Qaybtii Labaad Ee Ururka SYDT Oo Lagaga Dhawaaqay Magaalada Hargeysa

11
607

Picture2Hargeysa(Geeska)-Waxa magaalada Hargeysa xalay si rasmi ah loogaga dhawaaqay ururka SYDT ( Somaliland Young Development Team), oo hore qaybtiisa koowaad ay uga aasaasnayd  dalka Sweden, ururkaas oo isku taagay sidii dhalinyarada Somaliland looga horumarin lahaa dhinacyada waxbarashada,shaqada iyo ciyaaraha.

Waxaanay kooxdan dhalinyarada ah ee qaybta labaad ee ururkan kaga dhawaaqay Hargeysa ay sheegeen inay danaynayaan sidii taageero loogu muujin lahaa dhalinyarada reer Somaliland oo u baahan goobaha ciyaaraha,waxbarasho iyo shaqo abuurba.

Gudoomiyaha ururkan Md. Maxamed Baashe Xirsi oo xafladii lagaga dhawaaqayay ururkan ka hadlay ayaa sheegay inay u kuur galeen xaalada dhalinyarada dalka,isla markaasna ay ogaadeen baahiyo badan oo ay qabaan ayna doonayaan inay caawimo badan ka gaystaan.

Maxamed Dhamac Xasan oo ah gudoomiyaha ururkan ee dalka Sweden ayaa isaguna dhankiisa daboolka ka qaaday inay ururkan aasaaseen laba sano ka hor ayna danaynayaan inay wax badan dhalinyarada dalka la qabtaan si looga baajiyo  tahriibka,  ay ugu qancaan. 

Comments are closed.