Qaabka Ay Yuhuuddu U Aasto Maytideeda: Dadka Diimaha Kale Haysta Looma Ogola In Ay Arkaan Maydka, Qabriga Waa In Laga Fogeeyo Arwaaxda Shar-Wadayaasha

0
673

Tel Aviv (Geeska)- Dr. Maxamuud Jaabir oo ka tirsan kuliyadda dhaqanka iyo suugaanta ee Jaamacadda Qanaa, ee dalka Masar, gaar ahaan qayba afka Yuhuudda ayaa war uu dhowaan siiyey wargeyska Al-Ahraam ee dalka Masar ka soo baxa oo uu Geeska Afrika turjumay waxa uu kaga sheekeeyey qaabka ay Yuhuuddu u aasto maytida in marka naxashka maydku saaran yahay marka la keeno qabriga inta aan la aasin, inta xabaasha la ag dhigo ayaa naxashka laga durkayaa qiyaas afar dhudhun ah, iyaga oo aaminsan in taasi ay ka ilaalinayso maydka arwaax sharwadayaal ah oo doonaysa in ay maydka u sii raacdo qabriga iyada oo dadkan ku dhex dhuumanayso.

Dr. Maxamuud oo ku xeeldheer afka iyo dhaqanka Yuhuuddu waxa uu sheegay in marka naxashka la keeno qabriga, la dhigo meel ku dhow xabaasha afkeeda, kadibna caloosha maydka la saaro toddoba wasladood oo ah macdanta Silver ama Cooper, haddii kale macdan uun kale, kadib toban nin oo ka socota mad-habta Xafraa Qadiishiyaa oo ah kuwa u xil saaran qaadista naxashka ayaa qaab giraan ah ugu soo wareegaya toddoba jeer. Qaadiishiyaa waa kelmad asal ahaan ka soo jeedda luuqaddii Aramaic oo macnaheedu yahay Salaadda Muqaddaska ah, taas oo ah salaad la akhriyayo wax lagu tilmaamay Adkaar oo ku qoran afka Aramaic oo ah luuqaddii hore ee Semitic ahna halka ay asal ahaan ka soo jeedaan luuqadaha Carabiga iyo Hebrew ga ay Yuhuuddu ku hadasho. Kadib maydka ayaa la qaboojiayaa.

Dr. Maxamuud waxa uu sheegay in muddooyinkan dambe ee macdanuhu qaaliga ku noqdeen dunida, helitaankooduna adkaaday ay bilaabeen dadka Yuhuuddu in ay maydka saaraan toddoba dhagax oo yaryar oo beddela kuwii macdanta ahaa ee hore ay u saari jireen. Waxa uu sheegay in haddii maydku uu yahay gabadh ama ilmo ka yar Saddex iyo Toban jir oo ah da’da ay Yuhuuddu aaminsan tahay in lagu qaangaadho in ay mamnuuc noqonayso in qaabkan aynu soo sheegnay maydka loogu wareego, haddii ay habeen tahay, niskiisa hore iyo gelinka dambe ee habeenkii labadaba.

Marka maydka toddobadaa jeer lagu wareego, ka ugu da’da weyn kooxda Qaadishiyaa, ayaa qof u soo xulaya in dhigista maydka ee qabriga, oo iyaduna leh dhaqan iyo hab-raac loo maro oo u gaar ah.

Marka koowaadba qabrigu waa in uu hoos u qodnaadaa ugu yaraan 1.30 illaa 1.70 Mitir, gudihiisuna waa in uu u qodmo qaab u dhisan sida taandhada ama aynu nidhaahno qaansada. Maydka lugaha ayaa loo hor gelinayaa  xabaasha, maydka qabriga marka la dhigayo, dhabarka ayaa loo jiifinayaa, oo wejigiisa kor ayaa loo soo jeedinayaa, iyada oo luguhuna u jeedaan dhinaca Masaajidka barakaysan ee Baytal-Muqaddas. Waaxa aanay Yuhuuddu aaminsan yihiin in ay tani ay caddayn u tahay in aadamaha marka maalinta qiyaamaha dib loo soo noolaynayo uu toos uun inta uu uga soo kaco jiifka uu dhabarka u jiifay, uu istaagayo isaga oo dabcan u jeeda dhinaca Masaajidka Baytal-Muqaddas maadaama oo marka hore uu qaabkaas u sii yaallay, kadibna toos uun uu dhankaas ugu dhaqaaqayo.

Maydka waxaa loo barkiyaa dhagax, waxa aanay aaminsan yihiin in ciddii diinta Yuhuudda haysata ee ku dhimata meel ka baxsan dhulka Falastiin iyo Israa’iil ee loo heli karo ciid laga soo qaaday dhulkan aynu sheegnay oo ay u yaqaannaan in uu dhammaantii barakaysan yahay, in ciiddaas yar lagu shubo dhulka qabriga inta aan la jiifin, marka la jiifiyana in yar oo kale dusha lagaga shubo. Waxa ay Yuhuuddu aaminsan tahay in ciiddan oo qofka diinta Yuhuudda aaminsan qabriga la gashaa ay sabab u noqonayso in qofkaas laga dhaafo dembiyadii uu galay intii uu noolaa, iyo in ay sidoo kale maydka iyo dhammaan xubnihiisaba u noqonayso barako iyo daahirnimo.

Maydku sida Musliminta ayaa uu kafan ku duuban yahay, isaga oo aan isu jabsanayn, saddexda guntimood ee kaga xidhan labada daraf iyo dhexda ayaana la furayaa marka qabriga la jiifiyo, kadibna ciidda ayaa lagu rogayaa.

Marka maydka ciidda lagu rogayo cidna looma diidi karo in ay ka qayb qaadato, waxa se’ diin ahaan mamnuuc ah in qalabka ciidda loo isticmaalayo sida madaraqa iyo majarafadda la kala qaato, sida dhaqan ahaan Soomaalidu yeesho in hadba qofka majarafadda haya qof kale kala wareego. Iyagu waxa ay aaminsan yihiin in qofku marka uu daalo ama damco in uu majarafadda ku wareejiyo qof kale ay tahay in uu marka hore dhulka dhigo, kadibna qofkaas uu isagu dhulka ka qaato. Lamana ogola in gacmaha toos loogula kala wareego.

Dr. Maxamuud Jaabir waxa uu sheegay in Shareecada Yuhuudiyadu dhigayso in maydka marka la aasayo ay qasab tahay in qayb uun jidhkiisa kam id ahi ay ciidda taabato, maadaama oo kitaabka Tawraat ay ku jirto aayad sheegaysa, “Ciid ayaa aad ka timid, iyada ayaana aad ku noqon doontaa” Maydka waa in cidda aasaysaa ay noqoto cid aaminsan diinta Yuhuudda, qof diin kale haystana looma ogola in uu ka qaybgalo aaska, sidoo kale shareecada Yuhuudiyadu waxa ay aad u adkaysay in dadka aan Yuhuudda ahayn laga ilaaliyo in ay eegaan wejiga maydka, iyo marka maydka la dhigo qabriga in ay arkaan xitaa haddii markan uu wejigiisu dadan yahay.

Dadka aaminsan mad-habta Al-Xafraa Qaadishiyaa oo ah jimciyadda inta badan loo diro maydhista iyo kafanta maydka, haddii ay damcaan in dad aan Yuhuud ahayn ay u adeegsadaan soo ururinta dhagaxa lagu dul ururinayo qabriga, sida marar badan dhacda, gaar ahaan marka la joogo meel aanay dad badan oo Yuhuud ahi joogin, waxaa qasab ah in dadkaas marka hore meel durugsan laga istaajiyo qabriga si aanay u eegin gudaha qabriga, marka ciidda lagu wada rogo xabaasha ayuun baana loo ogolaanayaa in ay soo dhowaadaan oo ay dhagxaanta saaraan.