Oday Reer Burco Ah Oo Farriin Digniin Iyo Dardaaran Ah U Soo Diray Wasiir Cali-mareexaan

0
1100

“Wasiir Cali Mareexaan Waxaan Leeyahay Iskuulkani Waa Kii Aan Shahaadada Kaaga Qaaday, Markii Lagugu Xidhay Shahaado Dugsi Sare” Xuseen Xaaji Xasan Geele

Xaaji Xasan Geele waxa uu ahaa Shiikh Beledkii Gobolka Togdheer degmadiisa Burco, waxa aanu ku dhashay Gobolka Saaxil,  isla markaana waxbrashadiisa waxa uu ku bilaabay Gobolka Saaxil, waxaanu waxbarashadiisa kusoo dhamaystay  Cadan iyo Masar, Xaaji Xasan waxa uu Burco ku leeyahay hanti, dhismeed  waxaanu u qaybsanaayeen seddex qaybood oo kala ah

1-     Hanti uu dhisay oo awlaadiisu ka dhaxashay

2-     Iyo hanti uu siiyay dawladda

3-     Iyo mid waqaf uu ka dhigay gacantana uu ku hayay, hantida uu dawladda siiyay, oo ahayd jago iyo dhul ay dhistaan waxaana ka mid ahaa

Khayriyada Burco, waxa uu wafaq ka dhigay gacantana ku hayay Masaajidka Shiikh Isxaaq, Malcaamada Aflax, iyo Maxadka wayn ee dhulka Somaliland caanka

ka ah ee Jamaal Cabdinaasir.

Masaajidkaa Xaaji Xasan marka ardayda cibaadada lagu baro, waxaa higaada lagu bari jiray malcaamada Aflax, Malcaamada aflax markay ka qalin jabiyaan, dhisida higaada iyo luuqa carabida ayaa waxaa soo baxay Dafcadu u baahan iskuul sare iyo Hoose waxaana uu beertii uu xaqa u lahaa ka dhigay Iskuul Jamaal Cabdinaasir kana dhisay fasalo macalimiinta waxaa uu uga doonay jaamacada Carabta taas oo uu ka helay macalimiin Masri ah, Mushaharkana ay ka bixiyaan Jaamacada Carabtu.

Haddaba waxaa jira in beryahan dambe in weerar reeraysan uu shaadh dawladeed xidhan ay kusoo qaadeen iskuulkii Jamaal Cabdinaasir,  wasiirka Hawlaha Guud Cali Xasan Mareexaan iyo guddoomiyaha waxbarashada Gobolka Togdheer Xasan Jaamac, intii uu Guddoomiyaha waxbarashada ahaa Xasan Jaamac  Oday waxaa la waayay Macalimiintii faraha badnaa ee masaarida ahaa,  oo loo qaybiyey gobolada JSL,  waxaanay arintani caqabad ku noqotay hanaankii waxbarasho ee iskuulka, waxa kaloo iskuulka murankiisa bilaabay intii uu wasiirka waxbarashada haystay Wasiirkii hore Faarax Geedoole, oo seedi u ah Guddoomiyaha waxbarashada Gobolka Togdheer, sidoo kale isagoo kaashanaya wasiirka hawlaha guud Cali Mareexaan, Ujeedada uu Guddoomiyaha waxbarashada u doonayo inuu iskuulku baabi’iyo ayaa ah sidii uu ula wareegi lahaa guri uu iskuulku leeyahay oo uu ku jiro, taasoo ay kuu cadaynayso caaqil Guddoomiyaha inuu noo yimi nagana codsaday in guriga uu ku jiro la siiyo.

Haddaba wasiir Cali Mareexaan waxaan leeyahay iskuulkani waa kii aan shahaadada kaaga qaaday, markii lagugu xidhay Shahaado Dugsi Sare, xiligii aad baarlamaanka u sharaxnayd, cidna u cuntami mayo iskuulkani, waxaan doonaynan in iskuulku sidiisii ahaado oo ajarkii uu u dhisay Sh. Xasan Geele uu u socdo anaguna aan gacanta ku hayno.

Qore: Xuseen Xaaji Xasan Geele,