Qalinkaa Wax Suureeya 15

0
330

 

Axmed Cabdiraxmaan Sh Bashiir

 

Hal-abuurka iyo Nolosha 5

Noloshu uma baahna in xoogga la saaro dhismaha siyaasadda oo keliya, in kasta oo dhismaha siyaasaddu ku leeyahay door laxaad weyn habsami u socodka nolosha, haddiiba aanay jirin degenaansho siyaasadeed iyo maamul wadaag ku qotoma danwadaagta bulsho leedahay waxa dhacda in lagu xasili waayo qaybaha kale ee noloshu leedahay, lama dhiso dhaqaale iyo ganacsi wax ku ool ah, tacliin lama hanto, daryeelka caafimaadna lama xasuusto.

Xaaladuhu marka ay sidaas yihiin dadka intooda wax is bidaysaa waxa ay u xusul duubaan inay ciyaaraan door udub dhexaad u noqda in bulshada lagu soo dabaalo hab dhaqan siyaasadeed iyo maamul oo horseed ka noqda dhaqaajinta qaybaha kala duwan ee noloshu ka kooban tahay, waxaa taariikh ahaan la yaqaan oo laga helay dhaxalka bulshooyinka adduunka ee kala duwan in dadka leh awood hogaamineed oo daacad ah oo ay ku lammaan tahay caddaalad aasaas u ah gudashada xilkaas  ay yihiin dad aad u kooban marka loo eego tirada dadka u hanqal taaga inay kaalintaas u buuxiyaan dadkooda.

Ma aha taas macnaheedu in aanay waxtar u kordhin karin bulshadooda dadkaas laga yaabo in aanay ka soo bixi karin masuuliyadaas siyaasadda iyo maamulka la xidhiidhaa, laakiin wakhtiyada noocaas oo kale ah waxa bulshada ka luma jiheeyaha, waxaan khalkhal ku yimaadaa sidii ay u fakeraysay, arrinkaas oo dhaxalsiiya in qofkii u holada inuu shacabkiisa waxtar u sameeyo uu arko in halka wax iska qabsan la’yihiin ay tahay siyaasadda iyo maamulka sare ee qaranku leeyahay, taasina waxay ka lumisaa in ay jiri karaan meelo badan oo ay bulshadu u baahan tahay in wax looga qabto kuwaas oo raad fiican oo togan ku yeelanaaya siyaasadda ummadda.

Dadka jecel in ay shacabkooda iyo waddankooda wax u qabtaan waxa haboonaan lahayd in dedaalkoodu aanu ku koobnaan inay wakhti iyo maal badan ku bixiyaan arrimaha siyaasadda oo keliya, laakiin waxa fiican in si dhugasho badan ku jirto loo eego in hal-abuur lagu sameeyo qaybahan nolosha laf dhabarta u ah ee ay ka mid yihiin:

Dhaqaalaha: Dhaqaalaha wadanku waxa uu door wayn ku leeyahay degenaanshaha, marka aad gaadho heer aad abuurto in bulsho weynta caalamku u baahan tahay wax soo saarkaaga isla markaana aad hoos u dhigto in baahidaada aasaaska ah aanad uga baahan in aad waddankaaga dibeddiisa ka raadiso, waxa aad ku guulaysatay in aad gudaha waddankaaga ku abuurto xasiloonaan siyaasadeed, caalamka intiisa kalena kugu eego indho qadarin iyo qiimeyn leh.

Waxa dhab ah in hadda isle’egtaas aan aad uga fog-nahay, laakiin waxa mudan in aanay ka maqnaan fekerka iyo xisaabta bulshada iyo qof walba oo jecel in uu wax u soo kordhiyo dadkiisa iyo dalkiisa. Dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee aynu ku aragnaa waddanka waa mid aan ku saleysnayn wax soo saar, waxa uu u badan yahay adeeg, adeegaas oo weliba qaybo badan oo ka mid ahi ay yihiin kuwo abuuray culays dhaqaale, kuna soo kordhiyey shacabka miisaaniyado ay ka maarmi lahaayeen.

Waxa hubaal ah in tilmaamihii hay’adaha dowladda ee u qaabilsanaa inay ganacsatada tusaan meelaha looga baahan yahay inay maal gashadaan ay kaalintoodii banaan tahay, waaba haddii ay jirto istiraatiijiyad ay arrimahaasi ku xusan yihiine, sidoo kale waxa iyaduna maqan ganacsadihii la iman lahaa hal-abuur u saamaxa in uu bulshadiisa u horseedo inay jiraan wax ka baxsan in laga ganacsado isgaadhsiin ama xawaalad ama raashin.

Waxbarashada: Waxbarashadu waxa ay u horseedaa bulshada inay garato waajibka noloshu ka rabto iyo sidii ay waajibkaas u gudan lahayd, waxa marag ma doonto ah in mar walba oo aqoonta saxda ah ee bulsho leedahay korto ay si quman ula koraan dulqaadka iyo samuhu.

Waxa jira dhaqaale iyo lacag badan oo ku baxda ardey badan oo dibedda waxbarasho u raadsata, waxbarashadaas oo haddii loo hawl geli lahaa ay ka heli kari lahaayeen meel aan guryahooda ka fogeyn, waxa keliya ee arrinkaasi u baahan yahay waa in fikrad iyo dhaqaale lagu maalgeliyo loo helo, dadka jecel inay wax u qabtaan bulshadooduna ay fahmaan in waxbarashadu ay ku jirto meelaha loogu baahi badan yahay in wax laga qabto, taasooo hanka ummadda iyo wax soo saarkooda dhaqaale iyo maamulba sare u qaadaysa.

Caafimaadka: Caafimaadku waa halbowlaha nolosha, qof caafimaad qaba ayaa wax soo saar sameeya, waxa aynu maalin walba aragnaa in xanuunada ugu fudud aan dawadooda dibedda ka raadsano “waa qofkii awood dhaqaale u saamaxdo”, waxa intaas dheer dhibta ka taagan dawooyinka iyo wixii caafimaad la xidhiidha, waxa aan filayaa in aanay u baahneyn in aan tafaasiil badan ka bixiyo arrimaha la xidhiidha caafimaadka iyo baahida ay bulshadu u qabto iyo xaaladiisa hadda. Waa meel ciddii mustaqabalka dadkiisa danaynaysaa wax badan ka qaban karaan, waxay u baahan tahay in ganacsatadu fahmaan in faa’iido ganacsi iyo waxtar banii’aadamnimo ku jiraan, dhakhaatiirtuna hal ku dhig ka yeeshaan  in bukaanku magantooda yahay.

 

Saddexdaas qaybood ee nolosha ka mid ahi waxay u baahan yihiin dad u kaca oo wax ka qabta, maanka, muruqa iyo maalka siyaasadda loo wada jeediyey qayb ka mid ah dib ha loogu soo celiyo si ay bulshada baahideeda dhabta ah uga jawaabaan.

qsuureeya@live.com