Qaybe, wuxuu maanta milicsiga taariikhda Somaliya kaga hadlayaa dareenkii Maxamed Siyaad Barre qaatay habeenadii ay SNM gudaha u soo gashay Hargeysa iyo Burco, oo uu ku sugnaa magaalada Soddare ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu marti ugu ahaa Madaxweynihii Itoobiya Mr. Mingiste.
Maxamed Siyaad Barre, wuxuu wakhtigaas Addis Ababa kaga qayb galay shirkii Midowga Afrika, markii uu dhammaadayna waxa uu Mingiste ka codsaday Siyaad inuu maalmo ku sii negaado Itoobiya si loo sii ambo qaado wada hadaladii ku saabsanaa heshiiska labada dawladood oo ay ugu muhiimsanayd in SNM meesha laga saaro.
Oday Qaybe, wuxuu Wargeyska Geeska Afrika, weydiiyay waxa ka jira aragtida ay dad badani ku doodaan ee ahayd inuu Mingiste khiyaameeyay Siyaad Barre. Qaybe, wuxuu sheegay inaanay warkaas waxba ka jirin, waxaanu isagoo ka hadlaya dareenkii Siyaad Barre ee gudo galkii SNM ee Burco iyo Hargeysa uu yidhi
“Shirkii Midowga Afrika ayaa bishii May horeenteedii lagu qabtay Addis Ababa kaas oo uu Maxamed Siyaad Barre ka qayb galay ana aan la socday. Markii shirku dhamaaday ayuu nagu yidhi maalin I suga, maalintaan sugaynayna meel la yidhaahdo Soodare oo boqorku qasri ku lahaa ayaanu tagnay, habeenkii oo dhan ayaanu sheekaysanaynay, waxa lagu balamay in siddeeda subaxnimo nala toosiyo, waxaanu doonayay in maalin danbena la sii joogo. Saddexdii habeenimo ayuu Cali-Samter soo garaacay Siyaad oo uu yidhi nimankii [SNM] waxay galeen Burco, lixdii ayaa nala toosiyay markaasaa la yidhi Mingistena soo toosiya, markaasay janaraaldiisii ka baqeen, dabadeedna Siyaad Bare intuu ul albaabkiisii la dhacay ayuu yidhi soo bax, maraasu yidhi maxaa dhacay, markaasu ku yidhi waar soo bax khaayinyaw xumi. Siyaad Barre war buu diray oo waxa uu yidhi soo diyaariya diyaaradii iyo waxii oo dhan labadii duhurnimo baanu gaadhnay madaarkii, halkii waanu ka duulanay oo Xamar ayaan tagnay, iyada oo la leeyahay waa uu ina khiyaameeyay Mingiste. Adigu markii danbe xaaladii waxay ku danbaysay in dadkii diyaarad lala dhaco oo laga saaro dalkii.”
Qaybe, oo la weydiiyay sida uu Maxamed Siyaad Barre, u arkay awoodii SNM markii ay gudaha u soo galeen dalka, wuxuu yidhi
“Waxa uu arkay awood aanu filayn, waayo kuwii halkan joogay Moorgan iyo kuwaas ayaa odhanyay waanu daba goosanay oo waxba kamay hadhin iyo wax lamid ah, ciidankii [SNM] halkan soo galayna wuu soo daayay oo waxa uu yidhi kiishbaan galinayaa, gidaarka ayaana looga dhacay oo waa tii ilaa madaarka uu cararay, isagu [morgan] xirfad dagaal ayuu ku waday. Markii danbana waatii jabhadii iyo waxiiba ay ku kaceen ee meesha laga saaray, Hawiyiina xukunkii uu boobay.”
La Soco cadadka beri qodobo kale oo xiiso leh oo ay ku jirto goobtii uu Mr. Qaybe ku sugnaa markii ay dawladii Maxamed Siyaad Barre burburtay.
Comments are closed.