Wiilkii Saddexad Oo Xalay U Geeriyooday Dhaawicii Ka Soo Gaadhay Rabshadihii Hargeysa

1
564

Picture1Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa xalay geeriyooday Cabdiwaaberi Baashe Cabdi, oo ka mid ahaa dhallinyaradii ku dhaawacantay rasaastii ay ciidamada Boolisku ku ridayeen dadkii ka mudaharaadayay natiijadii doorashada Hargeysa habeenimadii khamiistii iyo Jimcihii, waxaanay tirada dadka ilaa hadda geeriyooday noqonayaan saddex ruux.

Alle haw naxariistee wiilkan yar oo uu soo gaadhay dhaawac culusi, ka dib markii ay xabadi ka googoysay beerka iyo xiidmaha, waxa geeridiisa ka hor lagu sameeyay qaliin culus oo qaatay dhawr saacadood, laakiin xalay ayuu ku geeriyooday cisbitaalka guud ee Hargeysa.

Haddaba, ka hor intii aanu geeriyoon waxa cisbitaalka ku booqday weriye ka tirsan Geeska Afrika, oo la kulmay Xasan Cabdi Qaasaali oo adeer u ah. Isagoo Xasan ka hor geerida wiilka ka waramaya sida ay wax ugu dhaceen marxuumka, wuxuu yidhi  “Haddii aan kaaga waramo ilmaha xaaladiisa inanka waxay xabadu kaga dhacday caloosha waxay  xabadu wax yeeshay qaybta caloosha, beerka, iyo mindhicirka yar iyo mindhicirka weyn, runtii dhakhtarada wakhti baddan ayay ku qaadatay, qalitaanka waxay ku bilaabeen markii aan meesha keenay kawdii maalin nimo waxaana ay ka baxeen sagaalkii habeenimo habeen hore, waxay kale oo ay hawshaasi keentay in beerkii badh la jaro in xiidmaha yar-yar iyo xiidmaha weyn badh la jaro, in caloosha lafteedi badh la jaro waad arkaysaa waxaa looga sameeyay meel uu ka saxaroodo dhinaca, ilmahaad da’diisu waa 15-jir runtii .”

Wuxuu Xasan, intaas ku daray “Xilkasnimo daro ayaa meeshaas ka dhacday niman Boolis ahoo oo aan waxba u aabo yeelayn ayaa helay, tan labaad waxa weeyaan oo aan dadka u sheegaya ninkan kan iyo qaar kaleba toogtay waanu haynaa raad wanaagsan laakiin waxaan uga hor dhici waayey waxa weeyaan maadaama aan odoyaashii magaalada ka mid ahay oo ay waajib tahay inaan anigu nabadgalyadii aan ilaaliyo oo aan qaybtayda ka qaato oo inaanay wixii u bedelin wax aargoosi ah ama tilmaan gaar ahoo aan xaalada ku daayo ciidanka Booliska.”

Ugu dambayn, wuxuu yidhi  “Wasiirka Arimaha Gudaha iyo ciday khusayso inaan arinta u daayo oo ay arintaasi ay wax ka qabtaan, taas oo aanan anagu u gacan waydaaran xaaladuna waa taa, nabad galyadana waanu jecel nahay inay inoo soo noqoto waxa qudha ee aynu ku faanayno ee aynu haysano waa nabad galyada waanu u damqanaynaa laakiin markay sidaasi oo kale ay wax udhacaan waxaa waajiba in caruurta iyo haweenkaba in gacan naxariiseed lagu dayo, oo aan sidii cadawga oo kale aan loola dhaqmin.”

Comments are closed.