Qaabka Gadhka Iyo Timaha Uu U Xiirto Iyo Labbiskiisa Ayaa Ay Gabadhu Ka Garan Kartaa Shakhsiyadda Ninka

0
1018

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad uguna dambaysya qormadii uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey qaar ka mid ah fahamka ay dumarku ka qaataan shakhsiyadda ragga leh calaamadaha iyo tilmaamaha hoos ku qoran. Qormadan qaybteedii hore waxa ay ku soo baxday dhinaca, halka ay sheekadu ku qoran tahay:

3. Labbiska iyo shakhsiyadda Ninka:

Khubaro looga dambeeyo cilmi nafsiga oo muddo arrimahan daraasaynayey ayaa xaqiijiyey in muuqaalka shakhsiga ah ee qofku ay astaan iyo tilmaam u tahay illaa heerka uu qaddarinayo ama naftiisa iyo waxa ay dadku ka aaminayaan marka ay arkaan. Muuqaalka guud ee qofka, haddii ay tahay shaqada dhexdeeda, haddii ay tahay munaasabadaha rasmiga ah iyo xitaa muuqaalkiisa munaasabadaha iyo kulmada bulshada dhexdooda.

Waxa ay khubaradu sheegeen in muuqaalka duleed ee qofku uu ka turjumayo shakhsiyaddiisa, sidoo kale doorashadiisa dharka iyo daryeelka lebiskiisuna ay caddayn u tahay hadba inta uu le'eg yahay ixtiraamka uu isagu dadka kale u hayo, waxa si gaar ah ay tani macno ugu samaysaa dumarka oo abuur ahaan leh shucuur ay markaba ku dareemi karto shakhsiyaddiisa, fahamna ka qaadan karto hub-qaadkiisa oo keliya, tusaale ahaan:

– Ninka inta badan isku mashquuliya dharka uu xidhanayo iyo qaabka uu u xidhanayo ee si dheeraad ah u daneeya labbiska ama xarragada badani, waa nin dabeecadihiisa ay ka mid tahay in uu jecel yahay yeelashada iyo maamulista arrimaha, waxa ku jirta keli talisnimo iyo maamul jacayl, waxaana ka maqan kartida wax curineed iyo aragtida guusha iyo midho dhalka keenta.

– Ninka jecel in uu xidho dharka Jiinis-ka (Shangayga) ah, dharka Isboortiska ah iyo/ama dharka ay ku badan yihiin nashqadaha iyo midabbadu waxa uu caan ku yahay is-muujin jacaylka iyo kibir, waxa uu jecel yahay in uu masraxa ka muuqdo mar walba, laakiin ceebtiisu waa in uu yahay qof aan awood u lahayn in uu waqtigiisa firaaqada ka faa'idaysto.

– Ninka jecel in uu ku lebisto dhar aan ku munaasib ahayn da'diisa ama heerka uu kaga jiro bulshadu waa qof khayaaligu ku badan yahay inta badanna waqti ku lumiya ku dhegista wax la soo dhaafay, balse aan fiiro u yeelan mustaqbalka.

– Ninka xidha dhar aan la socon hadba lebiska iyo dharka casrigaa taagani waa nin khajilaad badan, ma jecla saaxiibbada badan, laakiin waa nin dhawrsoon aad u dabeecad wacan, qoyskiisana ugu xidhan si xadh dhaaf ah.

– Ninka xiiseeya dharka hiddaha iyo dhaqanka ah ama bulshadu u aragto in uu aragto in ay sharaf gaar ah iyo maamuus leeyihiin sida, marka Soomaalida laga hadlayo, go'a shaalka ah, macawuusaha, khamiisyada iwm. Ama/iyo midabbada hurda, laakiin haddana aan la socda hadba lebiska iyo qaabka lebis ee casirga ahi, waa nin isu dheelli tiran, nin dabacsan, oo si Fudud Loola Macaamilo Karo, Waa Nin Waqtigiisa Inta Badan Siiya Shaqadiisa. Dhammaad