Sheekh Shariif Oo Mar Kale Magacaabay Guddi Burinaysa Shardigii Somaliland Iyo Ergadii Madaxweyne Siilaanayo Magacaabay Oo Haqable Ku Tagaysa London

0
507

Muqdisho(Geeska)-Madaxweynaha Somaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa buriyay hadalo ay hore u baahisay xukuumadda Somaliland oo sheegaya inuu balan qaaday inaanu guddiga wada hadalka ku soo dari doonin cid asal ahaan ka soo jeeda Somaliland.

Somaliland ayaa wada hadalada dalka Somaliya hore u qaadacday ka dib markii uu Madaxweyne Shariif guddiga farsamo ee wada hadalka ku soo daray laba xubnood oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland balse xilal u haya maamulka Puntland. Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa toddobaadkan dhawr goor Hargeysa ka sheegay inay isla qaateen in la soo bedelo xubnaha asal ahaan ka soo jeeda Somaliland. Laakiin Sheekh Shariif, inkastoo uu wada hadalka ka saaray xubnihii Puntland, haddana wuxuu guddigan cusub ku soo daray xubin dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland balse xil u haysa dawladda ku meelgaadhka ah, kaas oo ah wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Mr. Axmed Caydiid Ibrahim, una dhashay gobalka Sool. Xubnaha uu Sheekh Shariif u magacaabay wada hadalka Somaliland ayaa kala ah:

1.                   Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka dawladda ku-meelgaadhka ah Mr. Cabdisamad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Guddoomiyaha guddida wadahadallada

2.                   Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dawladda ku-meelgaadhka ah Mr. Axmed Caydiid Ibraahim.

3.                   Safiirka dawladda ku-meelgaadhka ah u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdi Xuseen Guulwade.

4.                   Xildhibaan Xuseen Xasan oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya

5.                    Xildhibaan Maxamed Xasan Aadan oo ka tirsan Baarlamaanka

Ma jiro wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay xukuumadda Somaliland, noomana ay suurtogelin mar aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno guddiga wada hadalka oo ku sugan magaalada Addis Ababa. Laakiin dad badan ayaa layaabay farqiga u dhexeeya hadaladii ay xukuumadda Somaliland warbaahinta marisay iyo xaqiiqda xubnaha Somaliland u dhashay ee uu Sheekh Shariif magacaabay, waana markii labaad ee labaataneeye maalmood gudahood hadalo iyo ficilo kala duwan oo ku aaddan wada hadallada ka dhcaya London laga maqlo xukuumadda, waxaanay bulshadu weli maanka ku haysaa shirkii Turkiga oo qaybtii ay xukumadu sheegtay inaanay ka qayb geli doonin la arkay iyadoo weftigeedii dhex fadhiyaan.

Su’aalo badan ayaa la iska weydiin karaa muhiimadda Somaliland ugu jirta in uu Madaxweyne Shariif beddelo ergada uga qayb galaysa shirka wada hadallada, maadaama oo aanu ka noqon shardigii Somaliland ku xidhay ee ahaa in la wada hadlo iyada oo la yahay labadii dhinac ee israacay 1960-kii, taas oo macnaheedu noqonayo in xubnaha ergada TFG ka socda aan lagu soo darin xubno dhalasho ahaan reer Somaliland.

Haddii ay Somaliland sidaa ku aqbasho ergada Sheekh Shariif waxa ay noqonaysaa in sababta xubnihii hore loo diiday ay tahay keliya in maamul goboleedka Puntland ka socdaan, taasina macne buuran kuma soo kordhinayso ergada.

Geesta kale, weftiga guddiga wada hadalka ah ee uu madaxweyne Siilaanyo magacaabay ayaa u muuqda inay habaqle ku tagayaan magaalada London. Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa xalay gaadhay magaalada London, halka afartii xubnood ee kalena ay ku suganyihiin Addis Ababa lana filayo inay caawa ka baxaan. Lama garanayo sababta keentay inay iyagoo isku ujeedo u socda kala wakhti gaadhaan dalka Ingiriiska, laakiin waxay u muuqataa qorshe xumo.

Muwaadiniinta ayaa dhammaan u dheg taagaya wada hadalladaa iyo qaabka ay ku bilowdaan oo ishaaro cad u noqon doona midha laga fili karo wada hadallada.