Badhasabka Saaxil Oo Xidhay Injiner Loo Xilsaaray Dhismaha Madasha Shirka Ciise Muuse

0
639

 

EngBerbera (Geeska) Gudoomiyaha gobolka Saaxil ayaa xabsiga u taxaabay nin xoog maal ah, oo ka mida bulshada reer Saaxil, kaas oo uu magaciisu yahay Eng. Maxamed Haybe Nuux.

 Eng Maxamed Haybe Nuux oo Geeska Afrikala hadlaayey ayaa sheegay  in xadhigiisu la xidhiidho shir ay Beesha Ciise Muuse dhawaan qabsanayso kaas oo isaga loogu xilsaaray inuu qiimayn ku soo sameeyo adeegyada dhisme ee loo baahanyahay.

Eng Maxamed Haybe Nuux waxaanu waydiinay sababta loo soo xidhay iyo falka lala xidhidhinaayo xadhigiisa, waxa uu yidhi “Baryahanba ninka badhasaabka ah ee Raxmaax la yidhaahdo ayaa lahaa  ninkaas soo xidha, runtii nin iska xamaasha ayaan ahay oo danihiisa raacda. Markaa qolyo Ciisa Muuse ah oo lahaa baryahan waxaanu wadnaa shir danaha reerka uun ah ayaa jirtay. Guddi ayaa soo martay Sheekh, guddigaas waanu is aragnay oo meel lagu shiraayey ayey hawl yar iiga direen oo ay igu yidhaahdeen qiimayn soo samee musqulo iyo wax la mida, waana meesha lagu shiraayo oo Dubur ah. Dabadeed xubnihii dawlada kaga jiray Ciisa Muusaha ee ugu waawaynaa sida wasiirka qorshaynta, la taliyaha xaga nabad galyada u qaabilsan madaxweynaha iyo mid kale oo xildhibaan ahaan jiray, saddexdaasba odayaashu shirku way ku dareen oo xataa waxaa la tusay in aanay waxani ahayn wax dawlada lagaga soo hor jeedo haba yaraatee oo ay ka soo qayb gali karaan. Markaa waa la isla qaatay oo dhamaan beesha oo dhami way isla qaadatay inay danahooda ka wada hadlaan. Markaa walina wax hawl ah oo aan meeshaas ka qabtay ma jirto. Waxaanan ku xidhanahay hadda saldhiga dhexe ee Berbera, wax naloo haystaa oo OB-ga ku qoranina ma jiro.” Wuxuu sheegay in laga soo xidhay magaalada Sheekh gelinkii dambe ee khamiistii.