Odayaasha Xamar ka yimi, iyo Xaqiiqada maanta jirta! By Adam Muse Jibril

0
603

''Runtu adiga kuguma noola ee adigaa ku nool, haddii aad garanweydana jiritaankaagaa mugdi ku jira''. Waqti kasta oo lo joogaba waxaa jirta xaqiiqo cusub. Taas oo ka samaysantay dhacdooyin isbiirsaday. Dadka Somaalida oo maanta ka kala tirsan dalal iyo beelo ku kala duwan degaanka, nidaamka siyaasadeed iyo heerarka dhaqaalahu waa xaqiiqo jirta, oo aan la dafiri karayn.

Wax ka beddelka xaqiiqadaas jirtaana maaha mid Somaalida, keligood, gacanta ugu jira maanta iyo maalmo badan oo soo socda toona. Taasaana ka mid ah runta la taaban karo oo xuddunteedu Xamar taallo. Odyassha waa la soo lugooyey. Dadka soo lugooyeyna waa kuwo laba hunguri leh. Mid awood siyaasi doona iyo mid kharash doona, labadaas oo isku lammaan. Xisbiga Al-Islaax, qaybtiisa Mr. Xasan Sh. Maxamoud ee Xamar iyo qaybtiisa kale ee Somaliland ku sugan, iyo waxii la hal-maala ayaa la sheegayaa (iyaga iyo Allehoode) in ay ka danbeeyeen lugooyada ku dhacday Odayaasha. Odayaasha xaggay ka yimaadeen bay hawli culusi u taallay. Odayaasha waa la soo marin habaabiyey, waxay ahayd in ay heshiisiiyaan, Dirrta iyo Hawiyaha isku hor fadhiya shabeelada hoose. Waxay ahayd in ay maamulka Kismayo kala hawl galaan nabadda iyo dibu-heshiisiinta. Waxay ahayd in Maamullada Magaalada Baydhaba isbar-bar socda wax ka qabtaan. Waxay ahayd in ay boqolaalka garab ee isku shidaya ee xamar isku haya la tacaalaan oo wax ka qabtaan. Waxay ahayd in ay mar horeba horumarka Somaliland gaadhay ka hadlaan oo kaga duwanaadaan Siyaasiyiinta aan mabd'a lahayn ee midabka Somalinimada ah ee beenta ah ismarinaya, oo nasiib darradooda, moodaya in aan lagu garanayn.

''Runta ma fantaa?''. Mabda'ii iyo fekerii keli-talisnimo iyo isu yeedhinta amarradu wuu dhammaaday, waxaa beddeley dimoqoraadiyad doon, dib-uheshiisiin, dawladnimo dhisid. Taas oo jidka loo maraa yahay; adugu dhiso oo yaan laguu dhisin. Waxaaga la ka-caakuf, debedda ka maaran, adugu isku day in aad isku fillaato. 

Runta ha loo soo noqdo, ha la qiro xaqiiqada iyo waaqica ma guuraanka ah. Odyayaasha inta ka hadhay ha iska noqdaan, oo yaanay halkan ku rambasin, hawli uma taalle, hana ogaadaan in nabadda iyo dawlad dhiska aan debed laga soo waaridi karan, in meesha aad ku nooshahay laga bilaabo nabadaynta iyo dibu-heshiisiinta. Hawlaha idiin yaallaa Odayaal waa badan yihiine, orda oo Muqdisho ka bilaaba. Ordda oo Somali nabda ah, oo heshiisa xaggiina ka soo bilaaba. waxiinna idinku dhista ku dhidida oo ku daala. Ka maarma lacag shisheeye, colaad shesheeyena iska daaya, tu sokeeyana iska daaya colaadda Somaliland, iyo necayba aad u qabtaan, iska daaya in aad qofkii naga soo dudaba wasiir ka dhigtaan iska daaya. Iska daaya in aad dawladaha adduunka naga dacweysaan. iska daayaa kana xorooba dalawd baa cid kale idiin soo dhisaysaa. ka xorooba lacagta shisheeyaha idinku dhaqaalihiina la soo baxa. Somalinimada ficil ku muujiyaa, markaas ka dib nagu soo noqda!.