Qaramada Midoobay Oo La Sheegay Inay Ka Soo Jawaabtay Codsi Ay Somaliand U Dirtay

6
666

Picture5Hargeysa(Geeska)-Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM, ayaa la sheegay inuu ka soo jawaabay codsi ay xukuumadda Somaliland kaga dalbatay inay ka caawiyaan sidii maamulka hawada looga soo wareejin lahaa Qaramada Midoobay, iyadoo la fulinayo heshiiskii dhinaca hawada ee dhex maray Somaliland iyo Somaliya.

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay inay Qaramada Midoobay ka soo jawaabtay dalabkaas, lamase garanayo nuxurka jawaabta ay Qaramada Midoobay ka soo siisay Somaliland codsigeedii ahaa inay ka shaqeeyaan sidii hawada loogu soo gacan gelin lahaa Somaliland iyo Somaliya, kaas oo fure u noqonaya dhaqan galka heshiiskaas. Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo aanu isku daynay inaanu mawduucan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin.

Wargeyska Geeska Afrika, ayaa dhawaan qoray inay xukuumadu Qaramada Midoobay ka codsatay inay ka shaqeeyaan sidii hawada loogu soo gacan gelin lahaa Somaliland iyo Somaliya, si loo hirgeliyo heshiiskaas oo dhigayay in xarunta hawada laga maamulayaa ay noqoto Hargeysa, lana sameeyo guddi farsamo oo wada jir uga shaqaysa, laakiin wasiirka isgaadhsiinta Somaliya ayaa sheegay inaan marna xarunta hawada laga rari doonin Muqdisho.

Comments are closed.