Anagoo ah Odayaal ka soo jeeda Gobolka Sool, Sanaag iyo Xaysimo, gaar ahaan Beelweynta Ugaadh-yahan. waxaan halkan ka codsanaynaa Beesha dadka xilalka kala duwan ka haya sida Xildhibaanada ku yimid is xambaarka ama kuwa ku qadhaabta dhaqanka iyo siyaasiyiinta gebi ahaantoodba inaanay na matelin ayna ku fashilmeen Beesha dhexdeeda.
Dadkii iyo dalkii waxa baabi’iyey colaad dhexdooda laysku diray iyo abaar ayna iyagu sabab isu yihiin
had iyo jeerna ay kala durkiyaan Dawladda iyo shacabka si ay mashaariic ay danahooda ku fushadaan u helaan.
Dawladda waxaanu ka codsanaynaa hadaanu nahay odayaasha iyo wax-garadka Beel-weynta Ugaadh-yahan wax naloo weydiiyo iyo wax naloo soo mariyaaba inaanay jirin.
Xukuumaddu haday beesha danaynayso way garanaysaa meeshay ugu hagaagayso
haddaanu nahay Beesha ugu ballaadhan Gobolka Sool hadana aanu ka taaganahay fara madhan dhaliishaana waxaanu dusha ka saaraynaa Xukuumadda ileen iyadaa magacawdee
1. Iidle Dubad Muuse
2. Maxamed Jaamac Cali
3. Aadan Maxamuud Maxamed
4. Warsame Maxamed Warsame
5. Maxamed Cabdi Jaamac
6. Maxamed Saleebaan Bile
7. Cabdiraxmaan Jaamac Maxamuud
8. Axmed Cabdiqaadir Maxamed
9. Maxamed Bayle Gorod
10. Maxamed Cabdiqaadir Finiin