Halista Dhaqaale Ee Ka Dhalanaysa Xeerka Horumarinta Waddooyinka Ee Ay Xukuumadu Horgaysay Golaha Wakiilada

0
723

Picture6Hargeysa(Geeska)-Ajandaha kalfadhigan ee golaha wakiilada waxa ku jira xeer cusub oo ay xukuumadda Somaliland curisay, kaas oo uu magaciisu yahay xeerka horumarinta waddooyinka.

Xeerkan oo aanu ka doodistiisa golaha wakiilada si rasmi ah u gudo gelin, ayaa ah xeer ay xukuumaddu doonayso in loogu ansixiyo lacag cashuuro dheeraad ah oo ay ku soo rogayso xoolaha nool ee uu dalku dibadda u dhoofiyo iyo waddo marista baabuurta rayidka. Si guud marka loo eegana waa xeer aan curuntiisa lagu salayn daraasaad sal balaadhan, waxaana uu dhigayaa nuxur ahaan sidan:

Lo’da waxa lagu kordhiyay 3 Dollar

Geela waxa lagu kordhiyay 5 Dollar

Adhiga waxa lagu kordhiyay hal dollar

Intaas waxa dheer, waddo marista baabuurta oo wakhtigan ah lix bilood, waxa iyadana laga dhigay in saddexdii biloodba mar la cashuuro, taas oo sanadkii noqonaysa in la cashuuro waddo marista gaadhiga afar jeer, halka imika laga cashuuro laba jeer, waxa aanay noqonaysaa in la kordhiyey boqolkiiba boqol, waxaanu xeerku u kala saarayaa baabuurta laba qaybood oo kala ah baabuurta yaryar iyo kuwa waaweyn.

Haddaba, marka laga tago cashuurta dheeraadka ah ee lagu soo rogay waddo-marista baabuurta, waxa yaab leh inay xukuumadu doonayso inay cashuuro dheeraad ah saarto xoolaha oo laf dhabar u ah waxyaabaha uu dalka Somaliland dibadda u iib geeyo. Waa markii u horaysay ee ay xukuumad Somaliland soo martay cashuur intaas leeg saarto xoolaha nool ee ay dibadda u dhoofiso, taas oo hoos u dhac ku keeni karta dhoofka xoolaha nool ee Somaliland oo markaas saamayn ku yeelanaya dhaqaalaah dalka. Tusaale ahaan haddii ay Somaliland sannadkan dunida u iib gayso saddex milyan oo neef, waxa suurtogal ah inay sannadka dambe hoos uga dhacdo cashuurtan dheeraadka ah darteed, waayo, cashuurtani waxay toos u fuulaysaa dadka reer guuraaga ah ee xanaaneeya xoolaha ay Somaliland dibadda u dhoofiso.

Sida muuqata golaha wasiirada Somaliland wax dood ah kamay gelin xeerkan, haddii ay ka galena waxay ahayd dood kooban, waxaanay taasi ka muuqataa sida fudud ee uu xukuumad dhan iyo golaheedii uu uga soo baxay  xeer noocan ah oo saamayn halis ah ku yeelan kara dhaqaalaha dalka ee ku xidhan xoolaha nool ee uu dibadda u dhoofiyo. Waayo curfiga dhaqaale ee aan aqoonta u baahnayn ayaa ina baraya in dawlad kastaa ay yarayso cashuurta wax yaabaha ay dibadda u dhoofiso, si uu dhoofku kor ugu kaco.

Sidaas darteed, golaha wakiilada Somaliland ee uu xeerkani horyaalo waxa la gudboon inay si feejignaani ku jirto u naaqishaan xeerkan iyagoo ka dheeraanaya inay ku eegaan indho kooban. Golaha wakiilada oo looga bartay inay durduro ku ansixiyaan xeer kasta oo ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u soo gudbiso, ha ogaadaan in xeerkan oo ay sidii kuwii u ansixiyaan inuu keeni karo dhibaato dhaqaale oo miyi iyo magaalaba saamaysa.