“Waxaan Dalbanayaa In Sharciga La Horkeeno Cidda Weerartay Madaxda Xisbiga Waddani”Muniir Axmed Cigaal

0
653

1Hargeysa(Geeska)- Siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo ka mid ah mas'uuliyiinta Xisbiga WADDANI, ayaa si adag u cambaareeyey tacaddiga iyo jidh-dilka ay magaalada Hargeysa ugu geysteen koox aan weli la garanin haybtooda oo si foolxumo ah u soo weerartay Xoghayaha Cadaaladda Xisbiga WADDANI Haldoor Barkhad Jaamac Xirsi Batuun iyo weli ba sida oo kale guddoomiyaha Garabka Dhallinyarta WADDANI Maxamed Siddiiq Dhamme, waxaana uu sheegay in dhaqankaasi uu yahay mid aad u fool xun oo dhaawac xooggan u geysanaya dawladnimada Somaliland,

Siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo ku sugan dalka Sweden, ayaa sidan ku sheegay muuqaal uu ku soo baahiyey bartiisa Facebook, waxaana uu ugu horreyn uu tusaaleyn ka bixiyey sida Xukuumadahii ka horreeyey Xukuumadda KULMIYE aanay u ahaan jirin kuwo dadka fikir ahaan ka soo horjeeda u qaadi jiray cadaawad iyo weli ba in ay ku weeraraan fikirka ay aaminsan yihiin

"Waxa aan doonayaa in aan ka yara hadlo dhawaaqyo maalmahii ugu dambeeyey ka soo yeedhayey magaalada Hargeysa, arrintaas oo ah arrin foolxumo ah oo aan ilbaxnimo darro ah, arrin aqoon darro ah, arrin fuleynimo ah , arrin aynaan dhaqan u lahaan jirin oo haddii runtii ay inagu sii socoto in geyeysiin doonta meel aynaan hada u taag haynin oo dalkeena, dadkeena iyo umaddeena tooni aanay u baahnayn, maalmahii ugu dambeeyey waxa weerar bar-tilmaameedsan lagu soo qaadayey saraakiisha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, horta Somaliland saddexda Xisbi ee ka jiraa waa saddex Xisbi oo walaalo ah, waa saddex Xisbi oo runtii waxa ka dhaxeeyaa uu yahay calanka, distoorka iyo shacabka jamhuuriyadda Somaliland, saddexda Xisbi sidaas ciyaaraha loo ciyaaro uun buu iyaga na tartan ka dhaxeeyaa ee waa saddex Xisbi oo sida kale oo dhan iskaga mid ah, nidaamkeena dimuqraadiyadeed ayaana jideeyey in nin walba uu geli karo Xisbiga uu doonaayo.".Ayuu yidhi Muniir Axmed Cigaal

Siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay:"Arrintan hada soo muuqanaysa, waxa ay u muuqataa mid dhabahaa dawadnimo ee aynu soo haysanay inaga duwaysa, waxa aynu oggeyn mucaaradaddii ku timi Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo mid ka adagi aanay jirin, waxa aynu oggeyn mucaaradaddii ku timi Cabdiraxmaan Axmed Cali, waxa aynu oggeyn tii ku timi Daahir Ra'yaale oo runtii ahaa madaxweynahii ugu dulqaadka badnaa Madaxweyneyaashii soo maray Somaliland, Xisbiga KULMIYE oo waagaas aan ka tirsanaa mucaaradad tii ugu adkayd buu kala hor tagay Xisbigii UDUB, wax aan Daahir Ra'yaale iyo qoyskiisa lagu odhani may jirin, wax aan Xisbigiisa lagu odhani may jirin hada na intaas oo dhan mar qudha may dhicin dilal qorsheysan iyo falal wanjal ah oo qorsheysan toona oo inta Xisbigii UDUB soo abaabulo lagu dhaawacayey KULMIYE, laakiin waxa ay udub inta badan isku hawli jirtay in ay amaanka dalka ilaaliso, waar aduunyada wax la beero waxa ugu qaali waa bani Aadam e' waxan dhaqan xumada ah ha la joojiyo.".

Muniir Axmed Cigaal, waxa uu sheegay in uu aad uga xun yahay falka lagu la kacay mas'uuliyiinta Xisbiga WADDANI ee dhaawac iyo jidh dilka looggu geystay: ida aan markii hore ba ku cambaareeyey facebook gayga, falalka lagu la kacay xoghayahii cadaaladda Xisbiga WADDANI Garyaqaan Barkhad, waan cambaareynayaa marka hore, iyada oo tii la la anfariirsan yahay ayaa Maxamed Siddiiq na lagu daray oo inta loo soo hanjabay ayaa weli ba na hada na la soo weeraray oo nabaro la soo gaadhsiiyey, waanan cambaareynaynaa.".

Siyaasi waxa uu ugu dambeyntii uu su'aal weydiiyey shacabka Somaliland oo isaga oo isbarbar dhig ku sameeyey qaabkii loo soo xidhay iyo weliba sida oo sida ay ciidamada boolisku wax uga qaban la' yihiin weerarada lagu hayo Xisbiga WADDANI.

"Umadda reer Somaliland waxa aan weydiinayaa anigu sideed cisho ayaan ku xidhnaa saldhigga dhaxe ee magaalada Hargeysa oo Maxamed Case oo xalay u report gareeyey ninka la yidhaahdo Siddiiq iyo inamaddii uu la socdayba, anigu sideed cisho ayaan ku xidhnaa xafiiska uu taliyaha ka yahay Maxamed Case , laba gaadhi baa la igu soo weeraray oo lixdan nin ay saaran tahay, wax Allaale iyo waxaas la igu soo weerarayeyna waxa ay ahayd fal aanan geysan oo xattaa halkii uu ka dhacaayey aanan joogin, marka waxa aan lee yahay waar ciidamada Boolisku maxay dilalkan qorsheysan ay wax uga qaban waayeen ciidamada Boolisku inta ay dadka iyagu iyaga oo lixdan ah weeraraya.".Ayuu yidhi Muniir Axmed Cigaal