Cali Warancade Oo Soo Dhaweeyay Xilka Loo Magacaabay

0
550

Hargeysa  (Geeska)-Wasiirkii hore ee Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Waran-cadde, isla markaana ahaa Safiirka Somaliland ee Itoobiya ayaa ka hadlay xilka cusub ee loo magacaabay, ee ah la taliyaha gaarka ah ee madaxweynaha.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Waran-cadde, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika waxaanu yidhi isagoo ugu horeyn ka  hadlaya xilkiiisan cusub “Xilkani La Taliyaha gaarka ah ee Madaxweynuhu ii magacaabay waa xil muhiim ah, oo qayb weyn ka qaadan kara horumarka iyo maamulkaba,waxyaabo badan oo dalku u baahan yahayna taladda aan ku daro, sidii aan horeba u sheegay haddii ay tahay xagga amniga, xagga horumarka, xagga habsami u socodka, dareenka Bulshada oo aan gaadhsiin doona Madaxweynaha,

Madaxweynahana waan uga mahadnaqayaa xilkan uu ii magacaabay”.

Mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko in isagoo xilka Safiirnimo isagoo la wareegin in loo magacaabo xil kale ayaa ku jawaabay “Xilalka Qaranku waa isku mid, Madaxweynahana waan uga mahadnaqayaa xilalkii kala duwanaa ee uu ii magacaabay sida xilka Wasiirka Arrimaha Guddaha, xilka Safiirnimo iyo waliba xilkan hadda la ii magacaabay, kolay hadda xilkii Safiirnimo waxa loo magacaabay Wasiirkii Qorsheynta Cali Shoombe, waxaana hubaa inuu ka soo bixi doono xilkaas, aniguna xil walba oo aan qabto qaranka isku si baan ula shaqeeynayaa”