Qatar Oo Shuruud Ku Xidhay Wada Hadal Dhex Mara Dalalka Xayiraadda Saaray

0
603

Dooxa(Geeska/Jazeera)-Dawladda Qatar ayaa shuruud ku xidhay wada hadal u bilaabma Qatar iyo dalalka Sucuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Barxayn, waxaanay sheegtay Qatar inaanay wada hadal la galayn dalalkan ilaa ay qaadaan xayiraadda ay saareen.

Wasiirka arrimaha dibadda Qatar oo Dooxa ugu waramay warbaahinta, ayaa sheegay inay Qatar diyaar u tahay wada hadal ay dalalkan la gasho laakiin aanay wada hadalkaas galayn ilaa la qaado xayiraadda oo uu ku tilmaamay mid caqliga ka fog, “Qatar waxa saaran xayiraad, wada hadal ma jiri karo markaas. Waa inay xayiraadda qaadaan si wada hadal u bilaabmo.” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, oo intaas raaciyay “Ilaa hadda ma  arago wax horumar ah oo laga gaadhay xayiraad qaadista oo shuruud u ah in hore loo socdo.”

Sheekhan reer Qatar wuxuu sheegay inaanay Qatar diyaar u ahayn inay dalalkan xulafada ah kala hadasho arrimaha qaarkood, "Wax kasta oo aan iyaga la xidhiidhin ma noqonayo wada hadal. Cidina xaq uma laha inay soo farogeliso arrimahayaga gudaha. Telefishanka Aljazeera waa arrimaha Qatar, siyaasadda arirmaha dibadda ee dalalka gobalku waa siyaasadda Qatar, kamana wada xaajoonayno arrimaha noo gaarka ah.” ayuu yidhi wasiirkani.

Wasiirku wuxuu sheegay inaanay ilaa hadda haynin wax dalab ah oo ay dalalkan Sucuudigu horkacayaa soo bandhigeen si Qatar uga hadasho, “Weli kama hayno wax dalab ah oo ay leeyihin Qatar sidan iyo sidaas ha samayso oo sidaas ha joojiso.” ayuu yidhi.

Wuxuu sheegay in Qatar haysato siyaasad ah wejigeeda labaad haddii dalalkani ku sii wadaan xayiraaddan ay saareen, “Waxaanu haysanaa qorshe labaad oo ay ugu weynyihiin Turkiga, Kuwait iyo Cumaan. Iiraan ayaa noo fududaysay kadinka hawada, waxaanan kaashanaynaa dalalka damaanad qaadaya inay wax na soo gaadhsiiyaan.”