Puntland Oo Jid-gooyo U Samaysay Wefti Somaliland Ka Socday Oo Ku Sii Jeeday Taleex Iyo Wasiir Xabsade Oo U Hanjabay Maamulka Garowe

0
720

 

maxaabiisHargeysa(Geeska)-Maleeshiyaad ka tirsan maamul goboleedka Puntland ayaa hiirtii waaberi ee shalay weerar qorshaysan oo jidgooyo ah ku qaaday wefti ka socday Somaliland oo uu horkacayay Xildhibaan Saleban Cali Koore, kuwaas oo ku sii jeeday degmada Taleex ee gobalka Sool, iyagoo xilligaas marayay meel u dhaxaysa Lascanod iyo Taleex.

Weftigaas oo ay ka mid ahaayeenTaliyah aaga Sool ee  ciidanka qaranka, Gudoomiyah Maxakamda ee Gobalka Sool, Xeer ilaaliyaha Gobalka Sool Gudoomiyaha Waxbarashda gobolka Sool iyo dad kale oo la socday, waxa ay maleeshiyaadka Puntland u dhaadhiciyeen xabsi ku yaala magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaana weerarkaas jidgooyada ah ku geeriyooday Alle haw naxariste guddoomiyihii waxbarashada ee degmada Taleex  Maxamed Xasan Daahir  oo shalay lagu aasay magaalada Garowe. Waxa ay dhaawacyo kala duwani soo gaadheen qaar ka tirsanaa weftigaas oo ay ka mdi ahaayeen sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada qaranka kana mid ahaa weftiga una dhashay degmada Taleex Mr. Jamaal Maxamed Ciise, Xeer ilaaliyaha gobalka Sool Mr. Siciid Cabdi Shire. Xubnihii kale ee weftiga iyo darawaliintii la socotay ayaa dhammaantood ku jira xabsi ku yaala Garowe, iyadoo baabuurtii ay weftigu wateena lagu xareeyay xabsigaas. Waxase isagu jidgooyadaas ka badbaaday hoggaamiyihii weftiga Xildhibaan Saleban Cali Koore oo sida la sheegay hadda ku sugan degmada Taleex. Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u qirtay inay iyagu sameeyeen falkaas jidgooyada ah iyagoo saxaafadda kula hadlay gudaha xabsiga ay weftiga Somaliland ku jireen kuwaas oo ay iyagana saxaafadda u soo bandhigeen.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade, oo ku sugan Lascanod oo uu Wargeyska Geeska Afrika xalay la xidhiidhay ayaa ku hanjabay inay Somaliland qaadi doonto talaabo adag haddii aanu maamulka Puntland soo dayn xubnaha weftiga ee ay qafaasheen. “Dhawr iyo toban qof ayay afduubeen oo ku socday degmadooda, jidgooyaana loo sameeyay dawlad jidgooyo samaysana maanan arag maanta ka horow, dadkaasna maamul gobaleedka Puntland isagaa haya, qaar kamida dadkaana baabuurkii ay wateen intay ka qaadeen ayay haddana ku qalibeen oo nina ku dhintay qaarna dhaawac ku yihiin, dadka la dhaawacayna waxay isugu jiraan kuwo la toogtay iyo kuwo gaadhiga ku dhaawacmayba.” Ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Waxaanu isagoo la hadlaya maamulka Puntland uu  yidhi, “Waxaan leenahay dadkaasu muu ahayn dad dhibaato wada waxay ahaayeen dad magaaladoodii ku socda, dadkuna waa ay is dhex maraan nabad galyadana waa laga wada shaqeeyaa, argagixisadana waa laga wada shaqeeyaa, xidhiidhbaanu ka lahayn dhinacaa. Dee way ku xadgudbeen xidhiidhkii iyo nabadgalyadiina iyagaa jabiyay. Waxaanan leenahay hadaydaan soo dayn anaguna talaabadaas mid ka adag ayaanu qaadaynaa.”

Xildhibaan Saleban Cali Koore, ayaa isna sheegay inay jidgooyadaas sameeyeen maamulka Puntland, isagoo xusay in qorshaha ay maleegeen dad ku sugnaa Lascanod kuwaas oo qaar ka mid ah xabsiga loo taxaabay.