Bulshada Burco Oo Ay Xalay Daadad Kala Xidheen

0
620

 

Picture2Burco(Geeska)-Daadad xoogan oo isdaba socda ayaa luxay biriishyada labada ah ee magaalada Burco. Roobabkan oo aan helin magaalada gudaheeda ayaa ka soo rogmaday buurlayda uu dooxa Togdheer biyaha ka soo qaado, waxaanay daadadkaasu galeen qaybo magaalada ka mid ah.

Ciidamadda booliska magaalada Burco ayaa iyagu xalay fiidkii  gabi ahaan xidhay labada biriish ee magaaldaas ka dib  markii ay ka baqeen inay la go’aan gaadiidka iyo dadkii isticmalaayay.

Daadadkan ayaa galay qaybo ka mid ah xaafadaha aadka ugu dhaw dooxa weyn ee magaalada Burco iyo Hoteelo uu ka mid ahaa hotel Shamaxle oo dooxa dhinaciisa ku ayaala. Waxaana biriishyadan hareerahooda tubnaa dad badan oo ciidamadu ay ku joojiyeen labada dacal ee biriishyadaas.

Daadadkan sida weyn looga baqay ayaan sanadadii ugu danbeeyay soo marin dooxa magaalada Burco, Ilaa iyo hada lama hubo khasaaraha dhabta ah ee ay daadkani gaysteen isla markaana saraakiisha booliska oo aanu wax ka waydiinay ayaan sheegay wali in aaney war sugan ka haynin maadaama oo ay habeenimo tahay.