Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Oo Geedigiisii Siyaasadeed Ku Furay Xisbiga UDUB Oo Uu Ku Biirayo

12
757

 

jamaal-cali-xuseenHargeysa(Geeska)-Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, oo ah guddoomiyaha baanka caalamiga ah ee CitiBank ee xafiiska dalka Tanzania ayaa si rasmi ah u go’aansaday inuu ku biiro xisbiga mucaaradka ah ee UDUB oo ka mid ah axsaabta qaranka Somaliland.

 

Dr. Jamaal, oo ah aqoonyahan, qoraa iyo weliba abwaan, inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo uu arrintan ka soo saaray, haddana ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrikau xaqiijiyay inuu go’aankan qaatay ka dib markii uu la tashiyo badan oo bulshada dhexdeeda ah sameeyay islamarkaana ay xidhiidho iyo kulamo yeesheen Madaxweynihii hore oo ah guddoomiyaha UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin. Waxaana la filayaa inuu Jamaal dhawaan daboolka ka qaado ku biiritaankiisa xisbiga UDUB.

Jamaal Cali Xuseen, ayay dad badani aaminsanyihiin inuu cudud ku soo kordhin doono xisbiga UDUB, waana nin dhallinyaro ah oo magac ku leh bulshada dhexdeeda, isagoo si gaar ah ugu xidhan dhallinyarada oo ah awooda ugu balaadhan ee dalka. Ka sokow xidhiidhidiisa dalka, waxa uu xidhiidh la leeyahay bulshada caalamka. Waxaanu warku intaas ku darayaa in damaca Jamaal Cali Xuseen ku xidhiidhisanyahay inuu ka mid noqdo murashixiinta xisbiga UDUB ka dhex baratami doonta si uu xisbigu ugu xusho murashaxa Madaxweyne ee doorashada dambe ee madaxtooyada. Jamaal Cali Xuseen, waxa uu ka qalin jebiyay dhawr jaamacadood oo ay ka mid tahay jaamacadda Harvard University ee dalka Maraykanka oo ah jaamacada ay wax ku bartaan inta badan hoggaamiyayaasha dunidu.

Baanka CitiBank, wuxuu uga soo shaqeeyay 12 wadan oo dunida ah, waxaanu guddomiye uga noqday afar dal oo uu xafiisyo ku leeyahay, waana masuulka keliya ee darajadaas ka gaadhay CitiBank ee u dhashay guud ahaan gobalka Geeska Afrika.

Comments are closed.