Qaramada Midoobay Oo Saddex Bilood Ka Dib Ka War-Wareegaysa Inay Ergay U Soo Magacowdo Soomaaliya

0
1171

Hargeysa(Geeska)-Saddex bilood ayaa laga joogaa markii ay dawladda Soomaaliya caydhisay ergaygii Qaramada Midoobay danjire Nicholas Haysom, welina Qaramada Midoobay waxay u muuqataa inay ka war-wareegayso inay danjire cusub u soo magacowdo.

2 January ayay dawladda Soomaaliya ku dhawaaqday inay caydhisay ergaygaas, ka dib markii uu dawladda Soomaaliya u jeediyay eedaymo islamarkaana weydiiyay su’aalo ku saabsan xuquuqal insaanka markii ay Soomaaliya xidhay Sheekh Mukhtaar Roobow.

12 toddobaad amaba 84 maalmood ayaa laga joogaa tan iyo markaas ay Soomaaliya ergayga caydhisay, inkastoo ay Qaramada Midoobay aqbashay oo ay bedeshay danjiraheedii, haddana waxa soo baxday qorshe siyaasadeed oo ay dad badani saadaalinayeen oo ah inaanay Qaramada Midoobay soo magacaabi doonin ergay cusub balse uu shaqadii ergayga ay Soomaaliya caydhisay sii qaban doono ku xigeenka ergaygaas hore.

Sidoo kale halkii laga sugayay inay Qaramada Midoobay soo magacowdo ergayga cusub, waxa ay ergay cusub u soo magacowday gobalka Geeska Afrika, waxaanay dad badani su’aalo aan jawaabtooda la helin iska weydiinayaan shaqada ergayga cusub.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here