Guddiga Wanaag Farista Oo Ka Hadlay Dhar Ciideed Ay Qabteen

0
548

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida Wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdala, ayaa sheegay in dalka la keenay dawooyin iyo cunooyin aad u badan oo khatar dhibaato caafimaad keenaya, waxaanu si gaar ah uga hadlay Bariiska caaga ka sameeysan ee dalka la keenay, waxa kale oo uu ka hadlay kabihii magaca ALLE lagu soo qoray, ee la qabtay, iyo dhar ay ku sawiran  yihiin saliibka, ama karooska Kiristaanka, waxaanu ku taliyey in aad looga feejignaado wax walba oo dalka la keenayo oo diiin ahaan iyo caafimaad ahaanba khatar bulshada ku ah.

Guddoomiyaha Guddida Wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdala, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Waxaana uga mahadnaqayaa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta iyo waliba Ciidanka Booliska talaabadan ay ku soo qabteen dadka keenaya kabaha lagu soo qoray magaca ALLE, anagu dhawaan waxaanu qabanay Dhar funaanado u badan oo ay laabta kaga sawiran yihiin saliibka ama karooska Kiristaanka, markii aanu u tagnay ninkii isagu lahaa ee soo dajiyey,dharkaas oo lagu soo dajiyey Bakhaar gabi ahaanba waa la joojiyey, markaas inay dadku waxay keenayaan ee lagu khaldi karo inay aad uga fiirsadaan oo ay ka feejignadaan ayaa wanaagsan”.

Guddoomiyaha Guddida Wanaag farista mar uu ka hadlaayey waxyaabaha khatarta dadka ku ah ee la keenay ayaa yidhi “Imika waxa la keenay bariis dhibaato keenaya, oo khatar caafimaad daro keenaya, oo xagga cuntada ah, dawooyin aad u badan oo dhibaato caafimaad keenaya ayaa dalka yaala, oo la keenay, dharkii iyo kabihina haddii ay sidaas noqdaan soo dhibaato noqon mayso, in waxa la keenayo ay noqdaan wax xalaal ah oo lagu ceesho ayaa wanaagsan, markaas in wax walba oo diin ahaan iyo caafimaad ahaan dhib keenaya in la keeno maaha, ogadaana in haddii la keeno wax xaaran ah oo caafimaad ahaan iyo diin ahaanba dhib keenaya in cida keentay ay ku soo noqonayso”.

Dhinaca kale waxa uu Guddoomiyaha Wanaag farista iyo xumaan reebistu ku taliyey madaama lagu jiro tobankii ugu dambeeyey ee Ramadaan oo uu ku jiro habeenka ugu khayrka iyo fadliga badan in laga faa’iidaysto, waxaanu soo jeediyey in mar walba la is caawiyo, oo sadaqada iyo khayrka loo baratamo.