Hay’adda DDG Oo Magaalada Kirir Ku Wareejisay Buuga Qorshaha Badbaadada Bulshadda

1
4125

 

Picture1Hargeysa(Geeska)-Xafladd loo soo agaasimay si heer sare ah oo lagu qabtay magaaladda Kirir oo ka tirsan gobolka Saraar ayay hay’adda DDG ku guddoonsiisay kooxda badbaadada bulshadda ee reer Kirir buugga qorshaha badbaadda bulshadda(BQBB).

Buugan oo ay si wada jira u diyaariyeen mudo 15 cisho ah bulshadda reer Kirir iyo hawlwadeenada hay’adda DDG oo ujeeddadiisu tahay siddi kor loogu qaadi lahaa adeega bulshadda gaar ahaan dhinaca badbaadda bulshadda iyo sidii loo yarayn lahaa dhibaatadda walaxaha garxa, hubka fudud, Xalinta khilaafaadka kala duwan iyo sidii loo tayeysiin lahaa kooxda badbaadad a bulshadda ee degaanka Kirir.

Buuga waxaa si gaar ah loogu goray dhibaatooyinka bulshadda reer Kirir ka haysta dhinaca badbaaddada bulshada. Saamaynta qorshahani waxay ka dambaysay dadaal farabadan oo ay bulshadda reer Kirir iyo hay’ ada DDG u galeen sidii ay u heli lahaayeen qorshe wax lagaga qabanaayo khatarta hubka fudud iyo walxaha qaraxa kaasi oo aakhirkii ay ka sameeyeen buugga Qorshaha Badbaadada Bulshadda. Si haddaba tani ay u suurta gasho DDG waxay bulshadda reer Kirir u tababartay 25 xubnoo kuwaas oo ay ku tababartay aqoonta badbaaddada bulshadda iyo sidii bulshadda looga wacyi galin lahaa dhibaatadda walxaha qarxa iyo hubka fudud taasi oo aakhirkii ay bulshadda reer Kirir ku doorteen Sagaal (9) xubnoo oo iyagu noqon doona kooxda badbaadada bulshadda kuwaas oo loo igmadday inay masuul ka noqdaan hirgalinta qorshahan iyadda oo ay farsamo ahaan ay ka caawin doonto hay’adda DDG. Hadaba xafladdan oo si quruxbadan usoo agaasimeen bulshadda reer Kirir ayaa waxaa ka soo qayb galay, madaxdda, odayaasha, haweenka, dhalinyaradda iyo dhamaan bulshadda reer Kirir iyada oo ay xafladaa si gaar ah uga muuqdeen cuqaasha, madaxda, dhalinyarada haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda. dhinaca kalena waxaa halkaa hadal ka jeediyey ku sahabsan barmaamujka badbaadada bulshada sarkaal ka socday hayada DDG mr.

Cabdiraxmaan aw Xassan Muxumed oo kumagac dheer “Cabbdiraxman jenaqow’ kaas oo haddalo guubaabo iyo hoga tusaalayn ah usoo jeediyay bulshadda reer Kirir. gudoomiyaha oo hadal ka jeediyay xidhitaankii xafladan ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay badbaadada bulshadu iyo sida loogu baahanyahay in wax laga qabto, gudoomiyuhu wuxuu bulshada reer Kirir iyo Hay’adda DDG ku amaanay iskaashiga iyo xidhiidhka wanaagsan ee ay unkeen waxaanu kula dardaarmay inay halkaa ka sii wadaan, Mahamoud Abdi Ali iyo Maxamed Good Ibraahim oo  ah Xidhiidhiyayaasha hay’adda DDG iyo bulshada ee gobolka Saraar oo khudbado dhinacyo badan taabanaysa ka soo jeediyay maddasha ayaa bulshadda reer Kirir ugu baaqay inay xoojiyaan wada shaqaynta ay la leeyihiin hay’adda DDG iyo in ay u hagar baxaan fulinta qorshaha badbaadada bulshada, isla markaana sheegay inay farsamo ahaan ay ka caawin doonaaan fulinta qorshaha badbaadada bulshadda.

Intaa kadib wuxuu Cabdiraxmaan Aw Xasan Muxumed ku wareejiyay buuga badbaadada bulshadda Abdirahman Mahamed Awad oo ah Gudoomiyaha gudida badbaadada bulshadda isla markaana ah Gudoomiyaha gudida degaanka Kirir oo isaguna balan qaaday inay gudi ahaan awooda saari doonaan sidii ay u hirgalin lahaayeen Qorshahan badbaadada bulshada. Ugu dambayntii bulshadda reer Kirir waxay madasha kusoo bandhigeen gabayo iyo burranbur iyo ciyaar dhaqameed ay ku muujinayaan sida ay diyaarka ugu yihiin hirgalinta qorshahan iyo waliba wada shaqayn fiican oo ay la yeelan doonaan hay’adda DDG. Maaha markii ugu horeysay ee ay DDG xaflado noocan ah ku qabato deegaanka hoos yimaada gobolka saraar balse waxaa hore lagu qabtay magaalooyinka badan oo ka tirsan Gobolka Saraar.

Comments are closed.