Madaxweynaha Oo Ku Noqday Wixii Uu 10 Sannadood Ka Hor Ku Cambaareeyay Daahir Rayaale

0
547

rayaale3Hargeysa (Geeska)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa u muuqda inuu xisbiga xukuumiga ah ee KULMIYE, ka dhex bilaabay arrimo uu Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, ku naqdiyi jiray oo uu weliba si weyn ugu cambaarayn jiray.

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu toddobaadkan soo abaabulay qorshe xilka iyo xubinimadii xisbiga KULMIYE lagaga qaaday md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, oo ka mid ahaa aasaasayaashii KULMIYE kana hayay xilka guddoomiye xigeenka 1aad. Madaxweynuhu, wuxuu Sabtidii sida ay warar xogogaal ahi Geeska Afrika u sheegeen ku hanjabay inaanu shirka KULMIYE ka qayb geli doonin haddii uu Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ka qayb galo, Axadiina waxa ku xigtay in si jujuub ah oo loo adeegsaday ciidamo Boolis ah xilkii lagaga qaaday, shirkii golaha dhexe ee KULMIYE-na lagaga saaray. Sababta keentay in madaxweyne Siilaanyo colaadsado Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, waxa ugu horaysa madmadow soo kala dhex galay, mana aha wax cusub in Madaxweyne talada hayaa xisbigiisa ka saaro siyaasi ka soo horjeedsaday siyaasadiisa hoggaamineed, soona bandhigay ceebo maamul oo uu leeyahay. Hase yeeshe waxa cusub in Madaxweyne Siilaanyo ku talaabsaday arrimo uu ku dacaayadayn jiray Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin. Tusaale ahaan 17 April, 2002, Madaxweyne Siilaanyo oo ahaa guddoomiyaha KULMIYE, wuxuu si weyn Madaxweyne Rayaale ugu cambaareeyay xilk ka qaadistii ay guddiga fulinta ee UDUB ku sameeyeen xoghayihii guud ee UDUB ee wakhtigaas Dr. Cabdi Aw Daahir oo imikana ka mid ah golihiisa wasiirada. “Waxaanu [KULMIYE] ka xunahay in dhibaato ku timaado urur kasta, iyada oo weliba ururka gaarka u taagan khilaafkiisu aanu saamayn ku yeelan karin dalka, balse khilaafka ka dhex taagan UDUB wuu ka duwan yahay ururrada kale, maadaama uu hoggaankii dalka yahay, sidaas daraadeed uu khilaafkiisu saamayn ku yeelan karo dalka, ayuu yidhi Axmed Siilaanyo, waxaanu u soo jeediyey Madaxweyne Rayaale iyo ku xigeenkiisa in ay kala saaraan arrimaha maamulka dalka iyo khilaafaadka ururka dhexdiisa.” Ayuu yidhi Siilaanyo, waxaanu isagoo si gaar ah Daahir Rayaale ula hadlaya uu yidhi “Madaxweynoow, maamulka dalka ku ekow oo arrimaha ururkana [UDUB] faraha kala bax.”

Wuxuu Siilaanyo ka hadlay ciidamo Boolis ah oo wakhtigaas Dr. Cabdi Aw Daahir ka hor istaagay inuu galo xaruntii xisbiga UDUB, waxaanu yidhi “Ciidamadu waa in ay ku ekaadaan arrimaha nabadgelyada oo aanay faraha la gelin arrinta ururka UDUB.”

Wuxuu sheegay inaanay guddiga fulintu awood u lahayn inay xilka ka qaadaan xoghayaha guud ee UDUB, “Waxa ii muuqata oo caddaan ah in guddiga fulinta, madaxweynaha ama cid la jaar ahiba aanay awood u lahayn in ay xoghaya guud ee ururka hawl yari ku eryaan, xafiiskana kaga saari karin, balse Golaha dhexe ayaa beddeli kara – haddaanay ururrada kale ka duwanayn.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu wakhtigaas.

Waa hagaag. Haddaba miyaanu Madaxweyne Siilaanyo maanta kula kicin Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, wixii uu 10 sannadood ka hor ku cambaaraynayay Daahir Rayaale Kaahin.  Miyaan ciidamo Boolis ah oo uu wakhtigaas sheegay inay tahay inay nabadgelyada ilaaliyaan oo aanay ururada siyaasadda faraha la gelin;  aan hadda loo adeegsan in Cabdiraxmaan Cabdiqaadir shirkii KULMIYE lagaga saaro oo ay weliba dhaawacyo soo gaadhaan.?