Dawladda Deegaanka Somalida Itoobiya Oo Shalay Sii Daysay 43 Maxbuus Oo Sagaal Bilood Xidhnaa

0
497

Jigjiga(Geeska)-Dawladda Deegaanka Somalida Itoobiya ayaa shalay sii daysay 43 maxbuus oo u dhashay deegaankaas, kuwaas oo muddo sagaal bilood ah ku xidhnaa magaalada Jigjiga, ka dib markii ay maxkamadi ku riday xukuno culus. Raggan ayaa laga qaqabtay deegaanka Laanqayrta ee deegaanka Somalida Itoobiya, ka dib markii uu dagaal dhex maray Beelo ka soo kala jeeda Beelaha Arab (Isaaq) iyo Ogaadeen oo dhulkaas wada dega.

Madaxweynaha Maamulka Somalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa shalay cafis ku sii daayay maxaabiistaas, ka dib markii lagu guulaystay dedaal ay wadeen odayaal ka soo jeeda labada beelood oo ka dhex dhaliyay heshiis iyo isfaham. Labada beelood ayaa muddo 8 bilood ku siman waxa wada hadalo aakhirkii lagu heshiiyay ka dhex waday odayaal ka soo jeeda labada beelood oo ku sugan magaalada Jigjiga. Qaar ka mid ah odayaashaas oo uu Wargeyska Geeska Afrika la xidhiidhay ayaa u mahadceliyay madaxweynaha maamulka Somalida Itoobiya, oo ay sheegeen inuu aqbalay codsigii ay ula tageen.

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, oo isagoo Hargeysa ku sugan xalay la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha maamulka Somalida Itoobiya iyo odayaasha labada beelood, “Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo odayaasha labada beelood oo muddo dheer ku hawlanaa sii daynta raggan iyo heshiisiinta labada beelood ee walaalaha ah.” Ayuu yidhi Suldaan Cumar, “Waxaanan rajaynayaa in inta dhimana la dhameeyo. Dadka kale ee iska soo dhex galay ee guusha sheeganayana waxaan leeyahay raali ahaada.”

Dadkan la sii daayay oo deegaan ahaan u dhashay Is maamulka Somalida Itoobiya, ayaa waxa ay dawladda deegaanka Somalida Itoobiya ku eedaysay inay yihiin dad ka soo talaabay wadanka Somaliland.