Ooto Biixi Oo Lagu Xidhay Magaalada Berbera

0
638

Berbera(Geeska)-Maxamed Axmed Caalin (Ooto Biixi), ayaa shalay lagu xidhay magaalada Berbera, isagoo ka soo noqday safar uu ku tagay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya.

Ooto, oo isagoo ku jira xabsiga Berbera shalay la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika,wuxuu sheegay inay ciidamada ammaanku qabteen markii uu ka soo degay madaarka Berbera. Mr. Ooto, oo ka mid ahaa mujaahidiintii SNM ee dalka u soo halgantay, wuxuu sheegay inuu magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya u tagay hawlo u gaar ah balse aanu u tagin arrimo siyaasadeed oo ka dhan ah qaranimada Somaliland.

Tan iyo markii ay dawladda Somaliland wada hadalka rasmiga ah la bilowday dawladda Somaliya, islamarkaana ay Baarlamaanku wax ka bedeleen sharcigii ay hore dawladda Somaliland uga soo saartay la macaamilka Somaliya, waxa muqdisho si xidhiidh ah ugu safra dad badan oo reer Somaliland ah, waxaana la ogyahay inay sannadkan magaalada Hargeysa yimaadeen laba xildhibaan oo ka tirsanaa Baarlamaankii hore ee Somaliya una dhashay magaalada Muqdisho kuwaas oo markii ay dhamaysteen hawlihii ay u socdeen dib ugu laabtay magaalada Muqdisho oo ay ka yimaadeen.