Qaar Ka Mid Ah Sababaha Keena In Dumarku Ay Ka Cimri Dheeraadaan Ragga

33
3154

Washington (Geeska)- Elinor Roosevelt oo ah xaaska Toreador Roosevelt oo hore madaxweyne uga noqday maraykanka ayaa sheegtay in gabadhu ay la mid tahay kiishka caleenta shaaha ah, oo aan la garan adkaysigeeda illaa biyo karaya lagu dhex rido, gabadhana aan la garan illaa mawqif adagi soo waajaho.

Waxaa haddaba imika soo baxaysay in hadalkaas marrow Elinor uu waafaqay cilmibaadhis cusub oo tilmaamtay in gabadhu ay ninka uga adkaysi badan tahay duruufaha adag iyo masiibooyinka nolosha khatarta ku ah.

Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Southern Denmark oo baadhis ku sameeyey diiwaanno taariikhi ah oo laga sameeyey heerka celceliska dhimasho ee raggii iyo dumarkii noolaa taariikho hore oo ay dunida ka dillaaceen cudurro dilaa iyo macaluul dad badani gaajo u dhinteen iyo sida oo kale dhimashadii ka dhalatay xaaladihii silica ahaa ee lagu hayey dadkii addoonta ahaa ee suuqyada lagu kala iibsan jiray.

Waxaa cilmibaadhayaasha u soo baxday in dumarku ay xaaladahan oo dhan uga adkaysi badnaayeen ragga, oo xitaa marka duruufaha dhibaatada ah ee ay marayaan ay isku mid yihiin, haddana ay gabadhu mar kasta uga adkaysi badan tahay. Waxa aynu tusaale u soo qaadan karnaa dhacdadii taariikhiga ahayd ee lagu magacaabo, ‘Macaluushii baradhada’ taas oo intii u dhexeysay 1845 kii illaa 1849 kii, baabi’isay dalka Ireland, ayaa sababtay in celceliska noloshii ragga iyo dumarka oo xaaladdan ka hor ahaan jiray 38 sano uu si aad ah isu beddelay oo cimrigii raggu ku soo ururay 18 sano, halka dumarkiina noqday 22 sano iyo badh. Waxa ay tan oo kale dhacday macaluushii dhacday 1772 – 1773 kii ee dalka Sweden, iyo beero bi’ii ka dhacay dalka Ukraine sannadkii 1933 kii. Qarnigii 19-naadna markii uu dalka Iceland laba jeer oo kala duwan ka dillaacay cudurka jadeecadu waxaa si weyn u muuqatay in celceliska cimrigii dumarkuu uu ka ragga ka badnaaday ugu yaraan laba sano.

Marka keliya ee taariikhdu xustay in dumarku ka cimri gaabteen ragga ayaa ah xilligii ka ganacsiga addoonta, taas oo ay cilmibaadhayaasha taariikhdu sheegeen in sababtu ay tahay daryeel dheeraad ah oo la siin jiray addoonta ragga ah, maadaama oo lacagta lagu iibsanayaa aad uga badnayd ta addoonta dumarka ah la siisanayey.

Dhinaca sayniska marka la eego waxaa la aaminsan yahay in dumarku ay ragga abuur ahaantooda uga adkaysi badan yihiin, sababtuna ay tahay kala duwanaanshiyaha hormoonnada labada jinsi. Waxa aynu si gaar ah u xusi karnaa:

Habdhiska difaaca jidhka

Culimada Tadawurku waxa ay aaminsan yihiin in gabadhu ay leedahay habdhis difaac oo xooggan, waayo si ka duwan ragga, gabadhu waxa ay u baahan tahay ugu yaraan marka ay ilmaha siddo in ay noolaato, isla markaana ilmuhu ku noolaado, si taasi u dhacdana waxa uu Alle (SWT) u abuuray awood dabiici ah oo ay muddadaas ku sii noolaato, halka doorka ninku ku leeyahay taranku uu yahay mid ku meelgaadh ah oo waqti gaaban lagaga gudbayo.

Laba Koromosoomisyada jinsiga ah ayaa uu qofku ku leeyahay unug kasta. Dumarka labadooda Koromosoomis waa X, halka raggu ay leeyihiin mid X ah iyo mid Y ah, sidaa awgeed ninku ma’ laha xoojin la mid ah taas ay gabadhu haysato.

Robin Dunbar oo ah bare-sare oo ku xeeldheer cilminafsiga tadawurka kana tirsan jaamacadda Oxford ayaa aaminsan in sababo ay ka mid tahay kala duwanaanshiyahaas Koromosoomiska labada jinsi ay keentay in ninku mar kasta ka nuglaado gabadha, si sahal ahna isugu dhiibo xaaladaha adag. Robin Dunbar oo arrintan sii iftiiminaya ayaa tusaale u soo qaatay qiso dhaqameed Maraykanka ka jirta oo sheegta in, beri taariikhihii fogaa ee Maraykanka ka mid ah, uu tareen dad Maraykan ah siday ka lumay jidkiisii, kadibna tegey buuraleyda khatarta ah ee Rocky iyada oo weliba xilligu yahay jiilaalka barafku dhulkaas fadhiisto.

Dhammaan dhalinyaradii ragga ahayd sida duqsiga ayaa ay u dhammaadeen, kadib markii ay u adkaysan kari waayeen barafkii iyo duruufihii adkaa, laakiin dumarkii oo weliba ku gaboobay ay ku jiraan ay la qabsadeen duruufahan una adkaysteen xaaladdii oo ay ku jireen illaa jilaalkii dhammaaday oo gu’gii dambe la badbaadiyey.

Sababaha kale ee dumarku ragga uga cimri dheer yihiin ayaa lagu sheegay kala duwanaanta dhaqan iyo bulsho ee ragga iyo dumarka, iyada oo la ogyahay in raggu ay ku badan yihiin ficillada iyo hab nololeedka khatarta badani ku xeeran tahay.

Waxa iyaduna jirta in raggu ay ku badan yihiin isticmaalka buuriga, maandooriyaha iyo waxyaabaha maskaxda beddela, sida oo kalana ay baabuurta u wadaan si ka taxaddar yar dumarka, taasina badiso shilalka raggu ku dhintaan.

Waxa kale oo kala duwanaanta keentay ragga oo inta badan ka cunto badan dumarka, taasina ay keento in dumarka uga bataan khataraha caafimaad ee ay ka mid yihiin wadne xanuunka, kansarka sambabada ku dhaca, beerka oo hawlgaba, iyo shilalka dhimashada keena.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here