Hargeysa (Geeska)- Shaki kuma jiro in hurdo la’aantu ay si weyn u dhaawacdo caafimaadka jidheed iyo nafsadeed ee qofka, isla markaana khalkhal geliso hab-nololeed aadamaha. Iyada oo ay sidaas tahay, ayaa shaqooyinka ay la timid nolosha casriga ah ee dunida maanty ay qasab ka dhigayaan in qofku aanu habeenkii seexan ama saacado yar uun seexdo.
Cilmibaadhis ay saynisyahanno u dhashay dalka Norway oo ku xeeldheer cilmiga neerfuhu ka diyaariyeen dhibaatada caafimaad ee soo jeedka habeennimo waxa ay ku ku sheegeen in ay dhaawac khatar badan ku keento caafimaadka maskaxda. Tijaabooyinkii ay cilmibaadhayaashani sameeyeen ayaa muujiyey in dadka soo jeedka habeennimo ku badan yahay ay jidhkiisa ku ururaan biyo aad u badan oo jidhka oo dhan ku faafa, taasina ay dhaawac ku keento caafimaadka habdhiska neerfaha.
Maskaxda
Warbixintan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Alcarabiya ayaa ay saynisyahannadu ku sheegeen in hal habeen oo qofku uu soo wada jeedaa ay isbedello waaweyn ku keento maadadda loo yaqaanno maatarka cad (White matter) oo ah xudunta habdhiska neerfeyaasha.
Saynisyahannadu waxa ay sheegeen in ay baadhistoodan ku gaadheen natiijo ah in hurdo la’aantu ay sababto hoos u dhac kedis ah oo ku yimaadda habsami u shaqaynta shabakadaha warisgaadhsiineed ee maskaxda gudaheeda. Calaamadaha u horreeya ee uu qofku ku garan karo in dhibtani jirtana waxaa ka mid ah isaga oo awoodi kari waaya in maskaxdu afkaarta soo ururiso ama u fiirsiga oo ka luma. Xeeldheerayaashu waxa ay sheegeen in isbedellada taban ee hurdo la’aantu ku keento maskaxdu ay yihiin kuwo maskaxda qaybaheeda kala duwan oo dhan laga dareemo.
Si kataba ha ahaato ee cilmibaadhistan iyo warbixinta laga sameeyey midna ma’ uu sheegin muddada uu dhaawacaas hurdo la’aanta ka dhashay sii jirayo, in kasta oo mid ka mid ah raggii ka qaybgalay diyaarinta warbixintu uu ku dooday in maalin uu qofku si fiican u seexdo ama dhowr maamlood oo uu seexdaa ay ku filan tahay in ay maskaxdu ka soo kabato dhibaatadii hurdo la’aantu gaadhsiisay.