Qaza: Xasuuqa Maatada, Shuruudda Xabbad Joojinta Iyo Khasaaraha Dhaqaale Ee Israel

0
662

GazaHargeysa (Geeska)- Weerarrada arxan darrada ah ee ay diyaaradaha iyo maraakiibta daagalka Israel ku hayaan magaalada ugu ballaadhan magaalooyinka Falastiiniyiinta ee Qaza ayaa galay maalintii lixaad oo aan kala joogsi lahayn, waxaana ugu dambeeyey weerarro mid ka mid ah ay Israel la beegsatay dhisme warbaahinta wadaniga ah iyo tan caalamiga ahi deggenaayeen, kaas oo uu hal qof ku dhintay toddoba kalana ku dhaawacmeen. Isku darka weerarradan u dambeeyey ee Israel waxaa ku naf waayey 24 Falastiiniyiin rayid u badan ah oo ay ku jiraan carruur si toos ah gantaaluhu u gaadheen iyo kuwo ku neef qabatoobay suntooda. Tirada guud ee Falastiiniyiinta illaa hadda weerarrada Israel ku dhintay ayaa kor u dhaaftay boqol ruux oo u badan dumar iyo carruur, halka uu dhaawacuna ka gaadhay Toddoba boqol oo qof oo ay ku jiraan carruur qaybo waaxyaha jidhkooda ka mid ah ay gantaaluhu si aad u fool xun u gooyeen.

Dhinaca Israel qudheeda laguma hawl yarayn oo waxaa maalintii shalay si is-daba joog ah loo maqlayey dhawaqa Dawanka-digniinta magaalooyin ay ka mid yihiin Tel Aviv iyo Bi’ru Sabca, kadib markii ay Xamaas sii wadday gantaalaha ay markii ugu horraysay taariikhda la beegsanayso magaalooyinka waaweyn, in kasta oo ay Israel si aad u adag u ilaalisay wararka la xidhiidha khasaaraha ay gantaalahaasi geysanayaan, waxase inta la xaqiijiyey maalintii shalay uu dhaawac badhkii halis yahay soo gaadhay toban ka mid ah Yuhuudda magaalooyinka Afaakim iyo Casqalaan oo ay gaadheen gantaalaha Falastiiniyiintu. Waxaana Israel warwar badan ku haya gantaalaha ay soo ridayaan Falastiiniyiintu oo shalay oo keliya ay tiradoodu gaadhay 125 gantaal oo afar keliya oo ka mid ah inta la hubo ay qabteen Gantaalaha-difaaca-gantaalaha ee Israel, tirada guud ee gantaalaha ay Falastiiniyiintu illaa hadda rideen ayaa noqonaysa 850 gantaal.

Shuruudda Xabbad joojin:

Wararka diblumaasiyadeed ee laga helayo dadaallada nabadda ee socda ayaa sheegaya in Israel iyo kooxaha Falastiiniyiinta labaduba diyaar u yihiin xabbad joojin. Wasiirka mucangagga ah ee arrimaha dibadda u qaabilshan Israel Avigdor Lieberman oo shalay Tel Aviv kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska Laurent Fabius ayaa ka dhawaajiyey in Israel ay diyaar u tahay xabbad joojin, waxase uu ku xidhay shardiga ah in marka hore ay kooxaha Falastiiniyiintu ay joojiyaan gantaalaha ay ka soo ridayaan Qaza, waxa iyaguna soo baxaya bidhaamo muujinaya in Israel ay weli ka warwareegayso dagaal ballaadhan oo dhulka ah oo ay ku gasho Qaza iyada oo ku andacoonaysa in ay ka war sugayso midhaha ka dhasha dadaallada xabbad joojinta ee socda.

Masuuliyiinta Falastiiniyiinta ayaa iyaguna dhankooda xaqiijiyey in ay meel fiican marayaan dadaallada xabbad joojinta lagu doonayo oo ka socda Masar, ku-xigeenka xoghayaha xafiiska siyaasadda ee Xamaas Abu Marsuuq ayaa sheegay in marka hore ay Israel keentay shardigaa ah in la joojiyo gantaalaha Qaza, waxa aanay Israel doonaysaa in heshiiska loo kala qaado laba weji oo kan hore yahay xabbad joojin iyo kan labaad oo ah in marka kaa hore dhaqan galo kadib la qaado cunaqabataynta Qaza, Israa’iilna ay joojiso weerarrada khaarajinta ah, in kasta oo uu sheegay in shardigaas markii dambe meesha laga saaray. Xamaas dhankeeda ka caddaysay shardiga ay xabbad joojinta ku xidhayso oo ah in Israel ay marka joojiso weerarrada iyo in cuno qabataynta laga qaado marinka Qaza. Si kastaba ha ahaato ee xogaha la helayo ayaa ah in haatan labada dhanba diyaar u yihiin xabbad joojinta.

Khasaaraha dhaqaale:

Xogo istaraatijiya oo laga helay Israel ayaa daahfuray in dagaalka Qaza uu maalin kasta dhaqaalaha Israel ku keeno 400 oo Milyan oo doolarka Maraykanka ah, taas oo ay noqonayso in Israel ay ku adkaan doonto in dagaalka ay muddo dheer sii waddo.

Nidaamka ay Israel ugu magac dartay koofiyadda birta ah oo ah hab-dhis difaac oo ay Israel ugu talo gashay in gantaalaha lagu soo rido ay ka horgeyso gantaalo hawada ku qarxiya, qorshuhuna ahaa in ay qaban karaan boqolkiiba 90 gantaalaha la soo rido ayaa illaa hadda oo laga riday 350 xabbo oo ka hortagayey kuwa Falastiiniyiinta waxa uu Israel kelllifay dhaqaale dhan 20 Milyan oo doolarka Maraykanka ah, sida uu sheegay wasiirka dagaalka ee Israel Ehud Barak. Hab-dhiska difaaca ayaa midkii kastaa marka la rakibayo uu ku kacayaa kharash dhan 200 oo Milyan oo doolarka Maraykanka ah, lacagtaas oo aan ahayn ta aynu hore u soo sheegnay ee ay ku kacayso ridistiisu, waxaanay Israel illaa hadda rakibtay sagaal ka mid ah.

Gantaalaha Falastiiniyiinta oo ay khubaro Falastiiniyiin ahi ku sanceeyaan Qaza gudaheeda waxa uu midkiiba ku kaco lacag ka yar boqol doolarka Maraykanka ah, waxa aanay taasi noqonaysaa in boqolkii doolarba ay Israel ku qaabisho 6 lix kun oo doolar. Ciidamada kaydka ah ee ay Israel illaa hadda hawl gelisay oo ay tiradoodu gaadhayso 40 kun ayaa lagu bixiyey kharash dhan 760 kun oo doolarka Maraykanka ah. Dhanka kalana gantaalaha Falastiiniyiinta ayaa muddo shan maalmood ah Israel u geystay khasaare adduun oo dhan 20 Milyan oo doolar oo kale, waxaana illaa hadda jira 500 oo muwaadiniin Yuhuuda ah oo dacwado magdhow doon ah ku soo xareeyey xukuumadda Israel si looga kabo khasaaraha ka soo gaadhay gantaalaha Falastiiniyiinta. Diyaaradaha dagaalka marka la eego, waxaa iyagana la sheegay in halka diyaarad ee sahaminta u kacda uu ku baxayo kharash dhan 1500 oo doolar halkii saac, diyaaraadaha daagalkuna ay saacaddiiba kharash garaynayaan 15 kun oo doolar.

Fashiliyey Koofiyadda Birta

Gantaalaha koofiyadda birta ah ee ay Israel ka horgeynaysay gantaalaha macmalka ah ee Falastiiniyiinta ayaa u muuqda in ay ku fashilmeen hawsha laga rabay, waxaa soo baxaya in gantaalka difaaca ee Israel marka uu ugu fiican yahay uu boqolkiiba 36 keliya ka qaban karo gantaalka laga hor geeyo ee ay sanceeyaan Falastiiniyinitu, taas oo shaki weyn gelisay waxtarka hab-difaaca koofiyadda birta ah, maadaama oo uu qorshuhu ahaa in ay ka hortegi karaan gantaalaha casriga ah ee ka iman kara dalalka waaweyn ee cadowga ku ah Israel.

Fadeexadaha kale ee koofiyadda birta ah ee Israel fashiliyey waxaa ka mid ahaa markii weriye ka tirsan kanaalka labaad ee talefishanka Israel maalintii Axadda ee toddobaadkan uu isku dayey in uu si toos ah indhaha dunida u tuso qaabka ay gantaalaha Israel u qabanayaan kuwa Qaza laga soo rido, waxa uu si toos ah ugu duway kamaradda gantaal loo riday in uu ka hortago mid hawada ku soo jiray oo ay soo rideen Falastiiniyiintu, wariyahani si kalsooni badani ka muuqato ayuu ugu celcelinayey faaninta tayada faa’idada Koofiyadda birta ah ee Israel. Waxase ay fadeexaddu dhacday markii si toos ah loo daawaday gantaalkii ay Israel ridday oo intii aanu gaadhin kii ay soo rideen Falastiiniyintu. Si khalkhal ka muuqdo inta uu uga baydhay jihadii gantaalku ka soo socday ayuu si degdeg ah dhulka ugu soo hoobtay isaga oo aan hawaysanba gantaalkii loo diray. Arrintani waxa ay saxafigii warka dirayey ee ammaanta badan sheegayey ku kalliftay in uu raadiyo cudurdaarro ay ka mid ahaayeen, in ay jiraan cillado yaryar oo dhinaca farsamada ah oo weli haysta gantaalaha difaaca Israel. Dhacdooyinka noocan ahina marar badan ayaa ay soo noqnoqdeen, waana sababta keentay in Israel ay qirato in 35 gantaal oo ay Falastiiniyiintu soo rideen ay ku dhacaan meelo dad rayid ahi deggen yihiin.