheegaysaa in khubarada caafimaadku ay caddeeyeen in shaambooga timaha oo la bedbeddelaa ay timaha ku keeni karto dhibaato caafimaad.
Waxa dhici karta in kiimikada hal shaamboo ku jirtaa ay tahay nooc ay timuhu la qabsanayaan oo joojinteedu khatar keeni karto, ama in ay kiimikooyinkaas is diidi karaan saliidaha aad timaha mariso, waxa kale oo dhici karta in bedbeddelka shaamboogu keeni karo in laba shaamboo oo is diiddan timaha la mariyo, si arrintaas looga taxaddaro waxa ay khubarada caafimaadku ku taliyaan in qofku uu timihiisa u isticmaal halka shaamboo ee uu tijaabiyo in ay ku fiican yihiin, kadibna kaas uu joogteeyo isticmaalkiisa. Waxaa iyaguna la mid ah kiriimada lagu dhaashado.
6. Feedhashada timaha: Dadka qaar oo dumarka u badan ayaa aaminsan in feedhista badani ay timaha jarto, isla markaana ku keento dhibaatooyin caafimaad. Laakiin waxa ay xeeldheereyaashu caddaynayaan in timaha oo si nidaamsan loo feedho, iyada oo la isticmaalayo gadhfeedh fiican ay u wanaagsan tahay caafimaad timaha.
7. Cirrada oo la guraa waxa ay yaraysaa cirrada: Dad badan ayaa aaminsan in cirrada oo midhka soo baxaba la jaraa ay yarayso faafitaanka ay timaha ku wada gaadhayso. Laakiin xeeldheereyaashu waxa ay sheegayaan in cirrada timuhu ay ku timaaddo maadadda midabka keenta ee ‘Melanin’ yaraata, sababtuna ay tahay arrimo kala duwan oo da’du ka mid tahay, iyo xaalado kale oo qaarkood nafsi yihiin. Sidaa awgeed in tinta cirrada ah ee kasta ee la arko la jaraa waxba kama tarto in ay cirradu aanay ku faafin timaha oo dhan.
8. Liin Bambeelmo: Guud ahaan khudraddu waxa ay ka mid tahay cuntada koowaad ee caafimaadka qofka caawisa, si gaar ahna liintu waxa ay ka mid tahay cabbitaannada sida gaarka ah ay dhakhaatiirtu ugu taliyaan, liinta nooceeda bambeelmaduna waa ka mid. Laakiin doodda dadka qaar ku celceliyaan ee sheegaysa in liinta bambeelmadu ay ay si gaar ah u gubto dufanka jidhka ku urura. Waxa ay xeeldheereyaashu caddeeyeen in aanay jirin cunto ama cabbitaan gaar ah oo si gaar ah u guba dufankaas, sida ugu habboon ee uu qofku u gubi karo dufanka jidhka ku ururaa waa in uu yareeyo xaddiga kalooriska ee jidhkiisa, iyo in uu sameeyo jimicsiyo jidheed si uu dufanku u gubto.
9. Dhegaha ka nadiifi dhukayga: Dad badan ayaa aaminsan in dhukaygu uu dhegaha awdo, sidaa awgeed ay fiican in si joogto ah dhegaha loo dhukayo. Sida ay dhakhaatiirtu caddeeyeen dheguhu waxa ay leeyiin awood dabiici ah oo ay isku nadiifiso. Haddii ay dhacdo in wasakhda dhegta gelaysaa ay ka badato inta ay iskeed isaga nadiifin karto, waxaa qasab ah in mararka qaarkood ay u baahato in nadiifin lagu sameeyo, laakiin waa in ay noqotaa nadiifin uu dhakhtar takhasus ahi samaynayo qalabkii saxda ahaana uu adeegsanayo.
Xeeldheereyaasha caafimaadku waxa ay ku celceliyaan khatarta ay dhegta ku keeni karaan qoryaha iyo waxyaabaha la midka ah ee lagu dhukayaa, waxaa la ogyahay in qoriga iyo waxyaabaha dhegta la geliyaa ay marar badan ku sameeyaan dhaawac yar oo halka uu ku yaallo awgeed aan bogsan mustaqbalkana dhibaato keena. Weligaa ha yeelin in aad dhegtaada ku nadiifiso meel aan dhakhtar ahayn.
Dardaaran caafimaad oo muhiim ah
Iska jir in aad qaadato oo aad ku dhaqanto ama dadka ku faafiso xog caafimaadka la xidhiidha oo aanad hubin cidda kuu sheegtay ama in lagu kalsoonaan karo halka aad ka akhriday.
Waxaa waajib ah in aad kala garato xogta runta ah ee aan ku noqosho u baahnayn iyo daraasaadka cilmiga ah iyo aragtiyaha caafimaadka la xidhiidha oo ah arrimo aad u kala duwean. Dhammaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here