Nayrobi: Jaha-wareer Ka Taagan Xaafada Somalida Ee Islii

0
650

somaliNayrobi(Geeska)-Xaafadda ay Somalidu degto ee Islii ayaa shalay gashay maalin jahawareer ah, waxaana la xidhay dhammaan suuqa xaafadaas. Sidoo kale waxa ay xiisadi ka taagantahay magaalada Garisa ee waqooyiga Bari ee dalkaas.

Buuqan ayaa yimid ka dib markii ay kooxo u dhashay Kenya oo ka cadhooday qarax doraad ka dhacay xaafadaasi ay weerareen dhallinyaro Somali ah oo halkaas degen, waxaana dagaalkaas labada kooxood dhex maray sababay inuu suuqii xidhmo, waxaanay dawladda Kenya xaafadda Islii gaysay ciidamo xoogan oo Kenyan ah si ay amniga u sugaan. Sidoo kale

Geesta kale, waxa ay xiisadi ka dhalatay 3 askari oo  Kenyan ah oo lagu dilay magaalada Gaarisa ee waqooyiga bari ee Kenya, waxaana shalay xidhmay guud ahaan ganacsiga magaalada, lamana garanayo cidda askartaas dishay, laakiin ciidamo xoogan ayaa la dhoobay magaaladaas.