Oday Qaybe Oo Cambaareeyay Siyaasadda Gaaban Ee Cali Khaliif Galaydh

0
580

IMG_0001Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyihii golihii hore ee wakiilada Somaliland Md. Axmed Maxamed Aadan (Qaybe), ayaa si adag u naqdiyay siyaasadda Dr. Cali Khalif Galaydh ee ku waajahan deegaanada Beesha Dhulbahanate iyo weliba aragtidiisa wada hadalka Somaliland iyo Somaliya.

Oday Qaybe, ayaa qoraal uu shalay soo saaray oo uu soo gaadhsiiyay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay in inkastoo uu Cali Khaliif sheego inuu aaminsanyahay Somaliweyn, haddana haddii loogu yeedho inuu madaxweyne xigeen labaad ka noqdo Somaliland, la arki doono isagoo difaacaya jiritaanka iyo madaxbanaanida Somaliland. Oday Qaybe, wuxuu muujiyay inuu ka xunyahay inay reer Buhodle noqdeen dad qof walba u nuqul. Qoraalkaasi wuxuu u dhignaa sidan:  “Waxaan la yaab sanahay afar bug laha Cali Khaliif ee sheeganaya maamul gobaleed aan jirin.  Sharciyada adduunku ku dhaqmo ayaa tilmaamaya meeshii dawladi ama maamul goboleed ka tirsani ka jirto ay leedahay  dhul  la yaqaan ( recognized territory).

Mr. Cali khaliif  wuxuu ka xanaaqay labada masuul ee ka soo jeeda beelaha sool iyo sanaag bari ee sheekh shariif ku magacaabay  xubno ka mid ah gudida Somaliya uga qayb geli doonta wada hadalka Somaliland. Cali Khaliif  waxuu  caddeeyay inuu xaq u leeyahay xubinimada  gudigaas  isagoo ku faanaya shahaadada  PhD  ee uu ka qaatay jaamacad derejada saddexaad ah. Wuxuu illow sanyahay inuu xukuumadii Cabdi Qaasim uu Raysalwasaare  ka ahaa  isagoo daarood oo dhan metelaayey  hankii loo qabay ku fashilmay  oo Barlamankii Somaliya kalsoonidii kala noqday.

Cali Khaliif  wuxuu dhulbahante siiba degaanka Buuhoodle ku noqday gantaal laga soo ridey Maraykan dhimasho  iyo  dhaawac tobanaan dhallinyaro ah sababay inkastoo uu yidhi  somaliwayn  ayaan u dhimayaaa siday Waheen 16/4/2012  qortay , haddii madaxwayne ku xigeen  labaad  loogu yeedhi lahaa  isagoo  ordaya ayuu Hargeysa imaan lahaa oo ku baaqaya madax banaanida Somaliland inay muqadas tahay.

Waxaan ka xumahay inay reer Buhodle noqdeen dad ninka doonaaba ku shaqaysan karo oo si fududna dagaal u gelin karo.”