Puntland Iyo Kooxa Khaatumo Oo Isku Luuqad Ku Naqdiyay Natiijada Shirkii London

0
641

Hargeysa(Geeska)-Maamul goboleedka Puntland iyo kooxda Khaatumo ayaa isku luuqad markii u horaysay ku cambaareeyay natiijada ka soo baxday shirkii Somaliland iyo Somaliya ay ku yeesheen magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa sheegay inaanay Puntland u hoggaansami doonin natiijo kasta oo ka soo baxday shirkaas, isagoo sheegay inaan wax wada tashi ah lagala yeelan maamulkiisa. Mr. Faroole, ayaa ka hor furitaankii shirka wuxuu qoraal u diray dawladda Ingiriiska, kaas oo uu ku sheegayay inay dawladda Sheekh Shariif si cad uga reebtay wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya, waxaanu sheegay inay Puntland arrintaas u aragto wax uu ugu yeedhay majaro habaabinta wada hadalada Somaliland iyo Somalya.

Maamulka Khaatumo, oo markii hore u sacabo tumayay wada hadalada islamarkaana ku faanayay inuu wada hadalka ugu jiro wasiirka dawladda Sheekh Sharif u qaabilsan waxbarashada, ayaa iyaguna si weyn u cambaareeyay natiijada wada hadaladaas, oo ay ku sheegeen inay qodobadiisu yihiin kuwo aan la aqbali Karin.

Cambaaraynta Puntland iyo Kooxda Khaatumo ayaa waxay ka turjumayaan sida ay uga walaacsanyihiin wada hadalada labada dal.