Oday Daahir Warsame Oo Muniir Ka Difaacay Eedaha Loo Haysto Oo Uu Sheegay Inuu Goob-joog U Ahaa

0
564

Hargeysa (Geeska)- Oday Daahir Warsame Yuusuf oo ka mid ah odayaasha Somaliland, kana mid ahaa dadkii ku sugnaa Hotel Xaraf markii dhaawaca loo gaystay Jaamac Jiir ayaa si kooban uga waramay wixii ay indhihiisu qabteen.

Daahir Warsame oo u waramay Somaliland today ayaa ka sheekeeyey sidii ay wax u dhaceen, waxaana uu sidoo kale sheegay inaanu Siyaasi Muniir Axmed Cigaal ku sugnayn goobta dagaalku ka dhacay, isagoo arrinkaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

"Adeer had iyo jeer huteelkan Xaraf waxaa isugu yimaadda odayaasha xadaariyiinta ah oo halkaas ayay aroortii ku shaaheeyaan oo lagu kaftamaa, markaa sidii aanu u fadhinay ayaanu nidhi waar aynu kala dareernee masaajidka ina geeya, markii aanu barxadda Hotel-ka marayno halka lagu qadeeyo ayaanu aragnay laba nin oo dhallinyaro ah oo murmaya, markaa ninka gaaban ayaa gacmaha aad u lulaya oo hadalo kululi ka soo baxayeen, yarkii Madoobaa ee dheeraa isaguna wuxuu ku cel-celinayay waar marar horena waad i maagtee maxaa la iga kaa siiyaa, markaa anagu waanu iska dhaafnay oo inamadii Hotel-ka ayaa meesha ku hadhay, markii aanu waydaaranay ee aanu dhinaca kale u gudubnay ayaanu aragnay inamadii oo isu gacan qaaday, markaa inamadii Hotel-ka ayaa kala jiiday oo kala qabtay, markii aanu masaajidka ka soo baxnay waxaanu arkaynay ninka gaaban oo aad u kacsan afka dhiig ka muuqdo oo dhagxaamo guranaya, markaa anagu Muniir waxaanu isugu soo galnay masaajidka, markii hore-na meesha inamadu ku mur-mayeen io meesha lagu kala qabanayay midna kumaanu arkayne masaajidka ayaanu jamaca ku kulanay, markii aanu masaajidka ka soo baxnayna Muniir oo meesha taagan maanan arkin, markaa intaas ayuunbaan sheegayaa adeer, ee hadalka inaad sidiisa u dhigtaan ku dedaala" sidaasi waxa yidhi Oday Daahir Warsame Yuusuf oo khadka talefoonka ugu waramay wargayska Somalilandtoday.