Odayaal Madaxweyne Biixi Ku Eedeeyay Inuu Oday Maxamed Xasan Dalab Awood Dawladeed Kaga Qaaday Dhul Uu Leeyahay

0
1157

Hargeysa(Geeska)-Oday Maxamed Xasan Dalab iyo odayaal kale oo sheegay in dhulka madaxtooyada cusub laga dhisaayo uu isagu leeyahay ayaa shacbiga Somaliland u soo jeediyay inay kala dhexgalaan Oday Maxamed iyo madaxweyne Muuse oo uu sheegay in caruurtiisii uu ku dayray halkii ay deganaayeen isla markaasna loo ogolaan waayay inay dibada  soo baxaan.

Odaygan oo da’ ah ayaa sheegay in madaxweyne Biixi uu balamo badan kaga baxay isla markaasna uu doonayo inuu dhulkiisa xoog kula wareego, sida oo kale odayaal siyaasiyiin iyo caaqilka beeshaaas ayaa dhamaantood sheegay in madaxweyne Biixi dhibaato ku hayo Maxamed Xasan oo dhulkiisii xukuumadu iskala wareegtay.

Ugu horayntii oday Maxamed Xasan Dalab oo ka waramaayay isaga iyo mdaxweyne Biixi wixii dhexmaray waxa uu yidhi  ” Maalin ayuu madaxweynaha hadda ii yeedhay, waan u imi, waxaan is lahaa xil iyo waxaas ayuu kuu wadaa oo waxana lahaa waligayba dawlad uma shaqayn kaga jawaab, waxaabu igu yidhi dhulkii waanu kaa qaadnay, joomitirkii iyo maayarkana waanu ugu yeedhnay dilaaliintiina suuqa ayaanu u dirnay iibkiina intaas ayaa la yidhi, 30% waanu kaa jaraynaa waxii kale ee kuu soo hadhana waanu ku siinaynaa,waxaan ku idhi waxay doonto ha noqotee xukunkii fuli oo kuwan meesha fadhiya ka kaxee adiguna waxa aad tidhi sharcigu ha sareeyo ee ha kuu dhabowdo, anagana samirkaygii aan wax ku helo, waayahay ayay jawaabtii noqotay, halkaas iyada oo taagan ayaa la keenay cagafyo jeexjeexay, waan doon doonay, waa uu ii yeedhay oo waxa uu igu yidhi maxaad iga doonaysay, inaadeer waxba kaama doonayo oo shaqo kaama doonayo, shaxaadna kaama doonayo waxaan isku ogayn miyaad fulisid, waxa uu yidhi maan fulin ee wax kale ayaad hadana bilowday hadal waa uu badnaa,hadana jooji waxaas oo ii yeedh oo sida aad doonayso oo sax ah ayaan kuu siin oo nina waxiisa laguma dul maamulee, ii yeedh waxana jooji, waayahay ayay noqotay,sidaan u sugaayay ayaa dayrkii la bilaabay aniguna waa dhacay oo waan bukooday sagaal bilood ayaanan kicin.”

Oday Maxamed  oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“ Waxa ka danbeeyay in gaydh laygu wada xidhay, maxaa ka danbayn, waxa  danbeeyay in  xoolii iyo reerkii la yidhi ma bixi kartaan oo albaabkii lagu xidhay,cidina ma gali karto cidina ma ka soo bixi karto, waxaan leeyahay dalka umadda ku nool bari iyo galbeed salaadiintooda iyo cuqaashooda, waxgaradkooda waxaan ahay qof aadame ah oo intaas oo dhib ah ay haysato waxaan galay iyo waxaan kasbaday toona maaha, balo nin ka dhacda ayaa aduun dhan aafaysee geed ma ihiye qofbaan ahaye waxa caynkaas ah ayaan qabaaye umadeey wax halaga qabto. “                                                                Siyaasi Xasan Cabdi Maxamuud (Xasan-Xaydh)  ayaa dhankiisa ka mid ahaa dadkii halkaas ka hadlay“ Ka guur maxaanu ku guurnaa, waxii hore markay dhamaatay anagu inaan la hadalno waanu doonaynay in aan nala maqlin oo anay ceebtayada cidi ogaan inaan isku xaan qarsano ayaana u dhawraynay,maanta waxaanu cadaynaynaa inuu dulmigaas inuu  ka shalayn doono anaguna aanan ka guurayn meeshayadii anaga oo arkayna.”

Sida oo Caaqil Shaqale Cabdi Xuseen oo halkaas ka hadlay waxa uu yidhi  “Mudane madaxweyne sidaas Xasan Xaydh kuu sheegay hadh iyo habeen ayaanu kuu taagnayn oo aan qadaynayn oo aad madaxweynaayagii ahayd maanta cagta hoosteeda ayaad na galisay oo Maxamed Xasan oo aad ogtahay dadiisa ayaad ka dhigtay waxaan noolayn dhimana caruurtiisii ayaa ooda afka laga saaray.”

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay odayaal ay ka mid yihiin Aqoonyahan Cabdi Ismaciil,  C/qaadir Sh.Yuusuf Sh.Madar iyo  Siyaad Cadilaahi Digaale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here