Qaramada Midoobay Oo Soo Dhawaysay Heshiiskii Somaliland & Somaliya Ay Kala Saxeexden Iyo Magaca Cusub Ee Xafiiskii Mahiga Oo Lagu Dhawaaqay

0
640

 

Picture8Hargeysa(Geeska)-Kaaliyaha xoghayaha qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha siyaasadda Mr. Jeffrey Feltman, ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya dhawaan ku kala saxeexdeen wadanka Turkiga.

Mr. Jeffrey, ayaa khamiistii doraad warbixin ka hor akhriyay 15-ka xubnood ee golaha ammaanka qaramada Midoobay oo shir ku yeeshay magaalada Newyork, waxaanu kaga hadlay xaaladihii u dambeeyay ee dalka Somaliya oo ay dawladiisu ka baxday ku meelgaadhnimadii. “Heshiiska dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo maamulka Somaliland ee ah in wada hadalka la sii wado lana sii xoojiyo iskaashiga ee bishan horaanteedii la saxeexay waa talaabo mudan in la soo dhaweeyo.” Ayuu ka hor yidhi xubnaha golaha ammaanka Mr. Jeffrey, oo ah kaaliyaha xoghayaha qaramada midoobay ee arrimaha siyaasadu, waxaanu intaas raaciyay in la bedelay magaca iyo weliba shaqada xafiiskii qaramada midoobay ee siyaasadda ee loo yaqaano UNPOS oo uu wakiil ka ahaa Danjire Augustine Mahiga. Mr. Jeffrey, wuxuu sheegay in xafiiskaas hore lagu bedelay xafiis magaciisu yahay UNAMSOM (United Nations Assistance Mission in Somalia). Xafiiskan UNAMSOM oo uu magaciisu si rasmi ah u soo baxay khamiistii doraad, waxa la filayaa inuu si rasmi ah uga hawlgalo Somaliland iyo Somaliya bisha June ee sannadkan, waxaana maamulkiisa qaban doono ergay cusub oo uu xoghayaha qaramada midoobay soo magacaabi doono. Warku wuxuu sheegay in xafiiskani yeelan doono awoodo iyo haykal maamul oo ka sal balaadhan xafiiskii hore ee UNPOS oo gebi ahaanba meesha ka bixi doona.

Khudbadda uu kaaliyaha xoghayaha Qaramada Midoobay ka horjeediyay xubnaha golaha ammaanka, oo uu inteeda  badan kaga hadlay xaaladaha dalka Somaliya iyo qorshayaasha madaxweynaha dalkaas Xasan Sheekh Maxamuud, waxa fadhiyay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya iyo diblomaasiyiin kale oo iyaguna madashaas hadalo kooban ka jeediyay.