Obama Oo Xalay Nidar Ku Maray Inuu Weerarayo Suuriya

0
428

Picture8Washington(Geeska)-Madaxweynaha Maraykanka Barak Obama, ayaa nidar ku maray inuu dalkiisu weerar milatari ku qaadi doono wadanka Suuriya iyo ciidamada daacadda u ah Bashaar Al-Asad.

Madaxweyne Obama, oo xalay shirjaraa’id ku qabtay Washington, wuxuu sheegay inuu go’aankiisa taageero uga raadinaya golaha congresska ee wadankiisa, “Ka dib markii si degen looga baaraan degay, waxaan go’aansaday inuu Maraykanku talaabo milatari ka qaado Suuriya.” Ayuu yidhi Obama, waxase uu sheegay inay talaabadaasi noqon doonto mid kooban, isagoo sheegay inuu weerarkaas kalsooni uga raadsan doono aqalka Koongereeska, 

Wuxuu eedaymo badan oo la xidhiidha isticmaalka hubka kiimikada ah u jeediyay Madaxweynaha Suuriya Bashaar Asad iyo xukuumadiisa, oo uu sheegay inay hubkaas ku gumaadeen dad isugu jira, dumar, carruur iyo ragba, kuwaas oo ah muwaadiniin Suuriyaan ah.  Mar uu ka hadlayay wakhtiga uu weerarkaasi dhici karo wuxuu sheegay inuu dhici karo beri [maanta] amaba toddobaadka dambe amaba bil, balse ay ciidankiisu diyaar yihiin.

Ugu dambayn wuxuu sheegay inuu awood u leeyahay inuu talaabo ka qaado dawladda Suuriya, balse uu door bidayo in Maraykanku ka wada dodo.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa sheegay in eedeymaha Mareykanka ee ah in Suuriya ay isticmaashay hub kiimiko ah ku tilmaamay in aanay micno sameyneyn.

Mr Putin waxa uu sheegay in haddii ay Washington hasyo wax xaqiiqo ah ay caddeyso eedeymaha, isla markaana ay soo hor dhigto golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.