Madaxweyne Siilaanyo Oo Ay Hoggaamintii Dalku Ku Soo Oodantay Sannad Gudihii

5
744

Siilaanyo-MJHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa waxa soo waajahday xaalad siyaasadeed oo adag ka dib markii degmada Taleex ee gobalka Sool lagaga dhawaaqay maamul goboleed ka dhan ah Somailland oo ay samaysteen beelaha Dhulbahante.

Maamul goboleedkan ayaa dadka siyaasadda falanqeeyaa waxa ay tilmaamayaan inuu Somaliland ku noqon doono caqabad hor leh oo soo waajahday islamarkaana abuuri doona dhibaato ka badan dagaalkii ay maleeshiyaadka nabad diidka ah ee SSC ku hayeen qaranimada Somaliland. Maamul goboleedka lagaga dhawaaqay degmada Taleex ayaa ahaa mid ay bulshadu in badan ka sii digaysay dhibaatada uu abuuri karo, laakiin xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaan dheg jalaq u siin digniinihii mucaaradka iyo baaqyadii shacabka jecel qaranimadooda, waxaanay xukuumadda Somaliland ku fashilantay inay jid siyaasadeed, mid amni amaba mid sirdoon kaga hortago shirkaasi inuu qabsoomo, waxaana la aaminsanyahay in xubno badan oo ka mid ah ragga shirka ka qayb galay ay ka soo degeen garoonada diyaaradeed ee Somaliland iyadoo kuwo kale oo uu ka mid yahay Dr. Cali Khaliif Galaydh oo iyaguna ka soo degay dalalka jaarku ay si fudud ku soo galeen xuduudka Somaliland oo ay xukuumadu ku faanto inuu suganyahay.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa maalintii uu xilka ku wareejiyay Madaxweyne Siilaanyo oo doorashadii kaga guulaystay, wuxuu halkaas ka jeediyay khudbad ay dadka badankiisu imika dib u milicsadeen, waxaanu yidhi  “Waxaan leeyahay Axmed nasiib wanaag ayay u tahay maanta dal dhisan oo nabad ah oo wada jira oo isku xidhan oo dadkiisu wada joogaan inuu maanta la wareegayo.

Hadalkaas Daahir Rayaale Kaahin waxa ka dhadhamayay in waxa ugu weyn ee uu ku faanayo sideedii sanandood ee uu xilka hayay ay tahay ilaalinta midnimada iyo wada jirka shacabka reer Somaliland, marka xaqiiqda la dul istaagana ma jirto guul ka weyn oo uu kuba faani lahaa. Laakiin Madaxweyne Siilaanyo oo sanand iyo badh hayay talada qaranka Somaliland ayaa hadda u muuqda inuu furfur ku imanayo qaranka Somaliland, mar haddii gudaha Somaliland lagaga dhawaaqay maamul goboleedka aaminsan fikirka Somaliweyn. Lama garan karo doodda uu Madaxweyne Siilaanyo kaga jawaabi karo dareenka shacabka xilka ugu dhiibtay cod aqlabiyad leh oo la odhan karo haddii ay arrimahan sii ogaan lahaayeen malaa codkooda way hubsan lahaayeen. Marakse laga tago doodda uu Madaxweynuhu isku difaaci lahaa, waxa cad oo aanay cidina dood ka keeni Karin inay qaranimadii Somaliland halis ku jirto.

Madaxweyne Siilaanyo oo muddo dheer soo ahaa hoggaamiye mucaarad ah, waxa keliya ee uu u cuskan jiray cambaarayntii uu Daahir Rayaale u jeedin jiray waxay ahayd inuu Mr. Rayaale ku hawlanyahay kala fogayn beelaha Somaliland iyo weliba inuu dalka la degay musuqmasuq aafeeyay. Laakiin labadan qodob iyo kuwo kale oo tiro badaniba waxa ay la soo gudboonaatay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Si kastaba ha ahaate laba qodob ayaa Madaxweyne Siilaanyo la gudboon kuwaas oo kala ah inuu muddo gaaban gudaheed isbedel gun iyo baar ah ku sameeyo siyaasadihiisa iyo itijaaha ay xukuumadiisu ku socoto iyo inuu umadda dooratay dib ugu celiyo amaanadii ay u dhiibteen mar haddii uu wadi kari waayay. Wixiise labadaas qodob ka baxsan natiijadooda ayaa la arki doonaa.

Comments are closed.