Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Oo Dalladda SONSAF Ku Gacan Saydhay Dalabkii Ahaa Inay Xilka Iska Casilaan

0
754

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka Somaliland ENG.Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa sheegay in ururada bulshada rayidka ah ku gacan saydhay dalab ay warbaahinta u mariyeen oo ah inay is casilaan.

Waxa uu guddoomiyaha komishanku uu dhaliilo u jeediyay guddoomiyaha dalada ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF oo ugu baaqay inay kuraasta baneeyaan, waxaanu sidan ku sheegay shir jaraa’id oo uu warbahainta ugu talo galay, waxaana hadalkiisa ku bilaabay” Waxaan cadaynaynaa inay halkan ka muuqato guddoomiyaha SONSAF in aanu fahansanayn waxa loogala jeedo caqabadaha hortaagan komishanka doorashooyinka ama doorashooyinka la qabanaayo ee ina horyaala kuwaas oo mudaysan 12/12/2019  oo aan xisbiyada iyo xukuumada iyo komishanka oo ka soo shaqeeyay aanay isla diidanayn,halkan waxaanu ku cadaynaynaa in komishanka doorashooyinku uu ku aas aasan yahay sharci dalkuna shuruuc iyo xeerar ayuu ku dhisan yahay oo aan  la baalmarayn inta uu qof qaatana aanu meeshu doono isla marayn,komishanka sharci ayaa loo maraa oo nidaam sharci ayaa loo maraa xubnihiisa iyo wakhtiga ay joogayaanba iyo awooda ay leeyihiin haddii ay tahayba, awood doorashadana iyaga ayaa u xilsaan oo qaranka ugu xilsaaran ugana lexejeclo badan qof kasta in doorashadu sidii ay ku dhacday bishii 11/2017.”

Waxa uu guddoomiyaha komishanka doorashooyinku uu dhaliilay guddoomiyaha dalada ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF Anwar Cabdiraxmaan, waxaanu yidhi “Waxaan u sheegayaa guddoomiyaha in aanu fahmin oo uu baalmarayna xayndaabkii dawladnimo isaga oo komishan wakhtigiisii ku jira uu leeyahay ha baneeyaan kuraasta oo amar uu ku bixinaayo,kala diristan uu leeyahay guddoomiyahu aday ku hortaalaaye kala dir anagu waxaanu u aragnaa madaxweynuhu sharciga kama sareeyo, qof sharciga ka sareeyaana ma jiro sharcigaa la marayaa,inanyow ha garab marin, caqabaduuna maaha in komishanku uu caqbad yahay ee waa shan caqabadood oo ay nala qaateen xisbiyadu oo xataa xisbiga Waddani uu sheegay in shantaas caqabadood hortaagan yihin in doorashadii qabsoonto.”

Guddoomiyaha oo hadlakiisa sii wataa waxa uu yidhi “ Waxaanu ka xunahay run ahaantii isaga oo ku carabaabay warbaahinta la dhagaysanaayay inuu yidhaahdo saddexdii xisbi wada shaqayn lama laha komishanka halka uu ka keenay isaga ayaa laga doonayaa inuu been farriimay guddoomiyaha halka uu ka keenay isaga ayaa laga doonayaa, inuu been fariimay komishanka oo uu yidhi waxay eedeeyeen madaxweynaha iyo xisbiyada oo dhan iyo labada goleba halka uu ka keenay isaga ayaan su’aashaas dib u waydiinaynaa oo aanu ka rabnaa, markaanu dhagaysanay waxa nooga baxday guddoomiyaha guurtida lamaan kulmin laakiin warbaahinta ayaan ka maqlay maaha qof masuul ah afkiisii. Doorashadii mudaysnayd wakhtigeedii iyo jadwalkeediiba waa diyaar waxa la eegayaa in madaxweynaha iyo saddexda xisbi ay u diyaar garoobaan oo dadweynuhu ay u diyaar garoobaan oo sidaas doorashada lagu galo maaha in la dhabar jabiyo iyada oo la wado isku keenid iyo waan waan latashi,in dhabarka laga wareemo maaha, qaranka ayay u taalaa qaranka ayaynuna ka mid nahay kuligeen in aan gacmaa isku qabsano si doorashadaasi tii aynu qabanay 2017-kii oo kale ah. “

Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan oo la waydiiyay sida uu u arko in kalsoonidii uu kala noqday xisbiga Waddani waxa uu yidhi“ Komishanka cidi uma yeedhiso halkaas ha maraan iyo halkaas ha maraan sida aan kuu sheegay si sharci ah ayay ku dhisan yihiin hab sharci ahna waa lagu soo doortaa, hab sharci ahna waa loo maraa marka ay danbi galaan, xisbiyada iyo madaxweynaha laftigoodu ma eryi karaan waa in hab sharci ah loo maro, wadankani waa wadan dastuuri ah oo sharci leh haddii la jabiyo shuruucdiisa wadan sidaana kuma noqonayno, madaxweynuuna hore ayuu u sheegay oo uu yidhi awood uma lihi aan ku kala eryo, madaxweynaa waanu ku wada soconaa shaqaduna heegan ayuu u yahay waanu noo balanqaaday haddii xataa lacag laga waayo qolyaha lacagta bixiya inuu isagu dabari doono, diyaar buu u yahay oo maalintii uu xafiiska fadhiistay ayaanu u tagnay oo diyaar ayuu u yahay in doorashadu ay wakhtigeedii ku dhacdo, waxaana dabraaya sharciga u yaala, qofna sharciga kama sareeyo waanan ka wada soconaa, xisbigaas Waddanina caqabadaha ayuu ka mid yahay in la dhameeyana waa muhiim haddii la doonayo in doorashadu ay sideedii u dhacdo.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here