Qalabka Military Ee Ka Qayb Qaadanaya Dagaalka Suuriya Iyo Farriinta Ay Gudbinayaan Xulafada Reer Galbeedku

11
2065

Rashiid odowaa

Saqdii dhexe Sabtidii 14 April 2018 ayay ku bilaabeen maraykanka iyo Xulafadiisu gantaalaha waddanka Suuriya iyagoo beegsanaya sida ay sheegeen Xukuumadda ka talisa Suuriya oo u isticmaash  hubka kimikada ah dad shicib ah hubkan oo ay sheegeen in laga mamnuucay Adduunka in la isticmaalo tan iyo intii ka danbaysay Dagaalkii adduunka ee 1aad.

Haddaba haddii aynu yara milicsanno qalanka casriga ah ee ay isticmaalayaan maraykanka iyo Xulufadiisu waxaa ka mid

Ah Sidan;-

DIYAARADAHA DAGAALKA EE INGIRIISKA EE TORNADO

4 diyaaradood oo ah miig laba Ijiin leh oo ah nooca loo yaqaan (Tornado)ayaa hadda ka qayb ah weerarka Suuriya,waxaanay diyaaradhani sidaan ama ay ku hubaysan yihiin Gantaalaha Kuruuska(Cruise missile) gantaalahan oo ah kuwa wax bur buriya,diyaaradahani waxay toos uga soo kacayaan Saldhig Ciidamada badda ee Ingiriisku ku leeyihiin Gasiiradda Qubrus(Cyprus) waxayna beegsanayaan saldhigyada military ee Xukuumadda( Bashar Asad)ku leedahay magaalada Xumus sida uu sheegay wasiirka Difaaca Ingiriiska waxa lagu qiyaasaa 400 km culayska gantaalaha waxayna Soconayaan 250 mile masaafo ah.taas macneheedu waxa weeyaan uma baahna inay dul marto waddanka Suuriya ee waxay kaga soo gani kartaa masaafo fog.

DIYAARADAHA RAFALE EE FARANSIISKA

Madaxweynaha Faransiiska ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay Diyaaradaha (Rafale)ee uu faransiisku leeyahay oo ka qayb qaadanaya dagaalka Suuriya.

Diyaaradahan faransiisku waxay toos uga soo duulayaan saldhigyadooda ay ku leeyihiin france gudeheeda,waxay xanbaarsanyihiin Gantaalaha Kuruuska waxayna soconayaan 250 miles sidii hore si la mida uma baahna inay dul maraan waddanka suuriya ee waxay ka tooganayaan meelo fog iyagoo aan la kulmi hubka Difaaca Cirka.

US B-1B Bombers

Diyaaradahan uu maraykanku leeyahay oo mararka qaarkood Xambaara Gantaalaha Nuclearka ayaa iyaguna ka qayb ah dagaalka Suuriya.

Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay inay Diyaaradahani ka qayb qaadanayaan dagaalka Suuriya,hase ahaattee may cadday nin hubka ay diyaaradahani sidaan nooca uu yahay waxayse sheegaan in gantaalaha Kusuuka iyo Toma hawk loo isticmaalay dagaalka suuriya,gantaalahan oo socon kara masaafo gaadhaysa 230 mayl iyaguna sidii kuwii hore oo kale waxay ka tuurayaan meelo fog oo aanu gaadhayn Difaaca circa ee Suuriya.

Waxa loo malaynayaa inay Diyaaradahani ka soo kacayaan Saldhigga military ee Maraykanku ku leeyahay Qadar ee la yidhaa (Al Udeid).

MARKABKA DAGAALKA EE (ARLEIGH BURKE-CLASS

Hal markab oo dagaal oo ah nooca loo yaqaan Bur-Buriye ayaa ka qayb ah dagaalka kaas oo jooga Badda cas wuxuu markabkani xambaarsanyahay Daraasiin Gantaalaha Tomahowk loo yaqaan waxanu ka tooganayaa 2500 mile masaafo gaadhaysa.

Gantaalaha Tomahauk ayaa lagu tilmaamay qaar khatar badan,waxana la sheegay in sannad ka hor saldhig military oo Suuriya leedahay loo isticmaalay 58 xabbo waxana la sheegay inuu khasaare badan  gaystay waxa halkaas ku dhintay dhowr boqol oo askari oo ruush ah sida ay sheegeen saraakiil maraykan ahi.

MARKAB DAGAAL OO FARANSIISKU LEEYAHAY.(FRENCH FRIGATE WARSHIP)

Markabkan oo ah noca ugu casrisan ee faransiisku sameeyo ayaa hubka uu sidaa ama ridayaa uu yahay noocyo kala duwan waxana u badan gantaalaha Kuruuska.

Dagaalkani wuxuu farriin u yahay Ruushka iyo Xulafadiisa oo muuqda illaa iyo hadda inaanay wax jawaab Militry ah ka bixin.waxayna tani mar kale muujinaysaa in adduunka quwaddiisu dhinac keliya tahay(Unipolar).

CNN  Zachary cohen,Ryan browne,Zaskya vandoome,and Barbara starr ayaa soo saaray warbixintan.

Waxa tarjumay

Rashiid odowaa

khadarsalaan@gmail.com

063-4101213

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here