Cabdi Good Abees Oo Sheeay Inay Sirdoonka Djibouti U Soo Hanjabeen, Ka Dib Markii Uu Garab Istaagay Ganacsade Axmed Cismaan Geele

0
1150

Hargeysa(Geeska)-Aqoonyahan Cabdi Good Abees ayaa sheegay in sirdoonka dalka Jabuuti ay ugu soo hanjabeen inay dilayaan, waxaanu sheegay haddii wax dhibaato ah ay soo gaadhaan in dadka reer Somaliland ay sirdoonka Jabuuti u raaci doonaan arintaas.

Cabdi Goodd ayaa sheegay in sirdoonka Jabuuti ay ku haystaan sababta uu u dhaliilay Ismaacil Cumar Geele  waxaanu sheegay in uu ka hadli doono arimaha haatan laga cabsi galinaayo. Cabdi Good Abees ayaa dhawaan dhaliilo hawada u mariyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, maalmihii ay taagnayd xiisadii Ganacsade Axmed Cismaan Geele.

 

Mr. Good oo shalay waraysi siiyay Telefishanka Star, ayaa wuxuu hadalkiisa ku bilaabay sidan  “ Saaka [shalay] 8:32 saacada Hargeysa iyo 11:58 saacada Hargeysa ( shalay) waxa lay soo kala diray laba farriimood oo Whatsapp- ka laygu soo diray, oo runtii Jabuuti layga soo diray oo laygu hanjabaayo in ninkaasi uu helay xogo sirdoon oo Hargeysa laygu dilaayo, ama Gaadhi lay jiidhsiinaayo ama xabad inta laygu dhufto magtayda la dulsaaraayo cidkalena aanay idilayn ee ay I dilayaan dadka reer Somaliland oo ilaa shaaqiyaduhu ay u yihiin shaqaale oo lacagtayada ku shaqeeya Ama Ismaacil Cumar Geele la shaqeeya Idiris Cumar Geele ayaad gaadhay ayuu ku leeyahay, markaas Ismaacil Cumar Geele kama hadho dadka ee waa uu dilaa.”

Cabdi Good oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “ Cumar Xasan Al-Bashiir waxa helay waad arkaysaa inuu inqilaab ku qabsaday oo kii ka qaadayna laga sii qabsaday aniguna digtaytar ayaan sheegay hantida reer Jabuuti ee maqana waan sheegay qoyska ku amar ku taagleeyana waan sheegay intaas midna been maaha oo adduunka oo dhan ayaa qirsan, maxaad uga hadashay Ismaacil Cumar Geele ayaa uu sirdoonkiisii iigu soo dirayaa oo uu leeyahay Hargyesa ku dil, waar dhagaxyo soo daadi waxba ha la hadhine anigu Hargeysa ayaan joogaa oo Somaliland ayaan joogaa nin sidaas ku cabsada ma ihi nafta alle ayaa qaada oo marbay baxdaa naabaalo intaad igu soo hogaamiso bal madaxa igaga dhufo nin sidaas ku cabsada ma ihi, waa digtaytar  Ismaacil Cumar Geele aniga ayaana taas aaaminsan oo aaminsan in qoyskiisu uu meesha ka shaqeeyo, waxaana kuu cadaynaaya hanjabaadan.”

Waxa uu Sheegay haddii uu dhinto in loo haysto sirdoonka Jabuuti“ nin Sidaas ku baqda oo la iibsado ma ihi, maanta hadaan duray u dhinto waan garanayaa ciddi ay reer Somaliland godobtayda u raacayaan, hadduu duray I dilo ama iskay aan u dhinto.”

Waxa uu ka hadlay halka laga raacay“ Maxaad Ina Cismaan Geele Arab Ugu hiilisay miyaanu ahayn nin ka soo cararay, sida kaas loo eryanaayo ayaa anigana la doonaya maxaad uga hadashay, waar ina Cismaan Geele godabtiisu anigay ii taalaa waanan ka hadlayaa, hadduu dulmiga wadano waan qabanayaa hadduu dulman yahayna waan u hadlayaa, imikana ina Cismaan Geele Arab inta Hargyesa laga kaxeeyo Jabuuti lama gaynmaayo, maxkamadaa sharcigu waxay ku leeyihiin bangiyadu waa halkeeda laakiin maxaad ugu hadashay waar imikaan u hadlayaa,caqliguu jabuuti ku hayayna waa uu hayaa lacagtiina waa uu hayaa, halkanba kanbaniyo waa uu ka samaysanayaa aniguna waan hadli intay saantaydu qoyantahay, qaranka Jabuuti ayaa la dhacay ayaan idhiye ma wax kale ayaan idhi, maamulka Ina Cumar Geelaan wax ka sheegee ma jabuutibaan wax ka sheegay.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here