Qalinkaa Wax Suureeya

10
5550

 

Axmed Cabdiraxmaan Sh. Bashiir

 

Qoraalkan taxanaha ah ee aan maanta hordhaciisa soo bandhigaayo waxaan u doortay magaciisa murtida xagga sare ku xardhan “Qalinkaa Wax Suureeya”. Hadaba inta aanan sababeyn murtidaas in aan cinwaan ka dhigto ama aanan tilmaan guud ka bixin sumadaha qoraalka waxa mudan in aan tilmaamo in mulkiilaha murtidan oo ah Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” ka codsaday inuu ii ogolaado in aan u adeegsado murtidiisaas cinwaan, iyada oo aan aasaas ka dhiganaayo qiimeynta cilmiga iyo qadarinta qofka soo saaray, waanu iga ogolaaday, aadna waan ugu mahadinayaa.

“Qalinkaa Wax Suureeya” waxa ay si tilmaaman uga dhex muuqataa maansada dhaxalgalka ah ee Abwaan Hadraawi ku sumadeeyey “Sirta Nolosha”, maansadaas oo aan u arko inay ka run sheegayso magaca iyo sumada ay huwan tahay. Sirta noloshu ma ah Dhagar, Dulmi, Cadaadis, Jahli, Cudur, … Sirta noloshu waa Nolol, Cadaalad, Xaqsoor, Aqoon, Caafimaad …, wanaagaas oo idilna waxa asal, aasaas iyo xuddun u ah Qalinka…

Qalinku waa wixii ugu horeeyey ee la abuuro, waxaana la faray inuu qoro waxa dhacaaya ilaa maalinta qiyaamaha. Arrinkan waxa uu nolosha banii-aadamka ugu fadhiyaa macne weyn, waxa inagu filan inaan is waydiino maxay tahay sababta loo doortay in qalinka laga yeelo abuurkii ugu horeeyey, sidoo kale maxay u noqotay fariintii ugu horeysay ee muslimka soo gaadhaa  mid xidhiidh quman la leh qalinka, fariintaas oo amraysay in wax la akhriyo. xikmaddu waxay ku urursantahay muhiimadda qoraalka iyo akhrintu u leeyihiin uunka, bal hadda ila dhugo oo ila fahan abuurka qalinkaas waxa xigay qoraal koobaaya waxa uunka ka dhici doona shar iyo khayrba, hadaba in kasta oo uumanuhu aanu ogeyn waxa dhici doona hadana waxa aan ka qaadan karnaa tusmadan in aan dhigan karno ku talogal qoran oo nolosheena aan ku qaabeyn karno, qalinka, qoraalka iyo akhrintuna aasaas u yihiin.

 

Qalinka – marka wanaag loo adeegsado – waxa lagu unkaa nolosha, isaga ayaa saldhig u noqda horumarka, ilbaxnimada, aqoonta, anshaxa, asluubta, awoodda ummadi leedahay. Mar walba waa difaaca aan liicin, libiqsan, maqnaan, ahna joogaha digniinta ugu horeysa bixiya. Asteynta mustaqbalka ilmaha yar qalin ayey ka bilaabantaa, socodsiinta nolol maalmeedka qofka cuudkiisu adag yahay waxa lagu maareyaa qalinka, udubdhexaadka ummadda iyo horumarkeedana waxa asal u ah qalinka; isaga ayaa keena waxyiga iyo wacyiga nolol iyo jiritaan ee ummad ku faanto. Khadkiisa  ayaa lagu jirsiiyaa dhaxal lama ilaawaan ah oo nacab ka naxo nasteexna ku farxo.

 

Ummaduhu waxay u kala horeeyaan siday u kala weyneeyaan qalinka, waxa jira ummaddo ku bixiya miisaaniyado aad u ballaadhan qalinka iyo raaciisa, arrinkaasina waxa uu si fiican uga muuqdaa noloshooda iyo kaalinta ay caalamka kaga jiraan, iyaga ayaa awood siyaasadeed, dhaqaale iyo tamarba u sita. Halka aad tilmaansan karto in kuwa kale la daalaadhacayaan degenaasho la’aan, dhaqaale xumo, tamar daro iyo cudur badnaan, dirkaas oo qalinka iyo raaciisu aanay u lahayn macno la xuso iyo muraad lagu hirto midnaba.

 

Qalinku waa difaaca koowaad ee hanka ummadda lagu ilaaliyo, waa la dhigaa dabka – dhigid xeeladeed – laakiin isaga lagama nasto lamana nasiyo, amin walba waxa loo fekeraa sidii loo wanaajin lahaa isticmaalkiisa, sare loogu qaadi lahaa tayadiisa; hal unkid iyo hal abuur labadaba.

 

Qoraalada taxanaha ah ee aan soo gudbin doonaa waxay noqon doonaan kuwo taabanaaya dhammaan qaybaha nolosha ee kala duwan, waxaan ka yeeli doonaa  kuwo la xanshashaqa hammiga, hanka iyo garaadka qofka iyo bulshadaba, badheedhaha qoraalkuna muggiisa ayuu yeelan doonaa. 

Comments are closed.