Garowe(Geeska)-Askari ka tirsan maleeshiyaadka maamul goboleedka Puntland ayaa Jimcihii toogasho ku dilay sarkaal ka tirsan shirkadda Saracen International oo ah shirkad laga leeyahay dalka Koonfur Afrika oo tababar u waday maleeshiyaad ay Puntland ugu talo gashay inay la dagaalamaan budhcad badeeda.
Ninkaas u dhashay dalka Koonfur Afrika oo lagu magacaabi jiray Lodewyk Pitersen, da’diisana lagu sheegay 55 jir, ayaa waxa lagu dilay degmada isku shuban oo magaalada Bosaso u jirta qiyaastii 160km, waxaana dilay mid ka mid ah askartii uu tababarka siinayay oo la sheegay inuu muran dhex maray, waxaana maydka ninkaas loo duuliyay dalka Jamhuuriyadda Djibouti.
Dawladda Koonfur Afrika, kama bixin dilka ninkan wax war ah, laakiin maamulka Puntland ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray wuxuu ku sheegay inuu ka tiiraanyoonayo dilka ninkaas, oo ay sheegeen in baadhitaan xoogan lagu hayo.
Shirkada Saracen International oo ah shirkad calooshood u shaqaystayaal, ayaa waxa ay jebisay cunaqabtaynta hubka Somaliya ka dib markii ay saanad milatari gaadhsiiyeen maamulka Puntland. Dawladda Somaliland ayaa sannad ka hor madaarka Hargeysa ku qabatay diyaarad ay iska leedahay shirkadaasi oo Puntland u sii siday saanad milatari, waxaana saanadaas lagu wareejiyay kooxda la socodka cunaqabataynta Somaliya. Waxaana la filayaa inay shirkadda Saracen si rasmi ah uga baxdo dhulkaas Puntland.