Qaniinyo Kaneeco Ayaa Ninkan U Beddeshay Maroodi

0
1070

Brasilia (Geeska)- Qaniinyo keliya oo 20 sano ka hor ay kaneeco qaniintay nin u dhashay dalka Baraasiil ayaa sabab u noqotay in uu ninkaas ku dhaco mid ka mid ah cudurrada dunida ugu argagaxa badan. War u Geeska Afrika turjumay oo lagu baahiyey wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka ingiriiska ayaa sheegaya in Raimundo cudurka naafeeyey oo inta badan lagu arko dadka ku dhaqan dunida meelaha ku dhow dhulbadhaha. Baadhitaannadii caafimaad ee lagu sameeyey ayaa xaaladda Raimundo ayaa lagu ogaaday in sababta cudurkan ku keentay ay tahay qaniinyo kaneeco oo sababtay cudurka afka qalaad loo yaqaanno ‘Elaphantiasis’ oo aynu ku macnayn karno maroodiyoow.

Raimundo muddo labaatan sano ah ayaa uu qabay cudurkan oo lug keliya kaga dhacay, waqtigaas dheerna maalinba maalinta ka dambaysa waa ay sii weynaanaysaa lugtu, waxaa sida oo kale is beddelay midabkeedii oo u ekaaday midabka maroodiga, waxa aanay ku keentay naafonimo ka xannibtay hawlmaalmeedkiisii caadiga ah.

Cudurkan oo ka mid ah cudurrada dhifta ah ee lagu arko dhulka dhulbadhuhu maro waxaa inta badan sababa dirxi dulin ah oo weerara nudaha maqaarka hoostiisa iyo xididdada tiftifeed ee naasleyda, waxa aanu qofka ku keenaa kaar aad u badan iyo marka uu muddo qofka hayo oo uu keeno in jidhku qarqarxo. Cudurku ma’ laha meel gaara oo uu ku dhaco oo qofba xubin iin ayaa uu kaga dhacaa, waana xubinta uu hadba dulinku ka biowdo, waxa se uu aad ugu badan yahay lugaha, gacmaha iyo xubinta taranka ama qayb madaxa ka mid ah. xubinta uu ku dhacana waxa uu ku keenaa weyni aad u xad dhaaf ah iyo in ay yeelato jidhif iyo midabka maroodiga oo kale.

Waxaa iyaduna jirta mararka qaarkood aanay calaamadaha aynu sheegnay dibadda uga soo bixin qofka, balse uu cudurku hoos u dilo uun kelyaha iyo qanjidhada.

In kasta oo illaa hadda la aaminsan yahay in cudurkan aan dawo rasmi ah loo haynin gaar ahaan marka aanu qofku goor hore xaaladdiisa dhakhtarta tusin, haddana nasiibwanaag cisbitaalka Sao Jose Rio Petro oo ku yaalla dalka Baraasiil waxa uu ku guulaystay in uu wax weyn ka qabto xaaladda bukaankan, tusaale ahaan waxaa u suurtogashay in uu toddobaaddo yar gudahood si aad ah u yareeyo buradan.

Xanuunkan ayaa ay warbixintu sheegtay in uu aad ugu badan yahay Afrika, Badhtamaha iyo Bariga Eeshiya iyo jasiiradaha badweynta Hindiya. Waxa se jira dawooyin ka hortag ah oo qofka qaata aanu dulinkani iyo dirxiga sida midkoodna waxba ka qaadi karin jidhka.